Posts

Showing posts from March 22, 2020

5ta Jeel ee adduunka ugu silica xun!

Image
Jeelalku waa goobaha lagu xidho ee lagu hayo eedaysanayaasha danbiyada kala duwan gaystay. Waddanwal ba way ku yaallaan Jeelashu. Sida sharciyada caalamku dhigayaan waxa laga rabaa in maxaabiista si wanaagsan loola dhaqmo, oo dadnimadiisa la ilaaliyo xuquuqda uu qof ahaan leeyahayna helo. Se waxa jira Jeelal badan oo maxbuusku aannu xaq iyo xuquuq toona lahayn, oo sida dugaaga loola dhaqmo. 5ta xabsi ee ugu xun adduunka ayaynnu soo qaadan: 1-       Attica Xabisa la yidhaa: Wuxuu ku yaallaa dalka Maraykanka, gaar ahaann New York, waxaa la dhisay 1971dii. Xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha ayaa ka dhaca. Marar badan ayay maxaabiistu gadoodeen. Bishii Semtenber sannadkii 1971kii 1000 Maxbuus oo ka mid ah kuwii ku xidhnaa Xabsiga ayaa gadooday, mudaharaad ayay sameeyeen xabsigana gacanta ayay ku dhigeen. Waanwaan iyo dhexdhexaadin socotay afar cisho ayaa nimankii maamulka hayay isku raaceen in 28 maxbuus la sii daayo, se maxaabiistii may yeelin. Ciidamadii Jeelka ilaalin

Sookoobidda buugga “ Show Your Work ~ Shaqadaada Muuji”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa “ Show Your Work ~ Shaqadaada Muuji” Cinwaanhoosadna uu uga dhigay “ 10 Hab oo aad hal’abuurnimadaada ku baahin karto, kuna daahfuri karto.” Waxa qoray Austin Kleon, oo dhashay   1983 . Da’ ahaan wuu yaryahay oo waa 37 sano jir. Waa qoraa ka mid ah qoraayada buugtoodu ugu iibisga badantahay Wargeyska New York Time. Buuggan iyo laba kale oo la kala yidhaa ‘ Steal Like an Artist ’ iyo ‘Newspaper Blackout’ ayuu qoray. Saddexduba buuga loogu iibsiga badanyahay ayay ku jiraan. Qoys aqoonyahanno ah ayuu ka soo jeedaa. Aabbihii Bare Jaamacadeed ayuu ahaa, Hooyadiina lataliye iyo Maammule Dugsi ayay ahayd. Waa qoraa, iyo abwaan.   Gabayo ayuu tiriyaa. Wuxuunna qoraa sheekooyinka kaladuwan. Barnaamijyo kaladuwan ayuu ka qaybgalaa,qaarna sii daayaa. Barnaamijyada uu ka hadlo waxa ka mid ah Barnaamijka TEDx. Si guud buuggan waxa uu ugaga warramayaa xirfadda shaqada qofku sidii uu ku muujin lahaa, ee uu mid macno leh uga dhigi lahaa. Buugga 10 sifo kaliya ayuu k

Sookoobidda Buugga “The 29 Leadership Secrets ~ 29ka Sirood ee Hoggaaminta”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa waxa qoray “The 29 Leadership Secrets ~ 29ka Sirood ee Hoggaaminta” waxa qoray Jack Welch, oo ah qoraa iyo ganacsade. Muddo badan ayuu ganacsiyo maammulayay, sida General Elec tric Company Buuggu waa 142 bog. 4 qaybood ayuu qoraagu u qaybiyay. Waxa uu buugga kaga warramayaa qofka maammulka sirta uu ku shaqaynayo ee uu shaqaalihiisa iyo macaamiishiisa. Nuxurka Aragtiyaha uu u arko inay SIRTA hoggaamiyaha yihiin ayuu qoraagu aad u xusayaa. Weliba aragtidiisa ayuu ku salaynayaa. Aynnu qaar ka mid ah 29ka SIROOD soo qaadanno: 1-       Awood isbeddeleed: Meesha aad doonto ayaad hoggaamin kartaa. Ganacsi baad samayn kartaa, dad baad hoggaamin kartaa. Waa inaad AWOOD ISBEDDEL lahaatid. 2-     Xaqiiqada inuu wajaho: Sida ay waxyihiin macaan iyo qadhaadh ba waa inuu hoggaamiyuhu ku dhacaa. Maaha in uu been isku maaweeliya. 3-      Hiraal samee, ka dibna ku dhaqaaq waddada hiraalkaa aad samaysatay: Marka koowaad hiraal samayso, dabadeedna raac oo wad