Muwaadinnimadu waa xeer Dastuuriya Reer Galbeedka, waanna arrin iska walaxa waddamada Carabta iyo Islaamka
(Isbarbardhig
ku saabsan fekerka Galbeedka, iyo fekerka islaamka)
Fekerkan sharci ee cusub, bini’aadamku kama hadlo sidii kor
loogu qaadi lahaa. Bini’aadam kasti waa muwaaddin, sida muwaadin kastaaba u
yahay bini’aadam. Sharciganna wuxuu
dhigayaa in ay dhammaatey waqtigii la helayey dad bilaa dal ah. Iyada oo taasi jirto, waxaa
jira dad waddama qaar, laguna magacaabo (بدون ~ wax ba la’aan) oo ka hadhey dawladihii la aqoonsanaa ee
Maraykanka, haddana ku sugan xaalad bini’aadannimo.
Sharcigu kalidii wuxuu dhigayaa, sidee [ayuu qofku ku noqon
karaa muwaaddin?] Iyo goorma ayuu qofku noqon karaa muwaaddin? Waa maxay
xaaladda ka dhigaysa qofka muwaaddin? Waa maxay minqiyaaska uu qofku ku
noqonayo muwaaddin? Waynnu garanaynnaa barashadeenna sharcigan, in sharcigu
yahay shey jira, nool, kora, oo ku waynaada warcelinta baahiyaha bulshada ee
dhammaan geeddisocodka nolosha. Dadaalka bini’aadanka ee fekerku ma joogsado. Dadaallada cilmiga ah ee
sharciga waxaa ka mid ah, kuwa la xidhiidha muwaaddinnimada, sidaa daraadeed
ayey u kobocdey fekradda muwaaddinimadu, waxaynna kor u kacdey bayooloji
ahaan─waxaynna la xidhiidhaa dhiig, ama kaliya ciid! Xagga waddankana waxa ay
la xidhiidhaa heshiis u dhexeeya muwaaddinka iyo dawladda, waanna heshiiska jinsiyad
ahaaneed!
Jinsiyaddu waa foolka koowaad ee muwaaddinka─ waxaynnu u
jeednaa, qofku wuxuu ka guurayaa koriddii
xubinnimada, wuxuuna u guurayaa
korid siyaasadeed. Jinsiyaddu waa heshiis in muwaaddinku leeyahay xuquuq,
waajibaad, iyo in dawladduna qofka si
guud ugu leedahay xuquuq, iyo sidoo kale waajibaad. Fahankan siyaasadeed waa
intii ugu dambeysay ee uu ku soo saarey
fiilkan sharcigu baadhid.
Ragga garyaqaannadu waxa ay farqi yar u dhexaysiiyaan;
heshiishka muwaaddinnimada iyo heshiiska jinsiyadda. Balse marka aad u fiirfiiriso
waxa aad arki in ay si gundheer isku soo galayaan. Heshiiska jinsiyaddu waa
sawir dhaba oo turjumaya heshiiska muwaaddinnimada, sidoo kale waa fool ka mid
ah foolalka isbeddel ee heshiiska muwaaddinnimada, wuxuunna sawirku udhawaan
karaa fahanka muwaaddinnimada fekerkan sharci ee cusub [marka loo eego]. Bini’aadanku wuxuu iska baddelaa jiritaanka
bulsheed iyo dabeecadeed wuxuunna isku baddelaa jiritaan xuquuq leh, isagana
dawladdu waajib ku leedahay. Wuxuunna helaa siyaasad [ Maamul iyo kala
danbeyn], ma helo Bayooloji (jidh wuxuu u u cuno) kaliya. Qof kasta waxaa lagu
dhalaa waddan leh xaq koritaan ( xaq gobol). Sida qof kasta ay u dhalaan labo
waalid oo leh jinsiyad gaar ah. Ilmuhu wuxuu leeyahay xaqa helidda jinsiyadda (
Xaqa dhiigga). Qofka waalla dooran siin karaa jinsiyadda markey d’adiisu gaadho
18 [gu’], ee uu helo jinsado badan (dhalashooyin tiro leh).
Cilmibaadhis yada
qaar waxa aad ku arki in heshiiska muwaaddinnimadu ka gun dheeryahay heshiiska
jinsiyadda. Ta koowaad waa: Bini’aadannimada, ta labaadna waa: Heshiiska. Balse
bini’aadannimadu geeddisocodkeedan cusub waxay isku dhererinasaa ta labaad,
gaar ahaanna dhinaca cusub ee isku dayaya qaar ka mid ah itijaahooyinka socodsiin kara feker qolo, iyo abuuridda
feker [heer] caalamiy ah. Kaasi, waxa ay iska waafaqayaan fekerka Islaamka (
kobcinta fekerka) ee heshiiska ku xidhan
korukaca. Taasi waa dawladda leh fekerka Islaamka sida ku qoran kutubta fiqiga
ee caalamiga ah─ xuduuddeena dhuleedna (Geogaraphical) waxa ay ku xidhantahay
xudduudda ay ku faaftey ee fekereed. Jaadkan fekereedna weli ma istaagin,
waxoogaa buu afka xidhey, balse fekerka dadku wuxuu ka degayaa helid caalamiya,
wuxuunna u wanaagsanaanayaa dawladda qowmeed ama mid ka yar.
Heshiiska
Jinsiyadeed ee imtixaankii ugu dambeeyey Caalamka Carabta iyo Afrika
Helidda jinsiyaddu waa xaq ka mid ah xuquuqda bini’aadamka
siday isla garteen dawladaha lagu kalsoonyahay. Balse in la sheegto meel gaar
ah waxa ay ka mid tahay abuurka dadka, iyo qaayasoorka lagu yaqaaney illaa
muddo dheer ( kuwii ~ والذين تبؤوا
الدار والإيما). (Saaxiibadii Nabigu) Waxa ay ahaayeen kuwo
guryo leh hijrada ka hor. Hijrada ka dib
waxa ay noqdeen muwaaaddiniin, xaqna way yeesheen, iyagana waxaa lagu yeeshay
waajibaad. Hijradii Nebigu waxa ay baddeshay fahankan saddexda ah ─ ee
taariikhda siyaasadda Carabta iyo Muslimiinta agtooda.
1-
Waxa ay badeshay
fahankii ahaa qabiilka, waxayna u baddeshay shacab, shacabkiina ummad, waxaanna
la nacay qabyaaladdii. Waxa ay noqotey kalmadda ummad eraybixinta ugu caansan
ee ay laga adeegsado suugaanta iyo siyaasadda ( Wax a aad tihiin ummad tii ugu
kheyrka badneyd~ كُنتُم خير أمة), ( Ha idinka mid noqoto ummad~ ولتكن منكم أمة), [inta aan ku sheegnay] odhaahdan cilmiyeysan ayey ka koobneyd
dawladdii Islaamka ee hore.
2-
Nabigu wuxuu walaaleeyey
kuwii hijroodey (muhaajiriintii) iyo
kuwii soo dhaweeyey ( Ansaartii), halkaasayna Carabtii kaga baxdey
walaalnimadii kalida aheyd (Isbahaysigii qabiileed), waxaynna noqdeen walaanimo
guud. Waxaanna dhaboobey taariikhda markii koowaad ee la arko fadhi siyaasadeed
oo kulmiyey Qureysh (Abuubakar), Xabashi ( Bilaal), iyo dhinac kale Beershiyaana
(Salmaan), waxa kale oo khariidadda sii qurxiyey (Suheyba Ruumi).
Meeshan waxaa soo shaac baxdey fekradda ah;
in ay muwaaddiniintu simanyihiin,
Yuhuuddii waxa ay noqdeen innamadii waddanka, sida waafaqsan xeerarka magaalada
[ee sheegasa xuquuqda muwaaddinka]. Sida, dhammaan qabiillada Carabtuba u
noqdeen qeyb ka mid ah hilibka
waddaniyadda. Kooxna looma faquuqi karo midabkeeda, iyo diinteeda
darteed. Bulshada qabiil ka ka mid ah looma colaadin karo qabiilkiisa darteed.
Taasi waxa ay aheyd tallaabo hore oo taariikhda bini’aadamka soo martey─
waxaynna ku dhabawdey gacanta Nebigii hoggaamiye Muxammed Binu Cabdillaahi
(N.N.K.H).
3-
Waqtigan bini’aadanku wuxuu hore u qaadey kun
tallaabo. Jinsiyadda dadka la siiyey marka loo eego warqadda, iyo qaayasoorka
siyaasadda dawladda Muslimka ah, waxa ay gashey ( Heshiis Siyaasadeed).
Heshiiska siyaasadeed ee dawladda Islaamka ahina labo jaad ayuu leeyahay:
Dhinac madani ah, iyo dhinac diineed. Dhinaca madanigu waa asalka. Balse
dhinaca diiniga ahi wuxuu ilaaliyaa is ahaanshaha, kala duwanaanshaha, iyo
sidoo kale is dhammeystirka, balse ma [boorriyo] khilaafka ( iska hor imaad).
Waxaa jira muwaaddin Muslim ah,
waanna inuu marka horaba yeelaa nidaamka aasaaska ah ee dawladda. Waxaanna saaran
heshiis muwaaddinnimo. Qofkii aan Muslim aheyn ee markii horaba u hoggaansamey
nidaamka dawladda, sidoo kale wuxuu leeyahay heshiis muwaaddinnimo. Balse wuxuu
diidey falsafaddii dawladda (Diinta), sidaasuuna ku leeyahay heshiis
muwaaddinnimo oo dhammeystiran oo aan nusqaan laheyn waanna heshiiska (
Dimmi~ الذمي). Fiqiyaqaannadu waxa ay
mar horaba sugeen: waxaa iyagu leeyihiin, ayaan innaguna leenahay. Iyagana waxaa saaran wixii innagaba inna saaran.
Waa xeer Fiqi ah oo sheegaya xidhiidhka siyaasadeed ee u dhexeeya
muwaaddiniinta dawladda. Markan Caalamka waxaa xukumasey dabaqad. Roomaan,
muwaaddiniintu waxa ay lahaayeen heerka koowaad, sidoo kale Giriiga, dawladdii
Beershiya (Ciraaq), iyo ilbaxnimadii Hindiya. Sidaasaana loo sajiley tijaabada
Nebiga ee toosan, waxaynna noqotey tallaabo waqtigaasi hore loo qaadey─ illaa
haddana waa tallaabo la isku dhiirrigeliyo. Balse dawladdii islaamka ee
Imbaraadooriyaddii ayaa gadaal ( dib) u noqotey─ waxaynna dirawal ka noqotey
illaa waqtigan waxa jooga.
Muwaaddinnimadu waa Intimaa, iyo
fekrad. Jinsiyadduna waa intimaa, Fekrad, iyo heshiis. Helidda jinsiyaddu waa
shaqada dawladda leh maamulka, sabobta oo ah waxa ay ku xidhantahay fekrad, iyo
heshiiskeeda siyaasadeed. Maaha arrin loo xilsaarey xukuumadaha. Waa arrin
dastuureed oo derajada koowaad ah. Sidaa daraadeed ayaynnu u helnaa warqadda oo
siinasa muhiimmad weyn qaddiyadda jinsiyadda helid ama waayidba. Helidda
Jinsiyaddu ma waxa ay ku xidhantahay waddan, mise dhiig? Mise labadaba?
Warcelinta wayddiimahan waa
[qaddiyad] distooreed , iyo sharciyadeed.
Heshiiskan wuxuu leeyahay minqiyaasyo fudud oon ku xidhneyn in la helo urur
siyaasadeed oo xukunka qabta, ama la heli waayaba, waa waxyaabaha ay dawladdu ku
istaagto. Balse waxaa jira qaayasoor siyaasadda Islaamku u baahantahay in la
caddeeyo─ waxaanna weeyi in dawladda Islaamku hesho xuquuqda waddannimo. Oo
aynna sinnin jinsiyadda ka aan hijroon─ illaa uu hijroonayo(~إن الذين آمنوا وهاجروا وجاهدو
بأموالهم وأنفسهم فى سبيل الله ، والذين آووا ونصروا ، أولئك بعضهم أولياء بعض ،
والذين آمنوا ولَم يهاجروا مالكم من ولايتهم من شيء حتى يهاجروا ، وإن استنصروكم
فى الدين فعليكم النصر إلا على قوم بينكم وبينهم ميثاق )Aayaddan waxaa ku jira hadal u
baahan fahan xeeldheer, iyo luuqad sharciyeed oo heersare ah, iyo falsafad
xidhiidhada caalamiga ee dawladda ah. Waa in aan akhriskeeda Qur’aaneed
waafajinaa labo Muslim: Muslim muwaaddina oo leh xuquuq dhammaystiran, oo ay
isagana saaranyihiin dhammaan waajibaadkii
dawladdu. Iyo Muslim aan muwaaddin aheyn, balse leh xuquuqda qaarkood, aynna
saaranyihiin waajibaadka qaarkood. Muslim kastaa ma aha muwaaddin, sida
muwaaddin kasta oo ka mid ah dawladda
Islaamku uuna u aheyn Muslim.
Sidoo kale aayadda waxaa ku jira
hadal fahaneed oo ku wareegaya xidhiidhada dawladda. Waxaa jira ballamo
dawladeed oo jaangooya xidhiidhada. Kaliya, arrimo jinsiyadeed, ama diineed ma
go’aaminayaan xidhiidhada, siday xaaladdu markii horaba aheyd. Kuwani waa
tallaabooyinkii sharciyadeed ee ay raacdeydey dawladdii Muxammed [ N.N.K.H],
waxaynna ku dhiirrigelin jirtey dhisidda iyo cammiridda, ciddii caqli u
saaxiiba iyo toosniba.
Ma gaadhin fekerka fahanka
daraasadihiisa cilmiyeed minqiyaas dhiig. Muwaaddin kasta oo muslima
inankiisuna wuu raacayaa, sidoo kale waxaa la mid ah muwaaddinka dimmiga ah.
Way rogrogeen Fiqiyaqaannada Xanafiyadu arrintan markey go’aaminayeen: Haddii
ilmo la tuurey meel laga helo─ oo uu sheegto Muslim addoon ahi in ilmahani
kiisii yahay! Dhinac kalana uu sheegto dimmi xor ahi in ilmahani isagana kiisii
yahay! Maxkamaddu waxa ay u xukumasaa dimmiga, wuxuunna ku helayaa jinsiyadda
iyo xornimada. Halka fursad kale uu ku heli lahaa jinsiyad iyo addoonnimo.
Fiqiga Xanafiyadu wuxuu xorriyadda ka
doorbidey addonnimada.
Qaar ka mid ah dawladaha
Khaliijka Carabta, kamay badow bixin in ay jinsiyadda siiyaan uun boqorrada iyo
madaxda. Waxayna leeyihiin xaq ay ciddey doonaan ku ugaadhsadaan. Kii ka baydha
doonidda madaxweynaha waa mid khiyaameeyey dawladdiisa, sabobtuna waxaa weeyi
in dawladduba noqotey maamul uu gaar u
leeyahay [boqorku]. Sida dawladaha sheegta in ay haystaan nidaamka
Jamhuuriyadda, aynna uga yareyn gaboodfalka dawladaha boqortooyada arrintan
[aynnu ka hadlanno]. Jinsiyaddu waa xaq madaxweyne, cidduu doono ayuu siiyaa, cidduu
doonana wuu u diidaa, waddankana isagaa iska leh! Maanta waxaynnu aragnaa in
ciyaartan xumi ee ‘‘Diididda jinsaddu’’ ay hayso caaqillada iyo mufakiriinta
Jasiiradda Carabta, Masar, iyo Jabbuuti.
Caalamku maanta wuxuu
milicsanayaa shaacsanaha (Jinsiyad la’aan), ee qaar ka mid ah waddamada
Carabta, waxaynna leedahay khatar badan. Sucuudiga in ka badan rubuc milyan
muwaaddiniintu malaha jinsiyada, sababo bulsheed ama siyaasadeed awgeed. Gu’gii
2009kii waxa ay ku dhawaaqeen guddiga sare ee Maraykanku in (70) kun oo dad ahi
in ay geli doonaan jaadkan ( Jinsiyad la’aanta). In kasta oo go’aannada kanbalku
ay tilmaameen gu’gii 2015kii in tiradu dhaaftey in ka badan rubuc milyan.
Markii ay ka qaxeen waddamadan Carabta dadkii u dhashey, ama ayka
fogaadeen sababo siyaasadeed daraadeed. Kuwo kale oo Muslimiinta ahina ay
dhandhamiyeen qadhaadhkii, ee ay u huleeleen waddamada Galbeedka, waxa ay helaan
jinsiyad waddo sharciyeed, sida kuwa u dhasheyba. Iskaba dhaaf, qaar ka mid ahi waxa ay masuul
ka noqdeen dawladdooda iyaga oo aan eegin taariikhdiisa ( Wasiirka Soomaaliga
ah ee xukuumadda Kanada) ayaa tusaale u ah.
Marka maraykanku ay baaq
ogeysiisa oo rasmiya kusoo saarto xuquuqda bini’aadanka qodobka (15), ee ay si
cad u caddeyso in aynna bannaaneyn in qofna loo diido jinsiyaddiisa. Waxa ay ku
xaqiijisay Qaramada Midoobey qaraarkeedii 152/50 arrinta aasaaska ee ah in
qofka loo diido karo jinsiyadda!
Markan waxaa kasoo fulaya dadka
caqliyadooda ku furey in ay [akhriyaan] kutub qiimo badan sida kitaabka qiimaha
badan ee uu qorey caalimka [Sh. Yuusuf
]Al-Qardaawi ( Dadka aan Muslimiinta aheyn ee ku dhex nool busho Islaam ah~ غير المسلم فى المجتمع الإسلامي ). Wuxuu
ku qorey (Dadka aan Muslimiinta aheyn ee ku dhex nool busho Islaam ah), fekeraaga reer Tuunis Raashid Al-Qunuushi,
kitaabkiisa cajiibka ah :(Xuquuqda Muwaaddinimada~ حقوق المواطنة ).
Qoraaga shiiciga ah ee Ruuxullaahi Shariicatii wuxuu kitaabkiisa
muhiimka ah ‘‘فقه التعايش ’’
ku qorey: (Dadka aan Muslimiinta aheyn ee ku dhex nool busho Islaam ah).
Waxa ay isku dayayaan kuwa dib u
noqda, kuwo wax akhriya ee baddela ama kuwa leexiya─ oo Muslimiinta ka mid ahi
in ay ku joojiyaan baraarugan caqliyeed
hadal aan casriga la jaanqaadeyn. Sida Calmaaniyiinta xadgudbeyba ay ugu fooganyihiin qalimaan firfircoon, iyo
dadaallo Islaamka lagaga xayuubinayo awoodda fekerka, maanka iyo naqliga.
Illaa xadda lama deedifayn in
jinsiyaddu tahay xaq sarreeya, waddankuna uu gacanta ugu jiro madaxweynaha, uu
wacyiga sharciga ahina arrimahan ka maqnaado, uu muwaaddinkuna ku noolaado xeedhada
madaxweynaha─ waxaa jira dad odhanaya: Miyaanad xishooneyn, gacantu wax bixin ayey
la ciirciirasaa. Dadka ugu kheyrka badannina waa ka afka daboosha (aamusa).
Fadeexadda caalamkaay! Iyo khasaaraha jiilkan danboow!
W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir
[Af Carabi].
W/T: Cabdirasaaq Sandheere [ Af
Soomaali].
Noofanbar 19, 2017. Axed.
Mansha allah qormo qiimo badan, mahadsanid wll
ReplyDeletemaasha allah
ReplyDelete