Faallada Buugga "π“π‘πž 𝐀𝐫𝐭 𝐨𝐟 𝐓𝐑𝐒𝐧𝐀𝐒𝐧𝐠 𝐂π₯𝐞𝐚𝐫π₯𝐲"

 




Hordhaca

 

Buuggan la yidhaahdo “The Art of Thinking Clearly” waxa qoray Rolf DobelliRolf Dobelli waa qoraa u dhashay dalka  Switzerland oo waa qoraa Swiss ah. Buuggan waxa uu ka sharraxayaa fekerrada qaldan ee caanka ah ee dadku inta badan sameeyaan.

 

Buuggan waxa markii koowaad si toddobaadle ah loogu daabacay Joornaallada ugu caansan dalka Jarmalka, Netherlands iyo Switzerland. Sidoo kale, buuggani wuxuu ahaa tobanka buug ee ugu horreeya ee ugu iibsiga badan ee Joornaalka Der Spiegel; 80 toddobaad oo isku xigta ayu noqday buugta ugu iibsiga badan Der Spiegel  . Buugga waxa loo turjumay luuqado badan. Sidaas si la mid ahi buuggani wuuxu ka mid ahaa liiska tobanka buug ee ugu iibsiga badan dalka Ingiriiska, South Korea, India, Ireland, Singapore iyo Iran.

 

Buugga si kooban ayaynu u dulmari cashirrada laga baran karo.

 

Nuxurka buugga

 

Qodobbadan hoose ayaynu ka baran karnaa:

1-       Xaqiijinta Dhinac u badnaantu ( Bias) waa hooyada dhammaan waxyaabaha isfahanwaaga keena

Waa awoodda aad ku turjumi kartid xog cusub, sidaas darteed taasi waxa ay kuu sahlaysaa in aad noqotid qof qaabili kara aragtiyihii hore ee jiray.

2-    Weligaa ha yaraysan shaqooyinka culus eed qabanaysid iyo waxyaabaha fursaddoodu yartahay ee aad isleedahay guul kuma gaadhsiinayaan, waayo waxa aynu u muuqanaynaa dad guulaystay, oo waynu ka guulo badannahay dad badan oo xaqiiq ahaan guuldarraystay.

3-     Dhibaatada xaqiijinta: Haddii aad naftaada ku dhex aragtid koox isku mid ah waa in aad maskaxdaada la hadashaa, xataa haddii kooxdaasi ayna jeclayn; ama xataa haddii ay tahay in aad khatar galaysid.

4-    Gudagelid: Dadku arrimo ayay iska galaan iyaga oo taariikhdooda eegaya, balse aan si caqligal ah uga fekerin.

5-     Isku gaynta arrimo badan: Marka aad rabtid in aad waxyaabo badan isku dartid/qabatid ha aaminin dareenka jidhkaaga caaddifadeed, waayo wax aragtiya kama haysatid sida aragtidaasi u xoog badantahay ama wood u leedahay.

6-    Maaha waxa aad dhahdid, balse waa sida aad u tidhaahdid, taasaa muhiim ah.

7-     Haddii aanad xalka qayb ka ahayn, xaqiiq ahaan dhibaatada ayaad qayb ka tahay. Ma jirto koox saddexaad oo aan labadaas ahayn.

8-    Doonistaada raac: Doontistaada raac xataa haddii taasi dakhligaaga samaaynayso oo hoos u dhigayso.

9-    Markasta oo aad la gorgortamaysid dabaqadda dhexe, ka fiirso khalkhalka iyo waxyaabaha ka soo dhexgeli doona ee rabashka kugu furay.

10- Lacagtu markasta dhiirrigelin ma keento: Lacagtu waxa ay dhiirrigelin ahaan u shaqaysaa kaliya shirkadaha shaqaalahoodu lacagta ugu shaqeeyaan ee lacagta ka qaataan.

11-  Xakamaynta naftu waxa ay isticmaashaa tamartaada: Sidaas darteed waxa aad u baahantahay tamar badan haddii aad doonaysid in aad hirgelisid xakamaynta nafta.

12- Joogidda shaygu wuu ka muuqan ogyahay kana cadyahay, kana qiimo badantahay marka shaygaasi kaa maqanyahay.

13- Xogtu maskaxda waa muhiim sida sonkortu jidhka ku tahay oo kale.


 Waxa aan tixraacay Faallada uu ka qoray Trainer Muhsin Ihsan.

 Muuqaal ahaan halkan ka daawo: Buugga 68;Gugii 4aad:Faallada Buugga "The Art of Thinking Clearly~ Fanka Si U Fekeridda Si bayaana." - YouTube

W/Q: Cabdirisaaq Sandheere

10 Dec, 2022

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?