Posts

Showing posts from July 18, 2021

Dadku Waa Noole Fekera. Balse…

Image
  Waa muhiim in aad fekertaa. Se waxaa ka sii muhiimsan in aad ogaato sida aad u fekrayso. Masaafada u dhexaysa fekerka caadiga ah, iyo barashada sida loo fekeraa way dheertahay. Qofkasta waxa uu leeyahay qaab ku habboon oo uu u fekero. Dadkuna waa noole jira oo fekera. Balse, dhibaatadu waxa ay ka joogtaa koruqaadidda mustawaha fekerka; iyo samaynta qorshe fekereed qaabaysan. Sidaa daraaddeed, ayay Reer Galbeedku u qorsheeyaan Manhaj tarbiyeed oo qofka u tababbaraya inuu fekero; oo qofka baraya sidii uu u baranlahaa sida loo fekero. Halka innagu ka Caalam Islaam ahaan, aynnu qofka ka dhigno mid u dabran waxa la isla garanayo, ama isagu uu yaqaan, ee aan la baran sidii uu uga shaqaysiin lahaa waxyaabahan ku hareeraysan agtiisa. Waa muhiim in aynnu baranno sida loo fekero. Se waxaa ka sii muhiimsan in aan wanaajinno qaabka aynnu u fekeraynno, oo aynnu baranno fanka wax’akhriska, iyo fanniyada kale ee aqoonbaadhista. Bini’aadanku akhrisla’aan waa nasakhane laba jibbaaran. Haddii uu k