Faallaynta Buugga “ Hayaankaygii Rumaynta”

 


Hordhac

Buuggan la yidhaa “ Hayaankaygii Rumaynta”, oo asal ahaantii ku qornaa Luuqadda Carabiga waxaa qoray Dr. Mustafe Maxammuud. Waxaa Af Soomali u turjumay Aadan Khadar Cali ( Aadan-Sahan), oo ah wiil dhallinyaro oo Yuutuubar ah, oo leh Janal la yidhaa ‘ Sahanka Xogaha’ oo waxyaabo kalageddisan ku soo gudbiya. Waxaa daabacaday Madbacadda Dawaad, oo ah madbacad hadda saaxadda firfircooni la soo gashay oo daabacda buugaagta kalageddisan.

Qoraaga buuggu waa Mustafe. Mustafe, waxa uu ahaa aqoonyahan, dhakhtar, qoraa, iyo suugaandhaadhi. Waxa uu u dhashay Dalka Masar. Waxa uu ka baxay kulliyadda caafimaadka, isaga oo ku takhasusay qalliinka maskaxda iyo neerfaha. Mustafe buugaag kaladuwan oo qiyaas ahaan gaadhaya 89 buug. Buugtaasi waxa ay ka kala hadlayaan laamaha kaladuwan ee aqoonta sida Diinta, Falsafadda, aqoonta Bulshada, siyaasadda, iyo kuwa la xidhiidha sheekafaneedda, masraxiyadda, sheekaxariirada, sheekooyinka safarrada, IWM. Muddo badan ayuu Allediid ahaa Mustafe, oo mardanbe oo uu baadhis badan sameeyay aqoon badanna uu bartay ayuu ku qancay in Alle jiro. Markaas ayuu qoray buuggan ‘ ‘ Hayaankeygii Rumeyn’ si guud buuna u tilmaamayaa xujooyinka cadcad ee uu kownka kala kulmay.

Buuggu waxa uu ka koobanyahay 2001 bog. Waxa ku qoranna waa 8 cinwaan, Tusmada buugga, iyo sooyaalka qoraaga. Bes. Waxa uu ka hadlayaa waxyaabihii ku kellifay Mustafa Maxammuud inuu Islaamo, oo Diinta Islaamka qaato.

Qoraalkan waxa aan isku dayi doonaa inaan ku faalleeyo, oo si guud u eego buuggaas ‘ Hayaankaygii Rumaynta.’ Marka hore faallo guud baan ka bixin, marka xiga waxa aan  buugga kala kulmay ee dhalliil iyo bogaadin ba leh ayaan ku xigsiin. Ugu danbayn waan soo gunaanadi, oo xidhi.

Faallada Buugga

Nuxurka buuggu wuxuu ku wareegayaa sidii uu Mustafe Maxammuud ku Islaamaay ka dib muddo badan oo uu baadhis, aqoonbarad, isbarbardhig, feker, falsafad, iyo dadaal badan uu ku jiray. Inta badan waxaa dhacda in qofku iska gaaloobo isaga oo ayna jirin waxyaabo Falsafi, fekri ah, aqoon dheer ah oo ku sababay. Ama in qofka aynigiisu saameeyaan, isaga oo aan ku qancin fekerkaas. Mustafe wuu ka duwanyahay, oo wuxuu soo Islaamay isaga oo muddo badan ahaa Allediid, meel xagjirnimo laga gaadhayna halkii ugu sarraysay gaadhay. Intaa furfur ii dheh.

Waxyaabaha Mustafe ku sababay inuu Islaamo ee buuggan Hayaanka Rumeyta ku yaal waxa aan ka soo qaadanayaa kuwan:

Ilaahay: Qoraagu qaybta ugu horreysa wuxuu kaga warramayaa xujooyinka cadcad ee uu jiritaanka Alle ka helay. Isaga oo yar ayuu iswayddiiyay jiritaanka Alle. Baadhid badan ka dib wuxuu helay in ayna jirin wax diidaya jiritaanka Alle, haddii ayna jiri  wax diidaya jiritaanka Alle waa qasab inuu jiraa. Se abuurka kale waxa ay markii hore ahaayeen majiraan. Majiraankuna waa majiraan goob iyo goor midna ma jiro. Inta aannu jirin ka hor na lagama faalloon karo oo waaba ma jiraan. Wuxuu Mustafe, in jiritaanka Alle si muuqata loo caddayn karo, oo waxyaabaha dabiiciga ee innoo muuqdaa ay toos u caddayanayaan in Alle wayne jiro, jiri doono, dhabna yahay. Waxa kale, oo qoraagu sheegayaa in aqoonta dhabta ahi ayna Diinta ka hor iman, se ay waafaqdo, markastana ay fasir iyo sharraxaad ka bixiso wax Diintu daliil iyo caddayn buuxda u hayso. Isagu muddo 30 sano ah ayuu baadhiddaas ku jiray, wuxuuna xusayaa in waxa dhibta iyo shakiga meel dheer jirin keenaa ay tahay aqoonta yar ee la bawsado, oo garaadka ku ridda tuhun iyo shubahaad aan sii ridnayn. Arrintaasina dhib laxaad leh ayay keenaysaa, oo abuuraysaa marka ay ku soo beeganto xilli uu garaadku isku arkayo inuu isagu waxkasta ogyahay, oo garanayo.

Jidhka: Hayaanka uu Mustafe u maray Rumaynta waxa qaadhaan aan yarayn ku darsaday caddaymaha uu ka helay jidhka noolaha. Dhammaan dadku waxa ay ka soo jeedaan hawl sawrac, se shakhsiyad ahaan way kaladuwanyihiin, oo midna mid kale la mid maaha. Nooluhu waxa uu ka samaysanyahay unugyo hiddasidayaal ah, aqoontan cusubi waxa ay caddaysay in hiddaside kastaa uu ka koobanyahay in ka badan 20 xaraf oo kiimikaal oo ka samaysan Borotiinnada DNA iyo RNA. Haddana balaayiinka dad ah ee ku nool kownku way kala duwanyihiin, xataa waxa ay kaladuwanyihiin ciddiyahay faraha! Arrintaasi waxa ay qofka caqliga leh ku qasbaysaa inuu fahmo inuu jiro wax dabeecadda ka way oo arrintan ka danbeeya oo Abuuray─waana Allaha wayn ee waaxidka ah. Qoraagu waxa uu xusayaa in dadku marka iyaga oo nafta adeegsanaya ay maamulaan jidhka, iyaga garaadka adeegsanayana ay maamulaan nafta, halka iyaga oo xog-ogaalnimo adeegsanayana ay maamulan garaadka.

Ruuxda: Qoraagu, waxa uu ka warramayaa ruuxda. Ruuxdu waxa ay ka midtahay waxyaabaha hadalka badani ka taaganyahay, ee kolba dhinac laga eego; siyaabo kaladuwanna looa hadlo. Wax jira inay tahay ayuu xusayaa.

Waxa kale, oo qoraagu buugga kaga warramayaa sida turjumuhu xusay waxa uu ugu yeedhay ‘ Caddaaladda Soojireenka ah.” Wuxuu leeyahay dareennada fidrada ah ee innagu abuuran cirroole, carruur, jaahil, aqoonyahan ba waxa ay caddaynayaan dareen dahsoon oo daarran xeer iyo kala danbayn, iyo in ay jirto isxisaabini oo ay jirto caddaaladi. Waxaa jira xeera si ka bogsashi leh u dejisan kala danbayn iyo caddaalad. Innaga lafteennu waxa aynu dooranaynaa caddaaladdaas, iyada oo ay innagu guulayaan fidradeenna iyo rabitaankeennu baadigoobka caddaaladdaas.

Qoraagu waxa uu iswayddiinayaa  wayddiin u dhigan ‘ Maxay Cadaabtu u Jirtaa?” Dhammaan xogaha la hayaa waxa ay sugayaan caddaaladda Alle, kala danbaynta uu ifkan u abuuray, murtida iyo maarayntiisa. Dadka Alle waxa uu amray inay isaga kaliya caabudaan. Qofka yeela ee amarkaas qaataa waxa uu gelayaa Jannada, ka diidaana waa qasab in ay jirto meel diidmadaas iyo amardiidadaas uu sameeyay lagaga gooyaa, halkaasna waa cadaabta. Caddaaladda Alle ayay ka mid tahay inaan qof amar yeelay, iyo mid diiday meel wada galin. Haddii labadaasi mid amarka yeelay, midna diiday isku meel wadagalaan waa caddaalad darro. Se Alle agtiisa kama dhacdo caddaalad darro, Alle waa caddaali. Sidaas ayayna cadaabtu u jirtaa ayuu nuxurka iyo jawaabta qoraagu ku soo koobmaysaa, wareeg badan ka dib.

Nuxurka buugga waxyaabahaas aan soo tiriyay ayaa ugu muhiimsan. Tusaalayaasha uu soo qaadanayo qoraagu, turjumuhuna si wanaagsan u kala dhigdhigayaa waxa ay u badanyihiin kuwo aqoonta Sayniska ah sal iyo raad ku leh, oo aad Culimada Saynisku uga hadleen; aqoonta casriga ah na lagu tijaabiyay. Qoraagu af Saynis iyo af Diineed labada dadka wuu kula hadlayaa, kuna qancinayaa.

Maxaan ku bogaadinayaa?

Ka akhriste ahaan waa inaan caddaalad sameeyo, oo wixii buugga aan kala kulmay bogaadin iyo dhalliil ba sheego. Waxa aan turjumaadda ku bogaadinayaa:

1-      In qaab qurux badan loo daabacay.

2-    In tifaftir wanaagsan lagu sameeyay, oo erayada wax qaldan ay aad ugu yaryihiin, aadna loogu dadaalo sidii loo sixi lahaa.

3-     In turjumuhu u hagarbaxay, oo erayo hodan ah adeegsaday. Erayo badan ayuu qofku ka korodhsanayaaba.

Maxaa Dhalliil ah?

Waxqabadkasta oo la qoraa dhalliil wuu yeeshaa, oo bini’aadanka waxqabadkooda dhalliil lagama waayo. Ka akhriste ahaan, aniga oo aan durayn qoraaga iyo turjumaaga midna waxa aan doonay inaan waxa aan ku arkay ee Alle igu ogyahay sheego, si Turjumaha daabacaadda labaad baraarujin ugu noqoto:

1-      Waxa aad mooddaa in qaabka turjumaagu u dhigay turjumidda tuducyada ama Baaragaafyadu waxoogaa yara adagyihiin, oo qofka bilowga ah khalkhal ku sababi karaan. Waxa ila wacan in turjumaagu uu tarjumidda soo yara dhaweeyo, oo u dhigo qaab qofkastaa fahmi karo.

2-    Waxa aad mooddaa in erayada qaarkood soo yara laalaabanayaan. Tusaale ahaan erayga ‘ DHAADANAYN.’ Turjumaagu aad ayuu u adeegsanayaa. Waxa habboon inuu eray kale ku baddelo oo aannu soo celcelin markasta. Waayo afku waa hodan.

Gebagebo

Buuggu waxa uu ka midyahay buugaagta qiimaha leh ee Caalamka aad looga akhristay. Wuxuu ka warrmayaa mawduuc muhiim ah, oo aynu Soomaali ahaan aad ugu baahi qabnay, waxa bogaadin mudan in Af Soomaali loo turjumay. Aadan aad buu ugu mahadsanyahay buuggaas uu Maktabadda Soomaalida ku soo daray.

Akhristaha waxa aan u soo jeedinayaa inuu buuggaas raadsado oo uu akhriyo. Waa buug xogbadan kugu kordhin doona oo aanad akhrintiisa ku khasaari doonin. Waxa aan rabaa inaan intaas ku soo xidho.

 

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

Boorama, Awdal.

Diisanber, 2020. 



 

 

 

 

 

 

 

 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?