20kii Dardaaran ee Nebiyada
20ka Dardaaran ee Nebiyada
1- Ka dhawrso xaaraanta, waxa aad noqon doontaa qofka dadka ugu cibaadada badane.
2- Ku qanac waxa Alle ku siiyay, waxa aad noqon qofka dadka ugu qanaacada badane.
3- Jaarkaaga wanaaji, waxa aad noqon qof muumin ahe.
4- Dadka la jeclow waxa aad la jeceshahay naftaada, waxa aad noqon qof Muslim ahe.
5- Iska ilaali qosolka badan,waayo qosolka badan wuxuu dilaa qalbiga.
6- Iskaga tag wixii aad ka shakido, waxa aanad samaysaa waxa aanad ka shakisanayn.
7- Meelkasta oo aad joogtid Alle ka cabso.
8- Haddii xumaani kaa dhacdo wanaag ka dabagee, wanaagaasi wuu tirtiriye.
9- Dadka habdhaqan wanaagsan kula dhaqan.
10- Alle xifdi oo ilaali, isna wuu ku ilaaline.
11- Haddii aad cid wax wayddiisanayso Alle wayddiiso, Allana magangal.
12- Alle garo oo xasuuso marka aad ku sugantahay barqaawada, Allana wuxuu ku xasuusan marka aad ku sugantahay dhibaatooyinka iyo culaysyada.
13- Adduunyada ka saahid Alle wuu ku jeclaane.
14- Waxa dadka gacantooda ku jira ama hantidooda iska daa oo waxba ha wayddiisan, way ku jeclaan doonaane.
15- Waxa aad tidhaahdaa ‘ Alle ayaan rumeeyay, ka dibna ku toosnow dariiqa oo ku soco jidka.’
16- Qofkii xumaan arkaa waa inuu wax ka qabtaa.
17- Adduunyada waxa aad ku noqotaa sidii qof martiya ama qof safara.
18- Carrabkaagu ha ku qoyanaado xuska Alle.
19- Iska ilaali Ducada qofka la dulmiyay.
20- Ha cadhoon.
Turjumaad: Cabdirisaaq Sandheere
Jannaayo 14, 2026.
Comments
Post a Comment