Imaam Axmed maalmihii ugu danbeeyay noloshiisa markii la wayddiiyay " Illaa intee in leeg baad aqoonta baranaysaa?" Wuxuu yidhi: " Illaa intaan dhimanayo."
Markii aan arkay sawirka sheekhan oo qolkii uu dhakhtarka kaga jiray u baddelay Maktabad waxaan xasuustay sannad ka hor mar aan Sheekha gurigiisa ku booqday. Wuu xanuunsanayay, oo wejigiisa waxa ka muuqday xanuun, hadalkiisana waa laga dareemayay xanuunka. Waxa aan wax ka wayddiiyay caafimaadkiisa, iyo qorshihiisa, iyo aqoonta uu maalmahan ku mashquulsanyahay. Wuxuu ii tilmaamay oo faraha iigu ishaaray Maktabaddisii, wuxuuna igu yidhi: " Waxa aan gacanta ku hayaa 15 buug, qaar aan tifaftirayo, iyo qaar aan qorayo/quraarayo oo ku hawlanahay, Alle ayaan wayddiisanayaa inuu Cimriga ii dheereeyo illaa aan buugtaa dhammaynayo. Buugtaas waxa ka mid ah buug aan 20 sano qorayay, buugaas waxa magaciisa la yidhaahdaa ' Buugii Da'da'..." Imaam Axmed maalmihii ugu danbeeyay noloshiisa markii la wayddiiyay " Illaa intee in leeg baad aqoonta baranaysaa?" Wuxuu yidhi: " Illaa intaan dhimanayo." Sheekh Abuu Isxaaq Alle ha u naxariistee wuxuu ka mid ahaa d...