Sookoobidda buugga “ Think and Grew Rich ~Feker oo Hodan Noqo.”

 


Hordhac

Buugga la yidhaa “ Think and Grew Rich ~Feker oo Hodan Noqo.” Waxa qoray Napolean Hil. Napolean wuxuu ahaa qoraa buugaag kaladuwan qoray. Buugta uu qoray waxa ka mid ah “ The Laws of Success” oo uu sannadkii 1928kii uu qoray.

Buuggu waxa uu ka koobanyahay 245 bog. Waxa kale oo ka koobanyahay 15 Cutub. Sannadkii 1937kii ayuu qoray. Buugta ugu caansan ee aad ka Caalamka loo akhriyo ayuu ku jiraa.

Waxa uu ka warramayaa in qofku haddii uu fekero oo wax u fiirsado uu hodan noqon karo.  Si guud baynu u dulmari oo fekradda uu gudbinayo ayaynu soo qaadan.

Nuxurka

Waxa uu ku bilaabayaa oo qoraagu sheegayaa in buugga cutubkasta oo ka mid ah uu ku fadhiyo sir lagu noqon karo hodan. Sirtana waan falanqeeyay oo dad badan oo ku gaadhay hodannimo ayaan ogahay ayuu qoraagu leeyahay.

Tallaabooyinka  Hodannimada ee uu  buuggu sheegayo:

1-      Feker: Waxa uu qoraagu leeyahay “ Saboolnimada iyo hodannimadu waa natiijada fekerrada, iyo si u aragga dadka.”

2-    Jecloow:  Qoraagu waxa uu marka koowaad xusayaa “ Jamasho ama jaceyl” in loo qaado waxa aad doonaysid in aad qabatid. Waxa uu ku sii darayaa in jaceylka aad jeceshahay waxa aad qabanaysid ay tahay “ Barbilowga ama meesha uu ka bilaabmo ( starting point) waxqabadkasta/guulkasta.” Tallaabada koowaad ee laga rabo qofka doonaya inuu hodan noqdaanna waa: Desire, Jamasho.

3-      In qofku rumeysto/aamino waxa uu jecelyahay.

4-    In qofku iska dhaadhiciyo hodannimada ( Auto Suggestion.”

5-     Aqoon takhasuseed, khibrad, ama indha’indhayn: Saddexdaa midkood waa inuu qofku lahaado ayuu qoraagu leeyahay.

6-    Mala’awaal: Tababbarka Maskaxda: Khiyaalka uu qofku sawirto isaga oo aan waxba ka qaban, waxa laga yaabaa inay rumawdo, qoraagu waxa qabaa in waxkasta oo la mala’awaalo la rumeyn karo.

7-     Qorshe habaysan: Tallaabooyinka hodannimada waxa ka mid ah qorshaha habaysan.

8-    Go’aan: Tallaabooyinka hodannimada waxa ka mid ah go’aanka.

9-    Adekysiga: Dadaal joogto ah oo aaminaadi la socoto. Waa u muhiim hodannimada ayuu qoraagu qabaa.

10- Awoodda maamulidda maskaxda: Waa in qofku maskaxdiisa maamuli karo, oo ay jiraan awood riixaysa (Driving Force.”

Intaa marka laga yimaad qoraagu xagga danbe mawduucyo goosgoosa ayuu ku soo qaadanayaa. Waxa ka mid ah oo uu ka warramayaa CABSIDA. Cabsidu way noocyo badantahaya sida ka cabsashada xanuunka, ka cabsashada guusha, Ka cabsashada geerida IWM.

Sidoo kale, waxa uu ka warramayaa qaar ka mid ah MARMARSIIYAHA ay dadku la yimaaddaan ee ku dhawaaqaan sida; haddii aan lacag leeyahay, haddii hibadayda la ogyahay, haddii aan qof wanaagsan guursado….

Gebagebo

Si guud ayaynu u dulmarnay waxa uu buuggu daaranyahay. Waa intii ugu muhiimsanayd ee aan islahaa akhritaha way anfici kartaa. Intaas ayaan ku soo koobayaa.

 

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
21 April, 2020.

 

 

 


Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?