Turjumaadda Barnaamijka Qalbi Idma'an ee Qays; Xalqadda 6aad: Qaxootiga Bilaa Hoyga ah


Xalqaddan Qays waxa uu tegayaa dalka Urdun. Waxa uu rabaa inuu caawiyo dadka barakacay ee qaxootiga ah. Waxa uu u tegayaa haweenay meel joogta. Waxa ay ag istaagayaan meel uu looxyada waawayn ( xaabada) iyo gaaska lagu iibiyo oo ay yaallaan. Qays waxa uu xidhanyahay dharkii shaqada. Wayddiimo ayuu wayddiinayaa. Hadalkan ayaa dhexmaraya:
- Maad shaqaysaa?
- Maya, waxa aan dalkan ku ahay Qaxooti.
- Halkeed ka timid.
- Suuriya.
- Waan ku faraxsanahay in aan ku arko.
Haweenayd magaceeda waxa la yidhaahdaa Warda. Waa qaxooti Suuriya ka soo qaxday. Waxba meel kama soo galaan oo dakhi ma leh. Ninkeedii wuu xanuunsanayaa, wax shaqo ah na ma hayo. Waxa ay deggantahay aqal kiro ah!
Qays waxa uu rabaa inuu faahfaahin ka helo Warda. Wuu waraysanayaa. Hadalladan hoose ayaa dhexmaraya:
- Inteed halkan joogtay?
- Illaa iyo 2013kii.
- Ma shaqaysaa?
- Maya hadda ma shaqeeyo, waayo ilmo yar ayaan naaska nuujiyaa. Carruurtayda kalana way yaryaryihiin oo kelidood kama tegi karo.
Halkan ay wada taagan yihiin waxa yaalla looxyo iyo Gaas. Maadaama ayna gabadhu shaqayn, Qays baa gabadhii waydiinaya " Ka warran haddii aad halkan ka shaqaysid? Oo aad looxyadan iyo Gaaskan nala iibisid?" Waxa ay u sheegaysaa inay ka shaqayn karto oo shaqadan qaban karto. Qays baa ku odhanaya " Iseed u shaqayn lartaa adiga oo ilmo yar naaska jaqaa xaafadda kuu joogo?" Waxa ay u sheegaysaa si kasta ha ahaatee inay ka shaqayn karto.
Ka dibna Qays baa kacaya oo u sheegaya inay Gaaska iibin doonto. Markaas ayay ku leedahay " Halkii xabbo ee qaybtaas Gaaska ah maxaan ku iibiyaa?" Ka dibna wuu u sheegayaa. Wuxuuna u sheegayaa inuu meel ugu qori doono qiimaha. Ka dibna Qays baa wayddiinaya " Shaqadani ma tahay mid kuu qalanta oo kugu habboon?" Warda ayaa leh " Haa, wax dhibaato ahi ma jirto." Ka dibna wuxuu wayddiinayaa " Maxaad shaqada ugu baahantahay?" Waxa ay leedahay " Waayo, carruur ayaan haystaa. Waanan murugaysanahay, oo aad ayay ii dhaawacaysaa." Ka dibna duruufteeda ayay uga warramaysaa. Waxa ay xusaysaa in ninkeedii xanuunsanayo, oo ayna awoodin wax ay dhakhtar ku geeyaan.
Waxyar ka dib haweenaydii murugo darteed ayay ooyaysaa. Ka dibna Qays baa soo saaraya Envelope. Wuu u dhiibayaa. Waxa ku jirta lacag, waxaana la socota farxad.
Asxaabtaadana la wadaag ama ku mentioned garee.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?