Posts

Showing posts from December 6, 2020

Faallaynta Buugga “ Hayaankaygii Rumaynta”

Image
  Hordhac Buuggan la yidhaa “ Hayaankaygii Rumaynta”, oo asal ahaantii ku qornaa Luuqadda Carabiga waxaa qoray Dr. Mustafe Maxammuud. Waxaa Af Soomali u turjumay Aadan Khadar Cali ( Aadan-Sahan), oo ah wiil dhallinyaro oo Yuutuubar ah, oo leh Janal la yidhaa ‘ Sahanka Xogaha’ oo waxyaabo kalageddisan ku soo gudbiya. Waxaa daabacaday Madbacadda Dawaad, oo ah madbacad hadda saaxadda firfircooni la soo gashay oo daabacda buugaagta kalageddisan. Qoraaga buuggu waa Mustafe. Mustafe, waxa uu ahaa aqoonyahan, dhakhtar, qoraa, iyo suugaandhaadhi. Waxa uu u dhashay Dalka Masar. Waxa uu ka baxay kulliyadda caafimaadka, isaga oo ku takhasusay qalliinka maskaxda iyo neerfaha. Mustafe buugaag kaladuwan oo qiyaas ahaan gaadhaya 89 buug. Buugtaasi waxa ay ka kala hadlayaan laamaha kaladuwan ee aqoonta sida Diinta, Falsafadda, aqoonta Bulshada, siyaasadda, iyo kuwa la xidhiidha sheekafaneedda, masraxiyadda, sheekaxariirada, sheekooyinka safarrada, IWM. Muddo badan ayuu Allediid ahaa Mustafe, oo

Sh. Khaliil Al Xusari: Qaarigii Codka Macaanaa

Image
  Sh. Maxammuud Khaliil Al Xusari, waxa uu ahaa Qaari wayn oo Quraanka Alle ku luuqeeya. Cod ashqaraar leh, deggan, macaan, oo dhegaha u roon ayuu Quraanka ku akhriyaa. Sh. Khaliil, waxa uu dhashay sannadkii 1917kii; sannadkii 1980kii ayuu isaga oo safar ah ku dhintay Dalka Kuwayd. Geeridiisii waxaa laga joogaa 40 sannadood. Afartankaas sannadood ee uu sii mootanaa codkiisii ayaa Muslimiinta la joogay, oo la dhegaystaa. Caalamka Islaamku Sheekha codkiisa aad ayay u yaqaannaan, una dhegaystaan. Asal ahaan wax uu u dhashay dalka Masar. Ka Soomaali ahaanna, kaalin wayn ayuu ugu jiraa, oo codkiisa meelkasta ka daaran. Sheekhu, waxaa la sheegaa inuu Quraanka afar jir ku bilaabay, oo ku barbaaray. Wuxuuna Quraanka ku xifdiyay Da’ ahaan markii uu ahaa 11 sano jir. Wuxuu wax ka bartay Masaajid ku yaalla magaalada Dandaa ee dalka Masar. Markii danbe waxa uu ku biiray Jaamacadda Al Azhar, oo uu ka galay kulliyadda Quraanka, wuxuuna bartay 10ka qaab ee Quraanka loo akhriyo ( Qiraa’o). Marki