Lixda xeer ee qaangaadhnimada Habfekerka iyo Garaadka
Waxa jira xeerar muujiya qaangaadhnimada fekereed ama caqliyeed ee qofka, xeerarkaasi haddii uu qofku ku dhaqmo waxa ay muujinayaan in qofkaasi yahay qof caqli ahaan qaangaadha oo feker ahaan bisil, haddii aanu qofku lahayn arrimahanna waa qof feker ahaan iyo caqli ahaan ba gudhan Waa kuwan 6da xeer ee qaangaadhnimadu: 1- Naftaada xakamee: Markasta adigu naftaada xakamee oo xadkeeda ku ilaali, dadka kale ha isku dayin in aad xakamaysid ama maamushid- keliya adigu naftaada maaree oo xakamee. Cadhada, gardarrada, sharcijebinta, musuqmaasuqa, dulmiga, iyo waxkasta oo xun ka xakamee. Sidaas si la mid ah naftaada ku ilaali dhaqankasta oo wanaagsan oo wax ku kordhinaya. Habdhaqanka wanaagsan, cibaadada, runta, ballanta iyo waxkasta oo wanaagsan ku ilaali naftaada. 2- Waxkasta bogaadi: Waxa aad barataa xeerka bogaadinta waxkasta, dadku waxa ay samaynayaan waxba kaama gelin, kumana khuseeyaan, waxkasta oo aad ka aragtid ha faa...