Posts

Showing posts from April 17, 2022

Turjumaadda Barnaamijka Qalbi Idma'an Xalqadda 14: Caawinta Dadka Dhinacyadu Bakhtiyeen

Image
  Qays, waxa uu bilaabayaa barnaamijkii khayriga ahaa. Markan waxa uu rabaa inuu caawiyo dadka dhinacu bakhtiyay ee xanuunnadu ku dhaceen. Farxaddii cusbayd buu bilaabayaa. Waxa uu u tegayaa Islaan gaadhi curyaan ku fadhida. Wuu salaamayaa, ka dibna inta uu fadhiisto ayuu dhunkanayaa. Ka diba waxa uu isku dayayaa inuu xaaladdeeda wax ka ogaado: - Ka warran xaaladdaada caafimaad? - Xaaladdayda caafimaad way sii xumaanaysaa, oo xanuun baan dareemayaa. Oo kursigan kuma fadhin karo, mana awoodo inaan sibidhka ku fadhiisto. Marka aan seexdana lafaha iyo lugaha ayaan xanuun ka dareemaa. Dhabarkana xanuun baan ka dareemayaa. Sidan waxa aan ahaa 30 sano. Waxa aan dareemayaa daal. Carruurtaydii way uga tageen, noloshoodana way iska wataan. Kaliya waxa ay iiga tageen inankayga Islaam. Macaan iyo Dhiigkar baan la ildaranahay, kellida midigna xanuun baan ka dareemayaa. - Hooyo maxaad rejaynaysaa? - Alle ayaan ka rejaynayaa inuu i daweeyo. Iyo inaan helo lacag aan isku daweeyo. Taas ayaan rab

Turjumaadda Barnaamijka Qalbi Idma'an ee Qays Xalqadda 13ad: Shaqo Khayriya

Image
Qays waxa uu bilaabayaa barnaamijkii khayriga ahaa. Wuxuuna bilaabayaa farxad. Wuxuu u tegayaa hooyo iyo inankeedii yaraa oo meel fadhiya. Wuu salaamayaa. Ka dib sheekadan ayaa dhexmaraya: - Goormaad dhismahan soo degteen? - 1 sano iyo 3 bilood ka hor. Waqtigaas oo aan noqday carmal ka dib markii ninkaygii iga dhintay. - Alle ha u naxariisto. - Markii hore aniga, ninkayga iyo Carruurtayduba waxa aan ku noolayn guri kiro. Ninkayga ayaa shaqayn jiray. Balse markii uu dhintay, kiradii baan bixin kari waynay, markaas waxa qasab noqotay inaan halkan u soo guuro. Haddana halka ayaan aniga iyo 6 carruura oo aan dhalay aan ku noolnahay. - Dugsi ma dhigtaan? - Haa. - Ma maalgelin agoomeed baa lagaga bixiyaa? - Maya, ma jirto maalgelin agoomeed. Hooyadu waxa ay xusaysaa in dayn lagu leeyahay, baahi badanna ay qabto. Intaas ka dib Qays gabadha waxa uu siinayaa hadiyad. Waa envelope xidhan oo wax ku jiraan. Wuxuuna ku leeyahay fur oo fiiri. Waxa ku jirta lacag ay daynta iskaga bixin

Turjumaadda Barnaamijka Qalbi Idma'an ee Qays Xalqadda 12aad: Dadka waawayn

Image
  Qays waxa uu bilaabayaa barnaamijkii khayrigii. Waxa uu la sheekaysanayaa oo caawinayaa oday wayn. Haddaba si uu odayga wayn u caawiyo waxa uu isku dayayaa inuu niyadda u hagaajiyo oo aanu dareensiin inuu caawinayo. Ka dib goob shaqo ayuu kaga horraynayaa. Odayga ayaa goobta imanaya, wuxuu leeyahay ' Halkuu tegay inankii dhallinyarada ahaa?' Qays baa odhanaya ' Anigaa jooga Sheekh.' Ka dibna Qays baa ku odhanaya ' Halkan soo istaag adeer, si aad biyaha iskaga ilaalisid.' Odaygu waa in da' ah. Waa bilaa shaqo, wax taageero ahna ma helo. Laba qalliin oo Wadnaha ah ayuu galay. Ka diba hadalladan ayaa dhexmaraya: - Iska warran? - Alxamdulilaah. - Magacaa, Xaaji? - Abuu Mustafe. - Maxaad qabataa? - Walaahi waan iska shaqeeyaa uun. Bas baan lahaan jiray oo ku shaqayn jiray, Baskiina bil iyo badh ka hor ayuu gubtay. Haddana wax shaqo ah ma hayo. - Adeer fadhiiso. - Maxaad rabtaa inaad ka shaqaysid? - Waxa aan raadinayay in aan gaadhi ku iibsaso haafto, oo aan bil

Turjumaadda Barnaamijka Qalbi Idma'an (-قلبي اطمأن ) Xalqadda 11: Qoysaska La Illaaway

Image
  Qays waxa uu bilaabayaa farxaddiisii guusha. Hawshii khayriga ahayd ayuu halkii ka sii wadayaa. Markan waxa uu ka fulinayaa dalka Urdun. Wuxuu u tegayaa gabadh dharka tosha oo dawaarlay ah. Qays si aanay u fahmin inuu caawinayo wuxuu kaga sii horraynayaa goobteedii shaqada. Wuxuu iska dhigayaa qof cusub oo raba inuu halkan dawaarle ka samaysto. Ka dibna way soo galaysaa. Wuu salaamayaa, wuxuuna ku odhanayaa soo dhawaw, oo fadhiiso. Way fadhiisanaysaa, ka dibna wada sheekaysigan ayaa dhexmaraya: - Iska warran? - Alxamdulilaah. - Waad habsaantay. - Waxa aan shaqeeyaa 10ka aroornimo ilaa 10ka habeennimo. Gabadha magaceeda waxa la yidhaahdaa Shaymaa. Waa haweenay carmala, waxa ay heshaa oo soo gala dakhli yar oo xaddidan. Qoys bay masuul ka tahay oo iyadu biilisaa. Shaqadeeduna uma saamaxdo inay inankeeda aragto. Qays waxa uu ka codsanayaa Shaymaa inuu u soo dhawaado, si uu u maqlo, waayo markan ma maqlayn. Ka dib hadalladan ayaa dhexmaraya: - Halkanaan ka shaqeeyaa, iimana s

Turjumaadda Barnaamijka (Qalby Etman-قلبي اطمأن ) Xalqaddii 10 aad: Dadka Baahan

Image
  Qays waxa uu bilaabayaa safarkiisii caawinta. Markan waxa uu khayrka ka fulinayaa dalka Masar. Waxa uu u tegayaa nin sandaqad yar ku jira. Magaciisa waxa la yidhaahdaa Samiir. Samiir waa oday 67 sano jir ah, waxa uu masuul ka yahay qoys dhan. Waxa u hoy ah waddooyinka, xanuunno badan baa haya oo uu qabaa. Samiir debadda ayuu ugu soo baxayaa. Hadalladan baa dhexmaraya Qays iyo Samiir: - Iska warran? - Alxamdulilaah. - Maxaad samaynaysay? Ma Shaah mise Kofee? - Shaah iyo Kofeeba waan iibinayay. - Waxbaa la iga xaday. - Yaa kaa xaday. - Tuugta, aqalkan ayay xagga danbe ka jabsadeen. - Goormay jabsadeen? Ma maanta? - Maya, maalmihii u danbeeyay ee Ciidda Fidriga. Alle ha iiga aaro. - Waxkastaa way hagaagayaan. - Adigu ma Suuriyaad ka timid? - Maya, Imaaraadkaan ka imid. - Waa dad wanaagsan, waan ku faraxsanahay inaan kula kulmo. - Waqti intee leeg baad halkan ku noolayd? Gurigan adigaa leh miyaa? - 6 carruura ayaan leeyahay. - Gurigan ka hor halkeed ku noolayd? - Waxa aan ku Webiga agaga

Turjumaadda Barnaamijka Qalbi Idma'an ee Qays Xalqaddii 8aad: Dadka Qaxootiga ah

Image
Qays waxanuu bilaabayaa mashruucii Khayriga ahaa, wuxuuna markan ka fulinayaa dalka Urdun. Waxa uu tegayaa teendhooyin ay dadka qaxooti ahi degganyihiin. Waxa uu u tegayaa Haweenay wax dubaysa, inanteediina ag fadhido. Wuu salaamayaa. Hadalladan ayaa dhexmaraya: - Iska warran? - Alx. - Waxa ay noo sheegeen inaad Qureec samaynaysid. - Haa. - Inantan ma adigaa dhalay? - Haa, waa inantaydii oo anigaa dhalay. - Magaceed? - Islaam. - Waa magac wanaagsan. Qureeca aad samaynaysaa waa maxay? - Khubus baan dubayaa qureecda. - Dadka oo dhan halkan ma waxbay dubaan? - Dadka mooyaane, anigu waan dubaa. Dadka qaar waxa ay ii sheegeen in ayna daqiiq ba haysan, oo aniga ayay inyar iga qaataan. Halka Dadka qaar kalana aniga daqiiq ii keenaan. - Inantaadan Islaam maalinkasta ma khubusta ayay cuntaa? Ka dib Qays wuxuu hadda waraysanayaa inanta yar, hadalladan ayaa dhexmaraya: - Islaameey runta ii sheeg oo khubusta ma cuntaa? - Haa. - Qadada maxaad cuntaa? - Isla shaygaas hore uun. - Cashadana? - Isla sh

Turjumaadda Barnaamijka Qalbi Idma'an (قلبي اطمأن ) ee Qays iyo Somaliland: Sh. Cabdirisaaq Albaani iyo Qays, Hargeysa.

Image
  Samafale Qays Sannadkii 2020kii waxa uu yimid Somaliland oo uu ka fuliyay barnaamijka khayriga ah ee Qalbi Idma'an. Dadkii uu caawiyay waxa ka mid ahaa Sh. Cabdirisaaq Albaani, oo hadda ah Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, oo waqtigaas ahaa shicib iyo sheekh caadiya. Marka hore Qays waxa uu ka warramayaa cidda uu yahay Sh. Cabdirisaaq, wuxuuna leeyahay " Cabdirisaaq waxa uu masuul ka yahay qoys ka kooban 17 xubnoo. Sidee hal qof dadkaas oo dhan u dabooli karaa baahidooda, haddii qofkastaa maalintii u baahanyahay $1.9..." Sidii caadada ahayd Qays waxa uu bilaabayaa barnaamijka. Wuxuuna tegayaa oo garaacayaa albaabka guriga Sh. Cabdirisaaq. Waxa albaabka ka soo baxaya Cabdirisaaq iyo sheekh kale. Hadalladan ayaa dhexmaraya: - Iska warran, Sheekh? - Alxamdulilaah. - Waxa la ii sheegay inuu halkan joogo qof Carabiga ku hadla. Waxaanan u sheegay inaan qofkaas u tegi doono. - Soo gal gudaha. - Maya, Allah ha ku barakeeyee ma rabo inaan ku kadeedo. - Su'a