Posts

Showing posts from March 8, 2020

Dhaqannada Goobaha Ganacsiga: Gaar ahaan Shaqaalaha Shirkadaha Waaweyn

Image
Muddada ay Cilmibaadhistu socotay: 4 Bilood. La daabacay/faafiyay: Maarij, 2020 Goobta laga sameeyay: Si guud Soomaalilaan, gaar ahaan Awdal, Maroodijeex, Gabilay. Waxa baadhay Cilmibaadhista: Cabdirasaaq Sandheere                             Hordhac     Maarij , 2020 Dhawr mar ayaan cabasho bulshada qaybaheeda kaladuwan ka maqlay. Cabashadu waxa ay ku aaddanayd sida fooshaxun ee ay shirkadaha waaweyni mamaamiisha ula dhaqmaan. Tiro iyo cadad malaha cabashada iyo tagrifalka goobahaa lagala kulmaa. Qofkasta oo tagay wuu dareemayaa waxa ka jira. Waxa aan ka hadlayaa waa habdhaqanka macmiilka lagula dhaqmo ee shaqaalaha ama maammulka shirkaddu kula dhaqmaan. Maadaama cabashadaasi jirto, waa muhiim in bal dhibta la daraaseeyo, sida ay wax u jiraan, halka ay wax ka bilaabmaan, iyo xalka sida loo arko la soo bandhigaa. Arrintaa muddo ayaan dabagalay. In hore aan si rasmi ah aan waxba looga qorin, ayaan ogaaday. Waxa ay noqotay inaan si m