Turjumaadda Barnaamijka Qalbi Idma'an ee Qays Xalqadda 12aad: Dadka waawayn

 


Qays waxa uu bilaabayaa barnaamijkii khayrigii. Waxa uu la sheekaysanayaa oo caawinayaa oday wayn. Haddaba si uu odayga wayn u caawiyo waxa uu isku dayayaa inuu niyadda u hagaajiyo oo aanu dareensiin inuu caawinayo. Ka dib goob shaqo ayuu kaga horraynayaa. Odayga ayaa goobta imanaya, wuxuu leeyahay ' Halkuu tegay inankii dhallinyarada ahaa?' Qays baa odhanaya ' Anigaa jooga Sheekh.' Ka dibna Qays baa ku odhanaya ' Halkan soo istaag adeer, si aad biyaha iskaga ilaalisid.'

Odaygu waa in da' ah. Waa bilaa shaqo, wax taageero ahna ma helo. Laba qalliin oo Wadnaha ah ayuu galay.

Ka diba hadalladan ayaa dhexmaraya:
- Iska warran?
- Alxamdulilaah.
- Magacaa, Xaaji?
- Abuu Mustafe.
- Maxaad qabataa?
- Walaahi waan iska shaqeeyaa uun. Bas baan lahaan jiray oo ku shaqayn jiray, Baskiina bil iyo badh ka hor ayuu gubtay. Haddana wax shaqo ah ma hayo.
- Adeer fadhiiso.
- Maxaad rabtaa inaad ka shaqaysid?
- Waxa aan raadinayay in aan gaadhi ku iibsaso haafto, oo aan bilkasta wax bixiyo. Faysbuugga ayaan post soo dhigay aan ku sharraxayo xaaladdayda, waxba kama helin, waayo waxkastaa waxa uu u baahanyahay lacag, anna waxba ma helin, lacagta ugu yari waxa ay ahayd 300 Diinaar. Kuwa leh awooddii ay ku shaqayn lahaayeen shaqo u raadi.
- Sax.
- Qof waxa aad caawin kartaa hal mar, laba mar, ama saddex jeer, ka dib maxaa xigaya? Waa inuu helaa wax uu qabto oo lacag ka macaasho. Markaas isaga ayaa dadka kale caawin kara.

Qays waxa uu odayga u sheegayaa inuu shaqadan caawinta dadka kala shaqayn doono, ka dibna way istaagayaan oo waxa uu u tilmaamayaa waxyaabaha uu qabanayo sida caawinta ardayda, dhisidda masaajiddada, caawinta agoomaha, lacagta sadaqada IWM.

Waxa uu u sheegayaa inuu Qays yahay. Odaygii wuu u qaadan waayayaa, wuxuuna leeyahay waxa aan jeclaan lahaa inaad toddobaad ka hor is arki lahayn. Wuu farxayaa, farxad darteed ayuu ilmaynayaa. Ka dibna inta uu istaago ayuu dhunkanayaa.

Sheeko badan ka dib, Qays waxa uu dhiibayaa envelope ay ku jiraan lacag iyo farriin. Farriintu waxa ay tahay " Sayid Mustafoow, adigu farxad baad u qalantaa. Tani waa lacag adiga lagu siiyay, gaadhi aad ku shaqaysatana waad ku iibsan doontaa. Dadku way isku tiirsanyihiin." Ka dib odaygii ayaa kacaya oo sujuudaya. Alle ayuu u mahadcelinayaa. Intaas ka dib wuu istaagayaa, Qays ayuu aad ugu mahadcelinayaa.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?