Turjumaadda Barnaamijka Qalbi Idma'an (قلبي اطمأن ) ee Qays iyo Somaliland: Sh. Cabdirisaaq Albaani iyo Qays, Hargeysa.

 



Samafale Qays Sannadkii 2020kii waxa uu yimid Somaliland oo uu ka fuliyay barnaamijka khayriga ah ee Qalbi Idma'an. Dadkii uu caawiyay waxa ka mid ahaa Sh. Cabdirisaaq Albaani, oo hadda ah Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, oo waqtigaas ahaa shicib iyo sheekh caadiya.

Marka hore Qays waxa uu ka warramayaa cidda uu yahay Sh. Cabdirisaaq, wuxuuna leeyahay " Cabdirisaaq waxa uu masuul ka yahay qoys ka kooban 17 xubnoo. Sidee hal qof dadkaas oo dhan u dabooli karaa baahidooda, haddii qofkastaa maalintii u baahanyahay $1.9..."

Sidii caadada ahayd Qays waxa uu bilaabayaa barnaamijka. Wuxuuna tegayaa oo garaacayaa albaabka guriga Sh. Cabdirisaaq. Waxa albaabka ka soo baxaya Cabdirisaaq iyo sheekh kale. Hadalladan ayaa dhexmaraya:
- Iska warran, Sheekh?
- Alxamdulilaah.
- Waxa la ii sheegay inuu halkan joogo qof Carabiga ku hadla. Waxaanan u sheegay inaan qofkaas u tegi doono.
- Soo gal gudaha.
- Maya, Allah ha ku barakeeyee ma rabo inaan ku kadeedo.
- Su'aal baan ku wayddiinayaa?
- Haye.
- Dalkan shaqo ma ka heli karaa? Shaqo ayaan raadinayaaye?
- Shaqo aa? Wallaahi haddii aan kuu daacad warramo halkan fursado shaqo oo badani ma jiraan. Balse, haddii aad xirfad iyo aqoon leedahay Fiilal badan baad ka shaqayn kartaa, waxaana laga yaabaa inaad shaqo heshid. Balse, way adagtahay inaad halkan shaqo ka heshaa.
- Way adagtahay miyaa?
- Haa, way adagtahay?
- Alle ha inna caawiyo. Markaas maxaad igula talinaysaa? Maxaan halkan ka shaqayn karaa?
- Maxaad qaban kartaa, ee aad aqoonteedii leedahay eed garanaysaa?
- Waxa aan ku shaqeeyaa Cilmiga Barashada Dadka ( Anthropology), waxaanan cilmigaas Anthropology ga.
- Isku bandhig oo isbar shirkadaha waawayn, waxa laga yaabaa C.V gaaga wayn markay arkaan inaad shaqo ka heshid, ama waabad waayi kartaa, waa nasiib uun.
- Alle ayaan mahadinaynaa markasta. Shay aanan filayn ayaa igu dhacay, wuxuuna iga dhigay shaqal'aan.
- Halkeed ka timid?
- Waxa aan ka imid Imaaraadka. Halkan ganacsi ayaan u imid. Waxa aan koox dhalinyaro ah, balse ganacsigu si fiican nooguma shaqayne waan khasaarnay.
- Waxa laga yaabaa inaad shaqo heshid ama waydid ba. Balse, dalka kama jiraan Fiilal kala duwan oo laga shaqeeyaa. Balse, haddii aad fekrad cusub haysid waad shaqayn kartaa, waayo waxa jira waxyaabo badan oo ayna dadku garanayn.
- Maxaad qabataa, Sheekh?
- Macallin baan ahay.
- Halkeed macallinka ka tahay?
- Waxa aan macallin ka ahay Masaajid halkaas ah ( fartuu ku tilmaamayaa).
- Maxaad dhigtaa, Quraanka miyaa?
- Haa, Quraankaan dadka baraa.
- Haa, waa sababta Carabigaagu mid wanaagsan u yahay.
- Immisa carruuuraad leedahay?
- Waxa aan leeyahay carruur badan, 14 carruura. Laba xaas ayaanan qabaa.
- Ka warran nolosha?
- Noloshu way adagtahay. Balse, Alle ayaan mahadinaynaa oo u ku kalsoonnahay, Alle ayaa wax qaddara oo jaangooya.
- Anna mabda'aas qaddarka Alle ayaan kula qabaa. Hadda shaqada kaliya ee aad qabatid ma Quraan dhigis baa?
- Haa, waa taas keliya. Bes.
- Ma Quraan dhigista ayaad 14ka carruura ugu shaqaysaa?
- Haa.
- Markaa ma ku filantahay?
- Maya.
- Haddayna ku filnayn maxay kale ee aad qabataa?
- Mararka qaar Suuqa xoolaha ayaan tegaa oo waxa aan ahay dhexdhexaadiye iyo dillaal.
- Markaa waxbaad iibisaa miyaa?
- Mar hal lax ayaan iibiyaa, oo qofkaas ayaan lacagta ka qaadaa. Ka dibna sidaas ayaan u shaqeeyaa.
- Halkeen ka heli karaa meel aan seexdo?
- Annagaa ku soo dhawaynayna, annagaad nala joogaysaa. Waxa aan ku siinaynaa qol, annagaad wax nala cunaysaa oo nala noolaanaysaa. Sidii dadkii Madiina u soo dhaweeyeen Muhaajiriintii Maka oo kale.
- Alle ha ku barakeeyo. Ma rabo inaan ku cusleeyo.
- Maya, wallaahi ima cuslaynaysid. Arrintan waxa annu u aragnaa meel farxaddu ka timaaddo.
- Sheekh, hadda waxa aan rabaa inaan iska tago.
- Lanbarkaaga ii sheeg, waan kula soo xidhiidhayaa, si wanaagsanna waanu kaa yeelaynaaye.
- Ma rabo inaan dhibaato kugu sababo.
- Waan khajilayaaba oo illaa hadda cadceedda ayaad taagantahay, aad bayna u kulushahay. Marti baad tahay, waa in si wanaagsan laguu sooraa.

Cabdirisaaq waa: 61 sano jir, wuxuu helaa dakhli kooban, dayn baa lagu leeyahay, wuxuuna leeyahay 14 carruura.

Ka dib Cabdirasaaq baa wayddiinaya " Magaciisa?" Wuxuuna odhanayaa " Qays baa la I yidhaahdaa." Qays baa ku odhanaya su'aal baan ku wayddiinayaa " Waa maxay riyadaadu?" Cabdirasaaq baa leh " Waa inaan guri helo." Qas baa leh" Gurigan maanad adigu lahayn?" Cabdirasaaq baa odhanaya " Maya e waa kiro. Oo labada guri ee aan degganahay ba waa KIRO." Qays baa ku odhanaya " Oo labada bixinta kiradooda ma awooddaa?" Cabdirasaaq baa leh" May, Wallaahi." Qays baa leh " Oo markaa dayn baa lagugu leeyahay miyaa?" Cabdirasaaq baa odhanaya " Lixdii bilood hal mar baan bixiyaa kirada haddii aan awoodo inaan ururiyo." Qays baa leh " Oo dadka guryaha lihi may kuu dulqaataan oo ku oggolaadaan?" Cabdirasaaq baa leh " Haa, way, ii dulqaataan. Oo dadka guryahay iska lihi dalka ma joogaane Qurbaha ayay joogaan. Sidaas darteed bay ii caawiyaan oo iigu oggolaadaan inaan ururiyo oo mar daynta bixiyo. Haddana way sii yara sheekaynayaan.

Ka dib Qays ayaa u sheegaya inuu u dhiibi doono warqad ay ku yaallaan xogo badan, ka dibna boorsadiisa ayuu uga soo saaraya Envelope, wuxuuna u sheegayaa in ay xogihiisu ku jiraan. Wuxuuna leeyahay " Akhri."

Qays baa odhanaya " Waad mahadsantahay marka hore. Anigu waxba uma baahni, wax shaqo ah na ma raadinayn oo uma baahni." Ka dibna waxa uu u dhiibayaa Bushqad ay lacagi ku jirto, wuxuuna ku leeyahay waxa ku jirta caawimo aad daynta iska bixisid.

Sh. Cabdirisaaq baa waxoogaa yara qiiroonaya. Ka dibna hab ayay isasiinayaan, Qays baa ku odhanaya " Gaadhigaa ma adigaa leh?" Cabdirasaaq baa odhanaya " Maya." Qays baa ku odhanaya " Hoo, furahan oo gaadhigan adigu qaado. Kuna shaqayso oo nolol ku samayso, halkii aad adhiga ka iibin lahayd."

Ka dibna Qays waxa uu u sheegayaa inuu iska socon doono, ka dibna way isdhunkanayaan. Intaas ka dib waxa muuqaalka ka muuqanaya Sh. Cabdirisaaq oo faraxsan.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?