Posts

Showing posts from July 8, 2018

AROOS MA U GUDDAY?

Image
Waa galab gaaban oo cadceed dhicii dhawyahay. Cirku wax daruuro ah malaha, oo waa guduud. Waxaa lagu jiraa Jiilaal dabadeed abaari dhacdey, haddana gugii soo curanayo. Dhawr habeen hortoodna shuuc roobab ah ayaa na helay oo waxooggaa biyo naxariis leh oo aannu habaaskii jiilaalka ku illownana noo shubey. Dhulku immikuu u diyaargaroobayaa in uu la qabsado xaaladdan iyo isbeddelkan cusub ee ku dhacay. Inta badan xilligan uu roobka looga bartey ee la doonayo in uu bilaabmo waxaa isa soo tara aroosyada oo mararka qaarna xadhkaha goosta. Waayo, xilligan subagga, caanaha, dheyda, ciirta, xasiidda, aalaha, iyo dhammaan barwaaqo iyo bashbash oo dhan ayaa la isla dhacaa; dhallinyaraduna waxa ay fakaag u helaan in ay guryo cusub samaystaan oo ay guursadaan. Haddaba waqtigan waxaa iyaguna ka faa’ideysta oo fursado hela wiilasha iyo gabdhaha xaafadha jooga ee aan laheyn suuq, hoteello iyo meelo kale oo ay ku caweeyaan─oo waxa ay tagaan aroosyadaa la dhisayo. Wiilbaa markaa habeen aro

William Shakespear

Image
William Shakespeare, wuxuu ahaa abwaan, ciyaaryahan iyo jilaa noolaa qarnigii 16 th . Wuxuu u dhashey dalka Ingiriiska. Wuxuu dhashay   April 26, 1564kii; wuxuuna ku dhashay Stratford-upon-Avon, England. Da’diisu markay ahayd 18sano jir ayuu guursaday Marwo Anne Hathaway . Waxayna u dhashay saddex carruur ah; Susanna , iyo laba mataanood oo kala ah Hamnet  iyo Judith . Intii u dhexaysay 1585kii iyo 1592kii, wuxuu isaga oo London deggan ahaa jilaa iyo qoraa; wuxuuna qayb ka lahaa oo nin kale la lahaa shirkad ciyaareed la yidhaa ‘ Lord Chamberlain's Men ’─oo markii danbe magaceega loo baddelay King's Men. Ciyaaro farabadan ayuu sameeyay, waxaa ka mid ah   la “ Hamlet ,  Othello ,  King Lear  and  Macbeth’ waxaana ugu caansanaa ciyaarta la yidhaa ‘ Hamlet.’   Intii u dhexaysay 1589 iyo 1613 kii, wuxuu soo saaray shaqooyin badan. Sannadkii 1594kii wuxuu xidhay Tiyaatarkii ciyaaraha, wuxuuna allifay oo sameeyay laba gabay oo la kala yidhaa ‘ Venus iyo