Posts

Showing posts from November 17, 2019

Muwaadinnimadu waa xeer Dastuuriya Reer Galbeedka, waanna arrin iska walaxa waddamada Carabta iyo Islaamka

Image
(Isbarbardhig ku saabsan fekerka Galbeedka, iyo fekerka islaamka) Fekerkan sharci ee cusub, bini’aadamku kama hadlo sidii kor loogu qaadi lahaa. Bini’aadam kasti waa muwaaddin, sida muwaadin kastaaba u yahay bini’aadam.   Sharciganna wuxuu dhigayaa in ay dhammaatey waqtigii la helayey dad   bilaa dal ah. Iyada oo taasi jirto, waxaa jira dad waddama qaar, laguna magacaabo ( بدون   ~ wax ba la’aan) oo ka hadhey dawladihii la aqoonsanaa ee Maraykanka, haddana ku sugan xaalad bini’aadannimo. Sharcigu kalidii wuxuu dhigayaa, sidee [ayuu qofku ku noqon karaa muwaaddin?] Iyo goorma ayuu qofku noqon karaa muwaaddin? Waa maxay xaaladda ka dhigaysa qofka muwaaddin? Waa maxay minqiyaaska uu qofku ku noqonayo muwaaddin? Waynnu garanaynnaa barashadeenna sharcigan, in sharcigu yahay shey jira, nool, kora, oo ku waynaada warcelinta baahiyaha bulshada ee dhammaan geeddisocodka nolosha. Dadaalka bini’aadanka ee   fekerku ma joogsado. Dadaallada cilmiga ah ee sharciga waxaa ka mid ah, kuwa l