Gorfeynta Buugga “ A Woman of Firsts ~ Marwadii koowaad” oo Dr Edna Aadan qortay
Hordhac Buuggan waxa lagu magacaabaa “ A woman of Firsts ~ Gabadhii ugu horreysay.” Cinwaanhoosaadkiisu waa ‘ The Midwife who built A hospital and changed the world ~ Ummulisadii Cusbitaalka dhistay ee adduunyada baddeshay!” Waxa qortay Adna Aadan Ismaaciil. Adna, waa aasaasaha Dhaktarta Adan Aadan, iyo Jaamacadda Adna Aadan. Waxa ay soo noqotay Wasiirkii Arrimadaha debadda, iyo sidoo kale wasiirkii Arrimaha bulshada Soomaalilaan. Haddana waaa xubin ka mid an wadahadallada Soomaalilaan iyo Soomaaliya. Waxa ay isguursadeen, oo ay xaas u ahayd Madaxweynihii hore ee Soomaalilaan Maxammed Xaaji Ibraahin AHUN, sidoo kale Raysalwasaare ka noqday Soomaaliya waqtigii midawga. Waxa uu ka koobanyahay 257 bog. Waanna 17 Cutub oo xidhiidh ah. Waxa uu ka warramayaa taariikhnololeedka Adna Aadan. Waxa aan isku dayayaa in aan gorfeeyo, oo meelaha qaar naqdiyo. Sidoo kale, nuxurka guud soo koobo. Nuxurka buugga Buugga intaanad gelin dhinaca hore ee XUQUUQDA buugga lagu qoro, w...
Comments
Post a Comment