Nidaamka iyo Anshaxa Shaqada 2026

  


Waxa laga yaabaa in aad shaqaale tahay oo shirkad, haayad, qof ama dawladdaba u shaqaysid. Maadaama sannad dhammaaday oo sannad cusub 2026 la galay waa inaad sida sannadku isbeddelay naftaadana u baddeshid oo qof cusub noqotid. Intii hore qof baad ahayd, qorshaha ku darso in aad sannadkan cusub qof cusub noqotid.

Si aad qof cusub u noqotid dhaqangeli xeerarkan iyo anshaxyadan:

1-     Qofna ha aaminin.

2-   Wixii xafiiskaaga ama goobtaada shaqadu ka dhacaa ha ku ekaadaan xafiiska, ha gayn guriga ama meel kalaba.

3-   Shaqada waqtiga loo asteeyay xafiiska soo gal, waqtiga loo asteeyayna xafiiska ka bax. In aad xafiiska iska fadhidid ma caawinayso caafimaadkaaga.

4-   Xafiiskaaga yayna iman walaalkaa, walaashaa, xaaskaaga/jacalykaaga ama qaraabadaadu adiga dartaa, waxa ka dhalan kara wax shaqada kaa xumeeya.

5-    Dadka kula shaqeeya waxba ha ka filan, haddii ay ku caawiyaan u mahadceli, haddii kalana waxa aad barataa in waxkasta oo ku khuseeya xallintiisu adiga kuu taallo.

6-   Ha ku degdegin in aad xil qabatid, haddii lagu dallacsiiyo u mahadceli, haddii kalana dhib malaha, waayo waxa lagugu xasuusan doonaa aqoontaada iyo asluubtaada, laguguma xasuusan doono xilka aad haysay.

7-    Ha ku mashquulin ama ha ka daba orodin waxyaabaha xafiiska ee aan muhiimka ahayn. Noloshaada waxaa ku jira waxyaabo ka qiimo badan.

8-   Ha ku noolaan kibir iyo xanaaq joogto ah; faham in shaqadu tahay shaqo mushahar leh, hantidaada u adeegso in aad farxad heshid.

9-   Muhiim ma aha sida ay dadka kuu la dhaqmaan; noqo qof mutawaadac ah. Qof walba ku jeclaan maayo ama ku qancin kari maysid.

10-                       Ugu dambayn, wax kasta oo kale way dhammaadaan ama tagaan; waxa kaliya ee run ahaan qiimaha leh ee soo hadhaa waa qoyska, saaxiibbada, hoyga, iyo deggenaanshaha qalbiga.

W/Q: Masterin Manhood

Turjumid: Cabdirisaaq Sandheere

Comments

Popular posts from this blog

Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay

Faallada buuga " Dariiqa Habdhaqanka~The Road to Character"

Muhiimadda Shaqada