Posts

Showing posts from August 14, 2022

Gorfeynta Buugga “ Everything You Have Told Me Is True ~ Waxkastaa waa Dhab.”

Image
  Hordhac Buuggan ladhkiisu waa “ Everything You Have Told Me Is True ” oo Af Soomaali ku noqon kara ‘ Waxkastaa oo aad ii sheegtaa waa Dhab .” Cinwaan hoosaadkiisu waxa uu yahay “   The Many Faces of Al Shabaab ~ Wejiyada badan ee Al Shabaab.” Buugga waxa qortay Maari Haarbar, oo ah gabadh ajnebi ah. Maari, waxa ay u shaqaysaa Idaacadda BBC. Waxa ay BBC uga soo warramaysay tan iyo markii dagaalkii sokeeye qarxay sannadkii 1991kii. Waxa ay shahaadooyin Jaamacadeed ka qaadatay Jaamacadda Cambridge, iyo School Oriental and African Studies. Meelo kaladuwan ayay wax ku daabacdaa sida ‘ The Times’ iyo ‘ The Washintong.’ Arrimaha Soomaalida muddo badan ayay ka hadlaysay, oo wax ka qoraysay. Maqaallo badan ayay ka qortay. Buugta ay ka qortay waxa ka mid ah buugga “ Warxumatashiilka Soomaaliya – Getting Somalia Wrong” iyo buuggan la yidhaahdo   “ Everything You Have Told Is True” oo ay Al Shabaab ka qortay, ayna soo saartay sannadkii 2019kii. Maari Haarbar, waxa ay ku hadashaa waxna k