Posts

Showing posts from December 25, 2022

Milicsigayga Sannadkii 2022 ( My Annual Review In 20220)

Image
Hordhac In qofku naf ahaan u xisaabtamo, oo sannadka tagay wax iska wayddiiyaa waa muhiim. Waliba inuu qofku ogaado wixii u qabsoomay, iyo wixii ka qabyoobay saamayn wanaagsan ayay mustaqbalkiisa leedahay. In waqti tagay maxaa qabsoomay iyo maxaa qaldamay la iska wayddiiyaa horumar danbe oo amminta soo socota ah ayay keentaa. Qofku wixii ka qaldamay sannadka soo socda inuu saxo ayuu u xadhkaxidhanayaa.Sidoo kale, waxa ay keenaysaa sannadka soo socdana inuu u diyaargaroobo oo dadaal iyo halgan adag la yimaaddo. Aniga oo taas ka duulaya, waxa aan rabaa sannadkan dhammaaday ee 2022 ka aan si kooban u sheego waxa aan dheefay, buugta aan akhriyay, qoraallada aan qoray, waxa aan bartay, turjumaadda aan sameeyay, magaalooyinka aan u safray IWM. Akhriska Akhrisku waa caadadayda. Maalinkasta waxa aan jeclahay inaan wax akhriyo. Marka laga yimaaddo maqaallada kookooban ee aan baraha Bulshada iyo Baloogyada ka akhriyo, buug ii furan ayaan wax ka akhriyaa maalin walba. Caadada aan leeyahay waxa ay

Faallada Buugga "𝐓𝐡𝐞 𝐀𝐫𝐭 𝐨𝐟 𝐓𝐡𝐢𝐧𝐤𝐢𝐧𝐠 𝐂𝐥𝐞𝐚𝐫𝐥𝐲"

Image
  Hordhaca   Buuggan la yidhaahdo “ The Art of Thinking Clearly” waxa qoray  Rolf Dobelli .  Rolf Dobelli  waa qoraa u dhashay dalka   Switzerland oo waa qoraa Swiss ah. Buuggan waxa uu ka sharraxayaa fekerrada qaldan ee caanka ah ee dadku inta badan sameeyaan.   Buuggan waxa markii koowaad si toddobaadle ah loogu daabacay Joornaallada ugu caansan dalka Jarmalka,  Netherlands iyo Switzerland. Sidoo kale, buuggani wuxuu ahaa tobanka buug ee ugu horreeya ee ugu iibsiga badan ee Joornaalka  Der Spiegel ; 80 toddobaad oo isku xigta ayu noqday buugta ugu iibsiga badan  Der Spiegel   . Buugga waxa loo turjumay luuqado badan.  Sidaas si la mid ahi buuggani wuuxu ka mid ahaa liiska tobanka buug ee ugu iibsiga badan dalka Ingiriiska,  South Korea, India, Ireland,   Singapore iyo Iran.   Buugga si kooban ayaynu u dulmari cashirrada laga baran karo.   Nuxurka buugga   Qodobbadan hoose ayaynu ka baran karnaa: 1-         Xaqiijinta Dhinac u badnaantu ( Bias) waa hooyada dhammaan waxyaabaha isfahanw

Faallada Buugga " The Next Five Moves~ Shanta Tallaabo ee Xiga."

Image
  Hordhac Buuggan la yidhaahdo “ 𝐘𝐨𝐮𝐫 𝐍𝐞𝐱𝐭 𝐅𝐢𝐯𝐞 𝐌𝐨𝐯𝐞𝐬 “   waxa qoray Patrick Bet-David. Patrick waa ganacsade hal’abuure ganacsi, qoraa iyo lataliye dhaqaale. Qoraagu waa reer Maraykan. Wuxuu aasaasay wakaalado kala duwan oo ka shaqeeya ganacsiga, latalinta iyo talooyinka la xidhiidha ganacsiga. Buuggan wuxuu ka warramayaa farshaxanka qofku Istaraatijiyadda ganacsigiiisa uu ku maarayn lahaa. Nuxurka Buugga Waxa aan isku dayi doonaa inaan tilmaamo dhawr qodob oo nuxurka buuggu ku soo ururayo. Tallaabada 1aad: Maamul garashada naftaada Garashada naftu way ku yartahay oo dhif iyo naadir bay ku tahay in laga sheekeeyo wareegga ganacsiga, balse waa suurtagal la’aan in aad hore u socotid oo hore uma socon kartid la’aanta wacyiga nafta. Marka aad si dhaba u qorshaysatid qof ka aad dhab ahaan noqonaysid jihada aad u dhaqaaqaysid ama u soconaysid waa in ay ahaato mid cad oo bayaan ah, sidoo kale waa in aad garanaysid sababta aad u samaynaysid. Tallaabada

Faallada Buugga “ Why we Sleep? ~ Maxyanu U Seexannaa?”

Image
                                                                                     Buuggan waxa qoray Dr Matthew walker. Dr Matthew walker waa waa bare culuumta kasmanafeedda iyo neerfaha ka dhiga jaamacadda Kalifoorniya ee dalka Maraykanka. Sidoo kale, waa maamulaha shaybaadhka hurdada. Waxa uu sameeyay in ka badan boqol diraasad cilmiyeed, waxa uuna kasoo muuqan barnaamijyo badan oo ay ka mid yihiin “ 60 minutes, NPR's science Friday.” Buuggan wuxuu soo saaray sannadkii 2017kii. Waxa aan isku dayi doonaa dhawr cashir oo kooban oo laga baran karo buugga inaan halkan ku xuso. Wayddiinta cinwaanka buugga ah ee ‘ Maxaynu u seexannaa?’ ayuu qoraagu ka jawaabayaa. Wuxuu sheegayaa dhawr qodob uu u arko in ay sabab u yihiin hurdadeenna, sida: -       Waxa aynu u seexannaa si aynu u nasanno. -       Si aynu wax u xasuusanno. -       Waxa aynu marmar galnaa hurdo khafiifa. Maxaynu ka baran karnaa buugga -       Hurdadu waxa ay si toosa saamayn ugu leedahay caafimaadkeen