Dhaqannada Goobaha Ganacsiga: Gaar ahaan Shaqaalaha Shirkadaha Waaweyn




Muddada ay Cilmibaadhistu socotay: 4 Bilood.
La daabacay/faafiyay: Maarij, 2020
Goobta laga sameeyay: Si guud Soomaalilaan, gaar ahaan Awdal, Maroodijeex, Gabilay.
Waxa baadhay Cilmibaadhista: Cabdirasaaq Sandheere
                           

Hordhac
    Maarij , 2020
Dhawr mar ayaan cabasho bulshada qaybaheeda kaladuwan ka maqlay. Cabashadu waxa ay ku aaddanayd sida fooshaxun ee ay shirkadaha waaweyni mamaamiisha ula dhaqmaan. Tiro iyo cadad malaha cabashada iyo tagrifalka goobahaa lagala kulmaa. Qofkasta oo tagay wuu dareemayaa waxa ka jira. Waxa aan ka hadlayaa waa habdhaqanka macmiilka lagula dhaqmo ee shaqaalaha ama maammulka shirkaddu kula dhaqmaan.
Maadaama cabashadaasi jirto, waa muhiim in bal dhibta la daraaseeyo, sida ay wax u jiraan, halka ay wax ka bilaabmaan, iyo xalka sida loo arko la soo bandhigaa. Arrintaa muddo ayaan dabagalay. In hore aan si rasmi ah aan waxba looga qorin, ayaan ogaaday. Waxa ay noqotay inaan si madaxbannaan hawshaa bal u baadho, oo sida ay wax u jiraan ogaado. Muddo ayaan ku dabajiray. Dad kaladuwan oo dhinacyada ay khusayso ah ayaan waraystay.  Habka waraysiga (Questionere) ka loo yaqaan ayaa baadhista laga sameeyay.  Dad kaladuwan oo dhinacyada ay khusayso ah na aad baa loo waraystay. Waxa xusid mudan inuuna jirin qoraal rasmi ah, oo goob Cilmibaadhiseed, ama Cilmibaadhe madaxbannaan uuka sameeyay. Markaa wax hore oo arrintaa laga yidhi oo ‘ Primary Source’ noqda waalla waayay. Tanaa ‘ Primary Source noqon doonta.’
Mid baan sii baraarujinayaa. Waxa aan ka hadlaynaa waa ‘ Habdhaqanka Shirkadaha waaweyn ee dalka.’ Kaliya hadda waa dhinaca habdhaqanka. Dhinacyada kale ee shaqadooda ma khuseyso baadhistu. Waa mawduucyo kale oo dihin, lana baadhi karo wixii ka soo hadhay habdhaqanka Macmiilka ay kula dhaqmaan. Dhammaan iskuma wada darayno shirkadaha kaladuwan ee dalka ka shaqeeya, se intooda badan runta qadhaadh ee ka dhex oogan ayaynnu inyar soo bandhigi. Waa arrin adiga laftaadu haddaad si madaxbannaan u baadho aad ogaan karto.
Laba arrimood ayaan baraarujinayaa:
1-      Shirkad gaar ah oo ay baadhistu ku socotaa ma jirto. Si guud bay u hadlaysaa, waliba dhinaca badan (Majority) ayay ku salaysantahay. Gaar ahaan waxa aynnu xooggasaaraynaa shirkadaha waaweyn.
2-    Ma jirto hal dhinac oo shirkadaha ka mid ah oo ay baadhistu si gaara ugu socotaa, dhammaan shirkadaha ganacsiga iyo meelkasta oo ganacsi u aasaasan, ama aan u aasaasnayn dhibaatadu inay ka jirto ayay sheegaysaa. Tusaale ahaan, shirkadaha ka shaqeeya, isgaadhsiinta, Biyaha, korontada, qalabka dhismaha, iyo dhammaan kuwa adeegyada bixiya noocay doonaan ha ahaadaabe way abbaaraysaa.
Sida ay dhibaatadu u jirto ayaynnu so bandhigi. Dhibaatadu halka ay salka ku hayso, iyo waxa sababay ayaynu sheegi. Eesha ay dhibaatadu haddii xal laga gaadhi waayo keensan karto ayaynnu soo bandhigi. Ugu danbayn waxaynnu ku soo xidhi xalka sida aan u arko baadhid dheer ka dib.
Waa Sidee Habdhaqanka Shaqaalaha Shirkadaha Waaweyni?
Shirkadaha dalka ka jira ee waaweyn habdhaqankooda bulshadu umay bogin. Marka laga reebo kuwo farakutiris ah oo xurmada iyo xushmada macmiilka garanaya. Kuwaasina way yaryihiin. Way jiraan oo baadhistu ma diidayso inay jiraan shirkado fahansan awoodda macmiilka, misana siinaya xurmadiisa iyo tixgelinta uu mudanyahay.  Waxa habdhaqanka ka simani waa kolba cidda meesha joogta wiilal iyo hablo. Walow ay ku kala badanyihiin. Waxa iyaguna soo raaca maammulayaasha, ama nimanka Mulkiilayaasha ah. Iyaga laftoodu meermeerinta iyo ayay ku horreeyaan oo macmiilka adeeg shaqaalaha dhaafsan uga baahdaa wuu ku dhibtoodaa.
Laba dhinac aynnu horta ku salaynno halka ay ka liitaan si guud:
1-      Iyaga oo awooda inay qabtaan ayay diidaan macmiilka: Waxa macruuf ah shirkadaha waaweyni in xilliyada rawaxaaddu dhawdahay ( Tusaale ahaa 11: 30) inay marar badan yidhaahdaan ‘ ma shaqaynayno’ oo macmiil waqti badan u soo socday, oo laga yaabo inuu shaqo uga yimid si adeeg loogu qabto inay celiyaan oo ‘ Rawaxaaddii ayaa dhaw’ ayay ku yidhaahdaan. Iyaga oo hadda waxyar kuu dhammayn kara ayay ‘ galabta, caawa, berri iyo waxaan dhaamin) kuula imanayaan. Qofku isaga ayaa adeeg ka raba, amah awl isaga si uun u khusaysa ayaa kaga xidhan oo kama maarsamayo. Waxa se shaki ma doonto ah in macaamiil badan aynna ku soo laabteen haddii ay ka maarmayaan ama ay helayaan meel dhaanta meesha noocaasa. Weliba arrintan waxa u badan shirkadahaIsgaadhsiinta, laydhka, biyaha IWM ah ka shaqeeya.
2-    Inay macmiilka iyaga oo hadda wax u qaban kara waqti badan ka ridaan oo nagu soo noqo yidhaahdaan: Tan macmiilka waqtiga ayay ka ridaan. Tusaale, waxa ugu badan nimanka maammulayaasha, ama Mulkiilayaasha shirkadaha. Haddii aad u tagto oo aad adeeg shaqaalaha ka baxsan ama hawlkale uga baahato toban jeer in ka badan inta laguu ballamiyo ayaa uu haddana ku meermeerin ‘ Berri u imo, ma joogo, wuu rawaxay!’ Sidoo kale, in isaga oo kula ballamay lagu yidhaa ‘ Shir buu ku jiraa. Sug waxoogaa. Ma haleelayo hadda IWM.’ Aad bay macmiil dhan waqtiga uga ridaan, oo waqtiyo badan oo uu hawl ka dhammayso isla lahaa way meermeeriyaan. Taanna waa dhibaato ay leeyihiin.
3-     Inay macmiilka isku dhiidhiibaan laba shaqaalle, ama laba goobood: Shirkadaha adeegga bixiya ee loo taga waxa dhacda in ay ku odhanayaan ‘ hebel u tag’ hebelka kalana ‘ Hebel u tag.’ Way ku wareejinayaan iyada oo aan duruuf keenaysaa jirin. Sidoo kale, waxa dhacda in xaruni mid kale u tag ku tidhaa iyada oo awoodda.
Saddexdaas qodob, waa laba qodob oo si guud aad mooddo inay shirkadeennu ka simanyihiin marka waxyar laga reebo.
Waa Maxay Mushkiladaha ay Macaamiishu kala Kulmaan?
 Intaa ka sokow waxaa jira dhaqanno adeyga iyo qallafsanaan u badan oo macmiilka loo muujiyo waqtiyada adeegga loo qabanayo, iyo marka wax laga iibinayaba. Dhaqannadaa waxa aynnu ka xusi karnaa kuwan:
1-      Ixtiraamdarro: Aad buu ugu yaryahay ixtiraamku shirkadaheenna, dhinacyo badan marka aynnu ka eegno.
2-    Qallafsanaan: Qallafsanaantu way jirtaa, oo shaqaalaha waa laga dareemaa. Qofkii waxbadan sii dhaafsada ee waxyaabaha qaar ay qabtaan oo ka shaqeeyaan wayddiiya inay ‘ Na dhaaf’ yidhaahdaan waxba kuma aha. Haddii aad laba jeer wax isdhaafsataan ‘ Ha nagu celcelin hadalka’ ayay ku odhanayaan.
3-     Islawayni iyo kibir: Waa dad islawayn. Macaamiisha inay ka sarreeyaan, ka aqoonbadanyihiin, wax la biday ayay moodaan. Waxa aad aad ula yaabi innamada iyo hablaha xafiisyada fadhiista ee dhawaanahan soo qalinjebiyay. Qabka iyo sida ay kuula hadlayaan ‘ Malaha dadkani jaamacado may soo marin, oo la macaamilka macmiilka lama barin’ ayaad is odhan. Waa dad isla waaweyn. Weliba halkan, waxa aad mooddaa hablaha xafiisyada fadhiistaa inay si gaara ugu horreeyaan.
Intaas ka imo; waxa jira dhawr dhaqan oo aad u liita oo goobahani waayadan danbe ku soo badanaya. Waxa ka mid ah inta baadhistu caddaysay kuwan:
1-      Dhinaca Wicidda Telefoonka: Marar badan waxa dhacda in macmiilku shirkadda Waco/garaaco oo ku yidhaahdo hawl noocaasa ayaan rabaaye iiga warrama, ama adeegaasaan rabaaye warbixin iga siiya. ‘ Haye annagaa ku soo wici’ ayay ku odhanayaan dibna kuu soo wici maayaan. Marka aad marlabaad ku celisid ama maalmo ka dib aad istidhaahdid xasuusi, haddana ‘ Maxay’ ayay kun odhan oo inaad marlabaad waxaad rabtid u sheegtid ayay noqon! Hadda waa shirkaddii aad adeeg dhan ama warbixin ka sugaysay. Aad bay ugu liitaan dhinacaa Telefoonka. Intay samaystaan oo ‘ lanbarkaa ha na laga soo xidhiidho’ yidhaahdaan ayayna caadi waxba kuugu qabanayn,  lanbarkana kugu daawan ama kugu soo celin waayayn. Inta badan marka ay shirkaddu wayntahay, qaab casriya ku shaqayso ama uuna qofku ku dhawayn ee goob kale joogo ayay dhacdaa.
2-    Macmiilkii oo dultaagan ayaa Internet la iskaga jiraa: Waayadan danbe ee Shirkadihii badankoogii Koombuutarro waawayn Miiska dhigteen ee shaqaalihii kaa dulfadhiyaan waxbadan baa gabaabsi galay. Qaddarintii macmiilka ayaa ugu horraysa. Aaladahaa casriga in ka badan inta ay faa’ido adeegyadaa ku darsadeen waxa ay xumeeyeen xidhiidh badan. Shaqaalihii qofkii oo dultaagan ayuu internetkii u furanyahay oo caalam kale la socdaan, qofna adeeg buu ka sugayaa. Dhallinyaradan danbe ee shirkadaha ka shaqaysaa qofkii oo adeeg ka doonayay ayay Faysbuug iyo whats’app ku dul isticmaalayaan. Waa arrin aad in looga hortago u baahan. Macmiil waqti badan sugayay ayay Internet ku dul isticmaalaan. Dhinacaas aad bay ugu badanyihiin shirkadaha waaweyn gaar ahaanna kuwa isgaadhsiinta, oo macmiilka shaqayntiisii wax kalaa lagaga mashquulay. Tanina waa shaqo kale, oo qofkan kaba dhigi karta inuuna meesha shaqo u imane uu u yimid si uu Internet u isticmaalo! Baadhistu cilladdaa weyn way xaqiijisay, lumidda macaamiishana arrintani qaadhaan inay ku darsanayso way ku sii daraysaa.
3-     Qancinta la’aanta macmiilka: Waxa in badan dhacda in qofi adeeg uu u doonto shirkad. Tusaale ahaan, shirkadahaasi hal cillad ayay xalliyaan, macmiilku ma garanayo oo si wanaagsan uma kala yaqaan. Wuu u tagay. ‘ Waxaasaan rabaa’ ayuu yidhi. Ma qancinayaan oo haddii aynna iyagu qaban ‘ ma qabanno walaal.’ Ma odhanayaan. Si qallafsan ayay ugu odhanayaan ‘ Maanad boodhka akhriyin!’ Way dhacdaa. Tusaale kale, haddii macmiilku u tago oo uu wax doonayo in si wanaagsan loogu yidhaahdo’ Waxaasaa lagaa rabaa’ lagama yaabo. Intii baadhistu socotay, maalin ayuu wiil tagay shirkad lacagtan Moobilka  lagu shubto oo ku xidhanta 2000$ inuu biirsado xaddiga uu Simcard ku qaadayo. Dabcan qofka shuruud baa laga rabaa. Gabadh xarunta fadhidan ayuu u tagay. ‘ Maxaa la iga rabaa’ ayuu yidhi. ‘ Passporta’ ayay tidhi. ‘ ka warran Kaadh Ardeynnimo oo jaamacadeed’ ayuu yidhi. ‘ May’ ayay tidhi. Wuu iska socday. Maalintii labaad ayuu yimid. Wiil baa fadhiyay gabadha agteeda. ‘ In xaddiga Lacagta uu Simcard ku ii qaadayo la ii kordhiyaan rabaa’; ayuu yidhi.  Deedna Kaadhkii Jaamacadda ayuu u dhiibay. Wuu ka qaaday. Wuunna u furay. Adeegiinna u dhammeeyay. Waxa aan u soo qaatay, qaabka ay gabadhu macmiilka wax ugu sheegtay, iyo in shuruuddo la aqbalo xataa ay iyadu diidday! Qancini haba joogtee. Waa daf oo shirkadaha arrimahani waa ka caan.
Waxa iyadna halkaa innooga soo baxaysa Habdhaqanka hablaha shirkadaha ka shaqeeyaa QAARKOOD inay si gaara macaamiisha ugu tagrifalaan, oo sanka u tagaan. Si guud dumarka inay ku ad’adegyihiin ayaad mooddaa, oo ragga u jajabanyihiin, walow ay baadhistu sheegayso hablo badan oo ragga ku ad’adeg oo sanka u taaga iyaga oo u malaynaya inay shukaansi ka doonayaan. Si kale, hablahaasi marka ay macmiilka ragga ah u adeegayaan waxa aad mooddaa inay nuxur haasaawe meesha keenaan, oo ay isku dayaan inay kaftan aan meesha loo baahnayn raaddiyaan.
Waxa iyadna dhaqannadaha shaqaalaha ku soo badanaya oo baadhistu sheegaysaa ragga hablaha macaamiisha ah haasaawe ka doona. Kuwa xafiisyada fadhiista iyo kuwa meelaha kale ee ganacsiga, ama adeegga ka shaqeeya waxa aad mooddaa inay shaqadooda marar badan u adeegsadaan hub lagu haasaawo. Wejiga ayay u furaan gabdhaha, way soo dhaweeyaan, oo dhoollacaddayn badan ayay tusaan. Halka ragga kale ee macaamiisha ah aynna intaa midna tusin. In raggaasi hablaha weji wanaagsan, furfurnaan iyo dhoollacaddayn tusaan ma xuma, waaba se masuuliyadda shaqaalaha qayba ka mid ah; se waa godob weyn in macaamiisha HABLAHA ah ay weji wanaagsan tusaan, kuwa kalana aynna tusin. Arrintaasi waxa ay caddaynaysaa inuu HAASAAWE ama iska dhaadhicin hablo jiro, se marnaba aynna jirin qancin MACMIIL. Arrinataasi way jirtaa,
Maxaa Ka Dhalan Kara Dhibatooyinkaa la Tabanayo?
Waxbadan ayay dhaqannadaasi keeni karaan. Shirkadaha saamayn wayn ayay ,u yeelan kartaa. Dhawr shey oo ka dhalan kara ayaynnu tixi:
1-      Inay macmiil badan waayaan: Haddii macmiilku ixtiraam waayo, waxa dhacaysa inuu meesha ka tago.
2-    In adeegyo bulshada loo qabanlahaa gaabis ku yimaad:  Adeegyo bulshada ay u baahnayd marka sidaa loogaga ciyaaro inay iska daayaan, ama inay niyad ku tagaan ayay noqon haddii ay ka maarmi waayaan.
3-     In bulshadu dhiigmiirato u aragto shirkadaha qaarkood: marka adeegga si wanaagsan loogu qabanwaayo, waxa dhacaysa in loo arko inay yihiin danaysatayaal dantooda uun eeganaya.
Xalku Muxuu Yahay?
Maadaama aynnu waxa ka jira shirkadaha waaweyn, bulshada waxa ay ka tabanayso, iyo waxa ka dhalankara aynnu soo sheegnay, waxa ay baadhistu ku daraysaa xalka sida ay u aragto. 
Xalal dhawr ayaan u arkaa inay yihiin kuwo mushkiladdaa lagu xallin karo, kuwa kalana way jiri karaan, iyaga oo weliba xaaladda, iyo goobta ku xidhan. Waxa ka mid ah:
1-      In shirkaddu fahanto awoodda macmiilka: Waa inay shirkaddu fahanto awoodda uu macmiilku u leeyahay iyada gaar ahaan, guud ahaanna shirkadaha kale, waayo waa mishiinka wada ee socodkeeda qayb libaaxle ka qaata. Haddii ay macmiil waydo furnaan mayso. Albaabada ayaa la iskugu laabi lahaa.
2-    In Shaqaalaha la baro ixtiraamidda Macmiilka.
3-     In maammulka meeshu uu ka warhayo shaqaaluhu sida ay ula dhaqmaan macaamiisha.
4-    In maammulku sameeyo xeerciqaabeed ku aaddan shaqaalaha ixtiraami waaya ama si wanaagsan ugu shaqayn maaya macmiilka.
5-     In abaalmarin uu siiyo maammulku shaqaalaha, si ay iyaguna macmiilka u hagaajiyaan.
6-    In dawladdu ka warhayso goobaha ganacsiga, oo sharciyo qaabka loola dhaqmayo macmiilka samayso.

Gebagebo

Baadhistu si guud waxa ay uga hadlaysay ‘ Habdhaqanka Shaqaalaha Shirkadaha Waaweyn.’ Kaliya dhinaca habdhaqanka ayay qaadaadhigaysay. Dhinacyo kaladuwan ayay ka eegtay. Marka koowaad, dhibaatada ka jirta ama waxa ay macaamiishu goobahaa kaga cabanayso ayay tilmaantay. Waxa ka dhalan kara ayay ku sii dartay. Ugu danbayn xalka sida ay u aragto ayay ku soo xidhay. Waa baadhis, se lamataabtaan ma noqon karto. Marka mid baadhis kale, oo tiirar adaf ku taaagan oo burisa la helo ayay noqon kartaa in dib loogu noqdo. Se hadda waxa ay sheegaysaa way jiraan. Sidaas ayaynna baadhis shaqaynaysa ku tahay. Inay waxbadan shirkadaha u tarto ayaan rajaynayaa.

Dhammaad


Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?