Posts

Showing posts from April 4, 2021

Faallada Buugga GUULWADE

Image
  Hordhac Buuggan magaciisa la yidhaahdo ‘ Guulwade: Sooyaalka iyo Saamaynta Guulwadaynta’ waxa qoray Cabdifataax Axmed Maxamed ( Qureyshi). Buuggu wuxuu soo baxay sannadkan 2021ka. Waxaa soo saartay oo faafisay madbacadda Dawaad Publisher. Buuggu waxa uu ka koobanyahay Shan Cutub. Bogag ahaanna waa 169 bog oo A5 ah. Waxa aan isku dayi doonaa inaan buugga si kooban u guudmaro, meelaha qaar aan dhaliilo, halka aan ka bogaadin doono buugga intiisa fiican. Ugu danbayn waan soo xidhi doonaa, oo soo gunaanadi.   Nuxurka Buugga   Nuxurka guud ee buuggu ka warramayaa waa guulwadaynta. Ladhka ugu badan ee uu qaadaadhigayaa waa guulwadaynta, sooyaalkeeda, iyo waxyaabaha la xidhiidha nooca ay doonaan ba ha ahaadaane. Qoraagu waxa uu sharraxayaa guulwadaynta.Waa maxay guulwadayntu? Sida uu qoraagu xusayo, erayga GUULWADE waxa uu ka koobanyahay laba kalmadood oo isku sidkan, labadaas eray oo kala ah ‘GUUL’ iyo ‘ WADE.’   Guul oo uu macnaheedu yahay gaadhidda hadafka iyo yool aad