Turjumaadda Barnaamijka Qalbi Idma'an ee Qays Xalqadda 13ad: Shaqo Khayriya


Qays waxa uu bilaabayaa barnaamijkii khayriga ahaa. Wuxuuna bilaabayaa farxad. Wuxuu u tegayaa hooyo iyo inankeedii yaraa oo meel fadhiya. Wuu salaamayaa. Ka dib sheekadan ayaa dhexmaraya:
- Goormaad dhismahan soo degteen?
- 1 sano iyo 3 bilood ka hor. Waqtigaas oo aan noqday carmal ka dib markii ninkaygii iga dhintay.
- Alle ha u naxariisto.
- Markii hore aniga, ninkayga iyo Carruurtayduba waxa aan ku noolayn guri kiro. Ninkayga ayaa shaqayn jiray. Balse markii uu dhintay, kiradii baan bixin kari waynay, markaas waxa qasab noqotay inaan halkan u soo guuro. Haddana halka ayaan aniga iyo 6 carruura oo aan dhalay aan ku noolnahay.
- Dugsi ma dhigtaan?
- Haa.
- Ma maalgelin agoomeed baa lagaga bixiyaa?
- Maya, ma jirto maalgelin agoomeed.

Hooyadu waxa ay xusaysaa in dayn lagu leeyahay, baahi badanna ay qabto.

Intaas ka dib Qays gabadha waxa uu siinayaa hadiyad. Waa envelope xidhan oo wax ku jiraan. Wuxuuna ku leeyahay fur oo fiiri. Waxa ku jirta lacag ay daynta iskaga bixin karto. Ka dib ilmo farxadeed ayay ooyaysaa.

Ka dib Qays wiilka yar ayuu dhegta ugu qabanayaa " Waxa aan kuu iibin doonaa kubbad aad ku ciyaartid."

Hooyadu waxa ay u sheegaysaa inuu ka farxiyay. Wayna u ducaynaysaa. 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?