Posts

Showing posts from September 19, 2021

Sookoobidda buugga “ Think and Grew Rich ~Feker oo Hodan Noqo.”

Image
  Hordhac Buugga la yidhaa “ Think and Grew Rich ~Feker oo Hodan Noqo.” Waxa qoray Napolean Hil. Napolean wuxuu ahaa qoraa buugaag kaladuwan qoray. Buugta uu qoray waxa ka mid ah “ The Laws of Success” oo uu sannadkii 1928kii uu qoray. Buuggu waxa uu ka koobanyahay 245 bog. Waxa kale oo ka koobanyahay 15 Cutub. Sannadkii 1937kii ayuu qoray. Buugta ugu caansan ee aad ka Caalamka loo akhriyo ayuu ku jiraa. Waxa uu ka warramayaa in qofku haddii uu fekero oo wax u fiirsado uu hodan noqon karo.   Si guud baynu u dulmari oo fekradda uu gudbinayo ayaynu soo qaadan. Nuxurka Waxa uu ku bilaabayaa oo qoraagu sheegayaa in buugga cutubkasta oo ka mid ah uu ku fadhiyo sir lagu noqon karo hodan. Sirtana waan falanqeeyay oo dad badan oo ku gaadhay hodannimo ayaan ogahay ayuu qoraagu leeyahay. Tallaabooyinka   Hodannimada ee uu   buuggu sheegayo: 1-       Feker: Waxa uu qoraagu leeyahay “ Saboolnimada iyo hodannimadu waa natiijada fekerrada, iyo si u aragga dadka.” 2-     Jecloow:   Qo

Sookoobidda buugga “Waddada Guusha~الطريق الي الامتياز”

Image
  Hordhac Buuggan la yidhaa “Waddada Guusha.” Waxan qoray Dr Ibraahin Al Fiqi. Ibraahin, waxa uu ahaa tababbare, iyo aqoonyahan wayn oo ku takhasusay aqoonta horumarinta Bini’aadanka.   Waxa uu u dhashay dalka Masar. Waqtigii hore waxa uu ka soo shaqeeyay Hudheello Kanada ku yaalla, oo markii danbe uu maamul ka noqday. Waxa uu qaatay 23 Diblooma ah, iyo 3 shahaadooyin sare ah oo ku saabsan horumarinta bini’aadanka.   Shahaadada sare ee Ph.D waxa uu ka qaatay Jaamacadda Loosanjalis ee dalka Maraykanka. Wuxuunna ku diyaariyay Metaphysics. Waxa uu aasaasay xarumo badan oo qaarkood lagu barto culuunta Horumarinta Bini’aadanka. Qaarna ka shaqeeyaan horumarinta bini’aadanka. Waxa uu ahaa qoraa qalinkiisa aad loo jecelyahay. Buugaag badan ayuu qoray. Buugta uu qoray waxa ka mid ah buugga la yidhaa “ Maaree Noloshaada.” Iyo “ 10ka Fure ee Guusha.” Buugtiisa waxaa lagu turjumay Shan Luuqadooda, oo kala ah: Faransiis, Carabi, Kurdi, Ingiriisi, iyo Induunisi. Buugtiisa intooda badan waxa

Wiil dadaalay.

Image
  Waa goor barqo ah. Waxa lagu jiray gu' roobkii curtay. Waa xilligii beeraha la qodan jiray. Lo’ aan cuntada ku caddaysanno ayaan raaci jiray. Nin shaar cad xiran ayaa dhinaca xaafadda nooga yimid. Aabbahay ayay isisalaameen. Wuxuuna ku yiri: “Rashiidoow, cunuggaan maxaad u tahay?” Aabbo ayaa yiri: "Anigaa dhalay." Markaasuu yiri: "Waxba ma barto miyaa?" Aabbahay wuxuu ninkii u sheegay in aan saco yar raaco, oo aanan waxbaranin. Wuuna naga dhaqaaqay. Markuu tagay ayaan aabbahay ku iri: "Yaa waaye ninkaan, aabbo?" Aabbe ayaa igu yiri: "Waa ina Hebel Hebel. Wuxuu ka yimid Jigjiga. Annaga oo yar ayuu baaddiyo ka tagay. Waa nin waxbartay oo jaamacado ka baxay! Hadalkaas waxbuu bartay ah ayaa aad ii taabtay. Aabbahay ayaan ku iri: "Anna aabbo wax ma bartaa?!” Aabbe wuxuu igu yiri: "Waxbaad baran doontaa aabbe markaad waynaato!" Sidii ayaan xoolaha u raaci jiray. Muddo hadda laga joogo 11 sano ayaan dhigay ushii aan xoolaha ku raaci jira

Nolosha Miyiga iyo Magaalada

Image
  20kii cisho ee la soo dhaafay meel magaalo sheegata ma joogin. Miyi ayaan joogay. Nololmaadmeedkiisa ayaan la falgalay. Xoolo, gaar ahaan Lo'yar ayaan eegi jiray. Laba sano ka hor ayaa iigu danbaysay inaan Miyi tago, oo muddo joogo. Miyiga noloshayda inta aan jiro kalabadh ayaan ku soo qaatay. Noloshaa adeg ee qarfada ah ayaan muddo 11 sano ka hor ka imid. Da'daydu waa 22 sano jir. 11kii sano ee hore Miyiga ayaan ku noolaa oo xoolojire ayaan ahaa. 11kii sano ee danbana Magaalo ayaan ku noolaa oo aqoonjire ayaan ahaa. 20kaa cisho waxa aan sahamin ku waday noloshii aan 11 sano ka hor ka soo digarogtay, ee aan ka imid. Waxa aan qiimaynayay sida ay hadda oo aan muddo badan ka maqnaa ila tahay, & sida ay berigii aan xoolaha ku eegi jiray ila ahayd. Runtii isbeddel wayn ayaan igu dhacay. Ma koobi karo, se waan yara taataaban. Markii aan Miyiga joogay hadafkaygu wuxuu ahaa xaafadda xoolaha u eeg ( Lo'da iyo Idaha). Yar waynow, oo xoolaha ka hadh, kuwa kaa yaryarna ha eegaan