Maxammed Cali Saabuuni ( 1930-2021)



Waxa dhawaan geeriyooday Mufasirkii waynaa ee Maxammed Cali Saabuuni AHUN. Maxammad Cali Saabuuni, waxa uu dhashay sannadkii 1930kii, wuxuuna ku dhashay dalka Suuriya. Waqtigii uu yaraa waxa uu ku kacaamay aqoon iyo waxbarasho, oo wuxuu wax ka baran jiray Sh. Jamiil Saabuuni oo ka mid ahaa culimada waawayn ee waqtigaas Xalab ku noolayd. Isaga oo yar ayuu Quraanka Kariimka ah xifdiyay.

Wuxuu aad u bartay Luuqadda Carabiga, dhaxalka, Axaadiista, tafsiirka IWM. Culimada uu ardeyda u noqday ee uu wax ka bartay waxa ka mid ah Sheekh Maxammad Najiib Siraaj, Axmed Shumaac, iyo Maxammad Siciid. Dugsigii sare waxa uu dhigan jiray meel ganacsiga lagu barto. Jaamacadda wuxu bartay Shareecada, wuxuuna dhammeeyay sannadkii 1952kii. Shahaado Caalamiga ayuu qaatay sannadkii 1954kii.

Meelo kala duduwan ayuu ka soo shaqeeyay. Waxa ugu badan ee uu ka shaqaynayay waxa ay ahaayeen inuu waxbaranayay ama uu dadka waxbarayay. Wuxuu in badan wax ka dhigayay Masaajidka sharafta leh ee Xaramka Maka. Wuxuu muddo dhigayay Tafsiirka Quraanka, Axaadiist IWM.

Kutub badan ayuu qoray. Kutubta uu qoray waxa ka mid ah:

1-      Safwatu Tafaasiir, oo ah Kitaab uu tafsiirka kaga warramayo, waana kitaabka kutubtiisa ugu caansan.

2-      Kunuusu Sunna.

3-      Macaanii Al Qur’aan.

Kutubka uu qoray waxa ay u badanyihiin Tafsiirka, Axaadiista IWM. Dhaxal aad u badan ayuu ummadda Islaamka u reebay.

Sh. Maxammed, maanta ayuu ku geeriyooday Turkiga. Alle ha u naxariisto.

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?