Sh. Khaliil Al Xusari: Qaarigii Codka Macaanaa

 


Sh. Maxammuud Khaliil Al Xusari, waxa uu ahaa Qaari wayn oo Quraanka Alle ku luuqeeya. Cod ashqaraar leh, deggan, macaan, oo dhegaha u roon ayuu Quraanka ku akhriyaa. Sh. Khaliil, waxa uu dhashay sannadkii 1917kii; sannadkii 1980kii ayuu isaga oo safar ah ku dhintay Dalka Kuwayd. Geeridiisii waxaa laga joogaa 40 sannadood. Afartankaas sannadood ee uu sii mootanaa codkiisii ayaa Muslimiinta la joogay, oo la dhegaystaa. Caalamka Islaamku Sheekha codkiisa aad ayay u yaqaannaan, una dhegaystaan. Asal ahaan wax uu u dhashay dalka Masar. Ka Soomaali ahaanna, kaalin wayn ayuu ugu jiraa, oo codkiisa meelkasta ka daaran.

Sheekhu, waxaa la sheegaa inuu Quraanka afar jir ku bilaabay, oo ku barbaaray. Wuxuuna Quraanka ku xifdiyay Da’ ahaan markii uu ahaa 11 sano jir. Wuxuu wax ka bartay Masaajid ku yaalla magaalada Dandaa ee dalka Masar. Markii danbe waxa uu ku biiray Jaamacadda Al Azhar, oo uu ka galay kulliyadda Quraanka, wuxuuna bartay 10ka qaab ee Quraanka loo akhriyo ( Qiraa’o).

Markii koowaad ee Quraanka duubo waxa ay ahayd Febraayo 17, 1944kii, markaas ayuu si rasmi ah Idaacad codkiisa ugu duubay, oo la sii daayay. Dhawr Masaajid oo kaladuwan ayuu Imaam ka noqday. Waxaa ugu danbeeyay Masaajidka Al Xusayn, oo uu muddo 29 sano ah ka ahaa Imaan, illaa intii uu ka dhimanayayna maamulayay. Waxa kale, oo uu jaamacadda Al Azhar ka bartay Culuumta Axaadiista.

Sh. Khaliil, waxa uu ka mid ahaa afarta qof ee ugu codka macaan Masar waqtigaa, weliba qofka koowaad ayuu ahaa. Qiraa’ooyinka kaladuwan ee Quraanka wuu duubay sida Qiraa’ada Xafsa Ibnu Caasim, Warsha Can Naafic, IWM.

Ka Soomaali ahaan, Sheekhu isaga oo 40 sano sii mootan kaalin wayn ayuu dhinaca dhegaysiga Quraanka innoogu jiraa. Wuxuu ka midyahay Culimada ardeydu marka ay Quraanka baranayaan dhegayastaan, aad na uga bartaan qaabka uu Quraanka u akhriyayo. Degganaanta uu u ku akhriyo, codkiisa macaan, Tajwiidka uu sida wacan u yaqaan iyo codka saafiga ah ayaa lagu xushaa.

Alle ha u naxariisto, dhaxal wanaagsan ayuu noo reebay, codkiisana wuu noogu raaxeeyay.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?