Turjumaadda Barnaamijka (Qalby Etman-قلبي اطمأن ) Xalqaddii 10 aad: Dadka Baahan

 



Qays waxa uu bilaabayaa safarkiisii caawinta. Markan waxa uu khayrka ka fulinayaa dalka Masar. Waxa uu u tegayaa nin sandaqad yar ku jira. Magaciisa waxa la yidhaahdaa Samiir. Samiir waa oday 67 sano jir ah, waxa uu masuul ka yahay qoys dhan. Waxa u hoy ah waddooyinka, xanuunno badan baa haya oo uu qabaa.

Samiir debadda ayuu ugu soo baxayaa.
Hadalladan baa dhexmaraya Qays iyo Samiir:
- Iska warran?
- Alxamdulilaah.
- Maxaad samaynaysay? Ma Shaah mise Kofee?
- Shaah iyo Kofeeba waan iibinayay.
- Waxbaa la iga xaday.
- Yaa kaa xaday.
- Tuugta, aqalkan ayay xagga danbe ka jabsadeen.
- Goormay jabsadeen? Ma maanta?
- Maya, maalmihii u danbeeyay ee Ciidda Fidriga. Alle ha iiga aaro.
- Waxkastaa way hagaagayaan.
- Adigu ma Suuriyaad ka timid?
- Maya, Imaaraadkaan ka imid.
- Waa dad wanaagsan, waan ku faraxsanahay inaan kula kulmo.
- Waqti intee leeg baad halkan ku noolayd? Gurigan adigaa leh miyaa?
- 6 carruura ayaan leeyahay.
- Gurigan ka hor halkeed ku noolayd?
- Waxa aan ku Webiga agagaarkiisa. Inankayga wayna cunto ayuu noo raadin jiray. Hadda haddii uu noolaan lahaa 30 sano jir buu ahaan lahaa. Alle ayaa mahad leh. Waxkasta oo dhacay Alle ahaan mahadinayaa. Alle ha u naxariisto. Qaahira halkan way ka fogtahay.
- Adeer, inankaagu ma halkan ayuu ku dhintay?
- Haa.
- Alle ha u naxariisto. Gabadhan yar waa immisa jir?
- Waa hibo xagga Alle la iga siiyay, da'deeduna waa 11 sano jir.
- Dugsi ma dhigataa?
- Maya. Shaykastaa lacag ayuu u baahanyahay, Alle ayaan mahadinaynaa.
- Carruurtaadu dugsi mayna aadin?
- Maya, midna ma dhigto. Oo ma awoodo anigu. Kaliya waxa aan jeebkayga kunhaystaa lacag kaliya ii goysa 3 jawaan oo roodhiya.
- Muuqaal lagaa duubay ayaan Baraha Bulshada ku arkay, sidaas darteed ayaan kuugu imid.
- Haa.
- Maxaad rejaynayaa adeer Samiiroow?
- Waxa aan rejaynayaa wax aan ku koriyo Carruurtayda, gaar ahaan inantan yar.

Ka dib Qays boorsadiisa ayuu Envelope uga soo saaray, Samiir buu u dhiibay. Samiir baa dhunkanaya, aad buuna u farxayaa. Ka dibna inantiisii yarayd ayuu u dhiibayaa, inantii baa leh ' Waa maxay?' Wuxuu leeyahay ' Dharka aad rabtid ayaan kuugu soo iibin doonaa, adiga iyo walaalahaaga kalaba.' Ka dib Samiir wuu u ducaynayaa.

Intaas ka dib Qays waxa uu Samiir u dhiibayaa Envelope kale, wuxuuna ku odhanayaa ' Waxa aan kuu furi doonaa Tukaan.'

Samiir iyo inantiisuba aad bay u farxayaan. Inantu way la faraciyaaraysaa. Intaas ka dib Samiir wuu qooraqooraynayaa Qays, si wanaagsanna wuu ugu mahadcelinayaa.

Halkan ka daawo: https://www.youtube.com/watch?v=ludCpjAd5qQ

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?