Wiil dadaalay.

 


Waa goor barqo ah. Waxa lagu jiray gu' roobkii curtay. Waa xilligii beeraha la qodan jiray. Lo’ aan cuntada ku caddaysanno ayaan raaci jiray. Nin shaar cad xiran ayaa dhinaca xaafadda nooga yimid. Aabbahay ayay isisalaameen. Wuxuuna ku yiri: “Rashiidoow, cunuggaan maxaad u tahay?” Aabbo ayaa yiri: "Anigaa dhalay." Markaasuu yiri: "Waxba ma barto miyaa?" Aabbahay wuxuu ninkii u sheegay in aan saco yar raaco, oo aanan waxbaranin. Wuuna naga dhaqaaqay.

Markuu tagay ayaan aabbahay ku iri: "Yaa waaye ninkaan, aabbo?" Aabbe ayaa igu yiri: "Waa ina Hebel Hebel. Wuxuu ka yimid Jigjiga. Annaga oo yar ayuu baaddiyo ka tagay. Waa nin waxbartay oo jaamacado ka baxay! Hadalkaas waxbuu bartay ah ayaa aad ii taabtay. Aabbahay ayaan ku iri: "Anna aabbo wax ma bartaa?!” Aabbe wuxuu igu yiri: "Waxbaad baran doontaa aabbe markaad waynaato!"
Sidii ayaan xoolaha u raaci jiray. Muddo hadda laga joogo 11 sano ayaan dhigay ushii aan xoolaha ku raaci jiray. Miyi iyo meeshii aan ku dhashay ayaan ka imid. Waxbarasho ayaan bilaabay. 11kaas sano qalin ayaan sitay. Waxaana dhigtay labo Degree oo aan ka kala diyaarinayay jaamacadaha Camuud iyo Beder.
Intii aan waxbaranayay tiro ma leh inta jeer ee ay duruufuhu ‘waxbarashada jooji’ igu dhaheen, balse aan u adkaystay. Tiro ma leh inta jeer ee aan wax i niyadjabiya la soo kulmay. Tiro ma leh inta aan qol mugdi ah ka dhex ooyay. Mar kasta oo ay xaaladdu igu adkaato, duruuftuna i tiraahdo ‘Iska jooji waxbarashada’ waxaaan naftayda waydiin jiray “Haddii aad joojiso xaggeed aadee? Ma Miyigii aad ka timid ee aad xaaladdiisa ogayd ayaad ku laaban kartaa? Adiga kaliya ayaa waxbarasho ka bilaabay 40 qoys ee Reer Cumar ah ee adiguna ma joojinaysaa?” Intaas iyo boqollaal su’aalood oo kale marka aan naftayda waydiiyo ee jawaabtu ‘Maya’ noqoto ayaan nafteyda dhiirrigelin jiray.
Jaamacaddaan maanta ii dhammaatay aniga ayaa waalid iyo walaalba isku ahaa. Waqti badan iyo dadaal badan oo aan keligey ku ahaa ayaan ku waday.
Ehelkeyga dhaw, waxa aan ahay qofkii ugu horreeyay ee jaamacad gaara ama dhammeeyaba! Mar waa ii farxad, oo dadaal aan muddo waday ayaa ii dhammaaday. Marna waa ii murugo iyo welwel oo walaalahay oo aan anigu curad u ahay waxba ma bartaan! Kaligey ayaa fursad u helay waxbarasho. Runtii aad baan uga xumahay in aan maanta jaamacad sii dhammaynayo, iyaguna aysan waxbarasho gelin! Waqtiga ugu badan walaalahey ayaan ka fekeraa. Waxba kama hagran, balse arday ayaan ahaa, oo aniga ayaaba wax u baahnaa! Aad bay ii xanuujinaysaa in aan kaligey qoys dhan wax ka bartay!
Wanaag badan ayaan ka rajaynayaa Allaha i uumay.
Waa sheekada Cabdirasaaq Sandheere oo maanta ka qalinjebinaya jaamacadda Camuud ee magaalada Boorame. Hambalyo saaxiib. Guul ayaan kuu rajaynayaa adduun iyo aakhiraba, Alle idankiis.


W/Q: Xuseen Sabrie
12 Sibtanbar, 2020

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?