Posts

Showing posts from December 19, 2021

Faallada Buugga “ Layliga Suxufiga”

Image
  Hordhac Buuggan la yidhaahdo “ Layliga Suxufiga” waxa qoray Axmed Maxamed Cali oo ku magacdheer Kismaayo, oo ah wariye wayn oo muddo badan saxaafadda ku soo jiray. Wuxuu daabacaaddii koowaad daabacay sannadkii 2017kii. Wuxuu ka koobanyahay 274 Bog. Cutub ahaanna waa Siddeed Cutub. Buuggan, qoraagu waxa uu kaga warramayaa aqoonta Saxaafadda iyo waxyaabaha la xidhiidha. Xigashooyin badan ma samaynayo marka laga reebo waxyar oo gudaha buugga dhexdiisa uu ku sheegayo. Waxa kale isaga ayaa qoray oo xigasho malaha. Guud ahaanna buuggu malaha wax tixraac ah. Waxa aan isku dayi doonaan si kooban in aan uga warramyo nuxurka buugga iyo waxyaabaha uu koobsanayo, ee uu daaranyahay. Nuxurka Buugga Masuuliyadda Wariyaha Cutubka koowaad qoraagu waxa uu kaga warramayaa masuuliyadda suxufiga ama Wariyaha. Wariyaha waxa saaran masuuliyad wayn sida qofkasta oo nool ay masuuliyad u saarantahay ee xil u hayo. Wariyuhu wuxuu ka shaqeeyaa waa hadal bulshada dhexdeeda lagu baahinayo iyada o

Cisa Binu Cabdisalaan: Suldaankii Culimada iyo Haldoorkii Gobta

Image
Wuxuu ka mid ahaa dadka jaadgooniga ah ee dhif iyo naadirka ah. Wuxuu ahaa nin aragti toosan, oo mawqif sugan leh. Wuxuu ku hubaysnaa wacyi iyo fahan. Marka uu aragti   dhiibanayo halkeeda ayuu dhigi jiray farriinta, wuuna sugi jiray farriinta waxkasta oo ay arrintaasi ku kellifto. Aqoontu kamay mashquulin jirin inuu dulmiga diido, oo uu hoggaamiyayaasha mucaarado halgan adegna la galo, iyo inuu cadawga la dagaallamo. Balse, waxaas oo dhani waxa ay ka mid ahaayeen shaqooyinkiisa iyo waxa uu qabto, oo sooyaalkiisa waxa aad ku arki caddaalad, iyo xorriyadda waqtigan laga ordo, oo isaguu si badhaxtiran oo hadal iyo ficil ba leh u gutay. Waxaa agtiisa buuxi jiray shaqaalaha Madaxda oo ka mid ahaa dadka wax ka barta ee waqtigooga agtiisa ku qaata. Ninka aynu ka warramaynaa waa Cabdicasiis Binu Cabdislaan Abii Qaasim Ibnu Xasan Ibnu Muxammed Ibnu Muhaddab As Salmiyi, oo asal ahaan ka soo jeeday dalka Morooko, kuna dhashay Dimishiq, dabadeed degganaa oo u guuray Masar. Kuna dhintay Masar.

Safaaradda Talyaaniga ee dalka Sucuudiga oo bilowday olole ay kor ugu qaadayso halkudhegga dalkaas oo ah “ Made in Italy."

Image
  Sida uu qoray Wargeyska Arab News Safaaaradda Talyaaniga ee ku taalla caasimadda Riyaad ee Sucuudiga ayaa bilowday dhaqdhaqaaq ama olole ay kor ugu qaadayso waxsoosaarkeeda. Iyada oo taas ka duulaysa ayay ololahan bilowday. Ololaha waxa bilowday oo qorshaheeda lahayd wasaaradda Arrimaha Debadda dalka Talyaaniga iyada oo kaashanaysa Rugta Ganacsiga Talyaaniga; waxaana si rasmiya loo daahfuray 29 Noofanbar, 2021. Waxaana warbaahinta dunida ka horjeediyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debadda Mudane Luigi Di Maio. Luigi isaga oo ka hadlaya sababta ay ololahan u bilaabeen waxa uu yidhi: “ U jeeddada aannu ka leennahay astaantani waxa weeyi in aan dunida u sharraxno waxa aan nahay, innaga oo ka bilaabayna waxa aannu qaayasoorka metela ama sawraca uu Talyaanigu leeyahay. Sababta ugu wayna waa inay na ogaadaan kuwa qurbaha ku nool ama aan na aqoon in ay na bartaan; sidoo kale waa inay ogaadaan waxsoosaarkayaga ama waxa aannu soo saarno iyo waxa aan qaban karno.” Wejiga labaad ee ololaha

Maxammed Cali Saabuuni ( 1930-2021)

Image
Waxa dhawaan geeriyooday Mufasirkii waynaa ee Maxammed Cali Saabuuni AHUN. Maxammad Cali Saabuuni, waxa uu dhashay sannadkii 1930kii, wuxuuna ku dhashay dalka Suuriya. Waqtigii uu yaraa waxa uu ku kacaamay aqoon iyo waxbarasho, oo wuxuu wax ka baran jiray Sh. Jamiil Saabuuni oo ka mid ahaa culimada waawayn ee waqtigaas Xalab ku noolayd. Isaga oo yar ayuu Quraanka Kariimka ah xifdiyay. Wuxuu aad u bartay Luuqadda Carabiga, dhaxalka, Axaadiista, tafsiirka IWM. Culimada uu ardeyda u noqday ee uu wax ka bartay waxa ka mid ah Sheekh Maxammad Najiib Siraaj, Axmed Shumaac, iyo Maxammad Siciid. Dugsigii sare waxa uu dhigan jiray meel ganacsiga lagu barto. Jaamacadda wuxu bartay Shareecada, wuxuuna dhammeeyay sannadkii 1952kii. Shahaado Caalamiga ayuu qaatay sannadkii 1954kii. Meelo kala duduwan ayuu ka soo shaqeeyay. Waxa ugu badan ee uu ka shaqaynayay waxa ay ahaayeen inuu waxbaranayay ama uu dadka waxbarayay. Wuxuu in badan wax ka dhigayay Masaajidka sharafta leh ee Xaramka Maka. Wuxuu