Faallada Buugga " The Next Five Moves~ Shanta Tallaabo ee Xiga."
Hordhac
Buuggan
la yidhaahdo “𝐘𝐨𝐮𝐫 𝐍𝐞𝐱𝐭 𝐅𝐢𝐯𝐞 𝐌𝐨𝐯𝐞𝐬 “ waxa qoray Patrick Bet-David. Patrick waa ganacsade
hal’abuure ganacsi, qoraa iyo lataliye dhaqaale. Qoraagu waa reer Maraykan.
Wuxuu aasaasay wakaalado kala duwan oo ka shaqeeya ganacsiga, latalinta iyo
talooyinka la xidhiidha ganacsiga.
Buuggan
wuxuu ka warramayaa farshaxanka qofku Istaraatijiyadda ganacsigiiisa uu ku
maarayn lahaa.
Nuxurka Buugga
Waxa
aan isku dayi doonaa inaan tilmaamo dhawr qodob oo nuxurka buuggu ku soo
ururayo.
Tallaabada 1aad: Maamul garashada naftaada
Garashada naftu way ku yartahay oo dhif iyo naadir bay ku
tahay in laga sheekeeyo wareegga ganacsiga, balse waa suurtagal la’aan in aad
hore u socotid oo hore uma socon kartid la’aanta wacyiga nafta. Marka aad si
dhaba u qorshaysatid qof ka aad dhab ahaan noqonaysid jihada aad u dhaqaaqaysid
ama u soconaysid waa in ay ahaato mid cad oo bayaan ah, sidoo kale waa in aad
garanaysid sababta aad u samaynaysid.
Tallaabada 2: Maamul awoodda sababaynta
Sida aad arrimaha u qaabaynaysid iyo habka aad go’aannasada u
samaynaysid waa muhiim. Ma jiro go’aan iskugu jira madaw iyo caddaan. Markaa
waa in aad sababta iyo go’aankaagaba caddaysaa.
Tallaabada 3aad: Maamul dhisidda Koox
isfahansan
Si aad u samaysid koox dhisan oo kula shaqaysa waxa muhiim ah
in aad dadka kale fahantid. Haddii aad dadka caawisid waxa aad samayn kartaa
koox ka qayb qaadata koritaankaada, iyo horumarkaaga.
Tallaabada 4ad: Maaree Istaraatijiyaddaada
Haddii aad rabtid in aad koritaan gaadhid baro sida hantida
kor loogu qaado, sida wax midhadhalaya si degdega loogu maalgashado, iyo in aad
abuurtid hab kuu oggolaanaya in aad heshid ama joogtaysid awooddaada
waxqabadka. In aad si joogta ah u eegtid halbeegaagu waa qayb ka mid ah
waxyaabaha ganacsigaagu u baahanyahay.
Tallaabada 5aad: Maarayntu awoodda qofka ayay
daartaa/kicisaa
Qofkastaa wuxuu u baahanyahay in uu waxa aad qabanaysid ku
soo hirto, haddii aad adigu wax wacan qabsatid na waxa ay kuu soo jiidaysaa
sumcad wayn iyo qorshayaal waawayn oo mustaqbalka ah. Waa in aad barataa sida
loo maareeyo isticmaalka Baraha Bulshada ee looga dhigo mid midhodhal leh, oo u
qurxinaya sheekada.
Had iyo jeer shantaas qodob fiiri.
Waxa aan tixraacay Faallada uu ka qoray Trainer Muhsin Ihsan.
W/Q: Cabdirisaaq Sandheere
12-12-2022
Comments
Post a Comment