Posts

Showing posts from January 11, 2026

Nidaamka iyo Anshaxa Shaqada 2026

Image
   Waxa laga yaabaa in aad shaqaale tahay oo shirkad, haayad, qof ama dawladdaba u shaqaysid. Maadaama sannad dhammaaday oo sannad cusub 2026 la galay waa inaad sida sannadku isbeddelay naftaadana u baddeshid oo qof cusub noqotid. Intii hore qof baad ahayd, qorshaha ku darso in aad sannadkan cusub qof cusub noqotid. Si aad qof cusub u noqotid dhaqangeli xeerarkan iyo anshaxyadan: 1-       Qofna ha aaminin. 2-     Wixii xafiiskaaga ama goobtaada shaqadu ka dhacaa ha ku ekaadaan xafiiska, ha gayn guriga ama meel kalaba. 3-     Shaqada waqtiga loo asteeyay xafiiska soo gal, waqtiga loo asteeyayna xafiiska ka bax. In aad xafiiska iska fadhidid ma caawinayso caafimaadkaaga. 4-     Xafiiskaaga yayna iman walaalkaa, walaashaa, xaaskaaga/jacalykaaga ama qaraabadaadu adiga dartaa, waxa ka dhalan kara wax shaqada kaa xumeeya. 5-      Dadka kula shaqeeya waxba ha ka filan, haddii ay ku caawiyaan u m...

20kii Dardaaran ee Nebiyada

Image
   20ka Dardaaran ee Nebiyada 1-       Ka dhawrso xaaraanta, waxa aad noqon doontaa qofka dadka ugu cibaadada badane. 2-     Ku qanac waxa Alle ku siiyay, waxa aad noqon qofka dadka ugu qanaacada badane. 3-     Jaarkaaga wanaaji, waxa aad noqon qof muumin ahe. 4-     Dadka la jeclow waxa aad la jeceshahay naftaada, waxa aad noqon qof Muslim ahe. 5-      Iska ilaali qosolka badan,waayo qosolka badan wuxuu dilaa qalbiga. 6-     Iskaga tag wixii aad ka shakido, waxa aanad samaysaa waxa aanad ka shakisanayn. 7-      Meelkasta oo aad joogtid Alle ka cabso. 8-     Haddii xumaani kaa dhacdo wanaag ka dabagee, wanaagaasi wuu tirtiriye. 9-     Dadka habdhaqan wanaagsan kula dhaqan. 10-             Alle xifdi oo ilaali, isna wuu ku ilaaline. 11-   Haddii aad cid wax wayddiisa...

Lixda xeer ee qaangaadhnimada Habfekerka iyo Garaadka

Image
   Waxa jira xeerar muujiya qaangaadhnimada fekereed ama caqliyeed ee qofka, xeerarkaasi haddii uu qofku ku dhaqmo waxa ay muujinayaan in qofkaasi yahay qof caqli ahaan qaangaadha oo feker ahaan bisil, haddii aanu qofku lahayn arrimahanna waa qof feker ahaan iyo caqli ahaan ba gudhan Waa kuwan 6da xeer ee qaangaadhnimadu: 1-       Naftaada xakamee:  Markasta adigu naftaada xakamee oo xadkeeda ku ilaali, dadka kale ha isku dayin in aad xakamaysid ama maamushid- keliya adigu naftaada maaree oo xakamee. Cadhada, gardarrada, sharcijebinta, musuqmaasuqa, dulmiga, iyo waxkasta oo xun ka xakamee. Sidaas si la mid ah naftaada ku ilaali dhaqankasta oo wanaagsan oo wax ku kordhinaya. Habdhaqanka wanaagsan, cibaadada, runta, ballanta iyo waxkasta oo wanaagsan ku ilaali naftaada. 2-     Waxkasta bogaadi: Waxa aad barataa xeerka bogaadinta waxkasta, dadku waxa ay samaynayaan waxba kaama gelin, kumana khuseeyaan, waxkasta oo aad ka aragtid ha faa...