Dadku Waa Noole Fekera. Balse…
Waa muhiim in aad fekertaa. Se waxaa ka sii muhiimsan in aad
ogaato sida aad u fekrayso. Masaafada u dhexaysa fekerka caadiga ah, iyo
barashada sida loo fekeraa way dheertahay. Qofkasta waxa uu leeyahay qaab ku
habboon oo uu u fekero. Dadkuna waa noole jira oo fekera. Balse, dhibaatadu
waxa ay ka joogtaa koruqaadidda mustawaha fekerka; iyo samaynta qorshe fekereed
qaabaysan. Sidaa daraaddeed, ayay Reer Galbeedku u qorsheeyaan Manhaj tarbiyeed
oo qofka u tababbaraya inuu fekero; oo qofka baraya sidii uu u baranlahaa sida
loo fekero. Halka innagu ka Caalam Islaam ahaan, aynnu qofka ka dhigno mid u
dabran waxa la isla garanayo, ama isagu uu yaqaan, ee aan la baran sidii uu uga
shaqaysiin lahaa waxyaabahan ku hareeraysan agtiisa.
Waa muhiim in aynnu baranno sida loo fekero. Se waxaa ka sii
muhiimsan in aan wanaajinno qaabka aynnu u fekeraynno, oo aynnu baranno fanka
wax’akhriska, iyo fanniyada kale ee aqoonbaadhista. Bini’aadanku akhrisla’aan
waa nasakhane laba jibbaaran. Haddii uu ka madhanyahay samaynta cilmibaadhis
aqoonaysan wuxuu ku kaliyaysanayaa goob aamina oo ka maqan werwer. Werwerkuna
waa ka beera ee sameeya caqli aqoonaysan, ee fekerkana wanaajiya. Dadka
werwersani waa kuwa ay la warrantay Aayadda labaad ee Suuradda Qiyaama. Nafta
canaanta badani waata qofka ku abuurta werwer, wax iswayddiin, baadhid, iyo
gorfeyn.
Waa muhiim in fekerka la wanaajiyaa. Se waxa ka sii
muhiimsan in aynnu baranno akhrisnaqdineedka. Akhrisnaqdineedku maaha ka keena
diidid naqdin daraaddeed. Balse, qofka fekeraya ee wax naqdiyayaa wuxuu wax u
naqdiyayaa si uu xaqiiqada u gaadho. In xaqiiqada la gaadhaana maaha wax fudud.
Balse, waxa lagama maarmaan ah dadaal caqliyeed ballaadhan oo aan kala go’
lahayn; iyo wax akhrisyo xeeldheer. Iyo sidoo kale, in waaqica taagan si
garasho iyo aqoonle loo akhriyo. Hore waxa uu Suqraad u yidhi: “ U raac
daliilku meelkasta oo uu kugu hago, hadalku qiima malaha marka uu ka
madhanyahay xujo iyo daliil.” Culimadeennu waxa ay sugeen qaacido dahab ah “
Haddii aad soo guurinaysid, waxa wanaagsan ku dadaal. Haddii aad yeedhe ‘
Muddacitahay’ daliil cusko.”
Waa muhiim in aad baratid fekernaqdineedka. Se waxaa ka
muhiimsan in aad liqi kartid ama aqbali kartid fekerka kaa duwan, haba ka
fogaado fekerradaada e. Qofku waxa wanaagsan dhinac buu ka arkaa, dhinac walba
kama wada arko. Waxaanna suurtagala inuuna wixii SAXDA ahaa arkine uu qof kale
arko. Sidaa daraaddeed, in la aqbalo fekerka kaa duwani waa lagama maarmaan. Ilbaxnimada
Islaamku waxa ay sugtay Qaacidadan “ Aragtidaydu waa sax, se QALAD way noqon
kartaa. Aragtida asaaggayna waa QALAD, se sax way noqon kartaa.” Waa aragtid
ilbaxnimo ku dhisan. Balse, qaar ka mid ah dhallinyarada baraarugga ahi waxa
laga yaabaa inay aaminaan in ururkoogu uu yahay, ururrada ka ugu kheyrka badan.
Dadaalka ay Culimadoodu sameeyaan inuu metelo dhammaadkii sooyaalka, iyo in
caqligii Islaamku culimadooda ka agdhawyahay. Ma akhriyin in qaar ka mid ah
Culimada Fiqigu sheegeen in SAXDU badan karto, oo ay jirto MADARASAD loo yaqaan
‘ SAXNAAN’ oo ku agtaalla Madarasadda ‘ QALADKA’ oo ay ka dhoohanyihiin kuwa
mooday in Mujtahid kastaa saxnaanta ku joogo. Sidoo kale, tani waa martabad
sare oo sheegaysa bisayl fekereed iyo fahan ba.
Waa muhiim in aad aqbasho aragtida kaa duwan. Se waxaa ka
sii muhiimsan barashada la noolaanshaha aragtiyaha iska soo hirjeeda, dugsiyada
kala duwan, ururrada iskhilaafsan, iyo Xisbiyada kala duwan. Ma jirto cid Alle
dhulka ku meteli kartaa, marka laga reebo Nebiyada. Nebinnimana Nebi Muxammed
NNKH dabadii ma jirto. Ma jiro qof ku hadli kara magaca Samada. Dhammaan waalla
dadaalayaa. Dhammaanteen dadka wanaag ayaynnu la jecelnahay. Dadkuna caqli bay
leeyihiin. Maaha carruur u baahan dardaaran.
Waa muhiim in aynnu baranno in dadka si nabdoon loola
noolaadaa. Se waxaa ka sii muhiimsan in aan kala saarno QOFKA iy ARAGTIDA. Waxa
innagu waajib ah in aynnu la dhaqanno fekerrada uu qofku keenayo, innaga oo aan
xukumin damiirkiisa, iyo anshaxiisa. Uma baahnin noloshiisa gaarka ah. balse,
waxa aynnu eegaynnaa aragtidiisa, oo waynnu ka qaadanaynaa wixii wanaagsanaada
ee qaadasho u qalma. Wixii kalana waynnu iskaga tagaynaa. Aragtida wanaagsan
qof aan Muslin ahayn waynnu ka qaadan karnaa. Aragtida xun ee qof Muslin ah ka
soo fushaynna waynu ka tagaynnaa. Waxaynnu aragnaa aragtiyo xun oo qof Muslin
ah ka yimid sida kuwa baabbiiyay shucuub badan, ee bilaa tudhidda ah.
W/Q: Sh. Cabdiraxmaan Bashiir
W/T: Cabdirasaaq Sandheere
Oktoobar 16, 2019.
Comments
Post a Comment