Turjumaadda Barnaamijka Qalbi Idma'an ( قلبي اطمأن ) ee Qays ; Xalqadda 7aad: Dadka bilaa Hoyga ah

 

Qays waxa uu bilaabayaa mashruuciisii khayriga ahaa. Waxa uu rabaa inuu caawiyo dad ku nool xeryo qaxooti. Waxa uu tegayaa xeryo qaxooti. Waxa uu arkayaa oday wayn. Odayga magaciisa waxa la yidhaahdaa Madar. Madar waa oday soo barakacay, waxa uu ku noolyahay xeryaha qaxootiga. Wax dakhli ahi ma soo galaan. Gurigiisii iyo iyo shaqadiisii ba dagaallo ayuu ku waayay! Maanta gacma madhbaan ayuu ka joogaa. Qays baa doonaya inuu waraysto. Hadalkan baa dhexmaraya: - Iska warran? - Shaykasta waa saxdii. Naxariista Rabbi uun baan u baahannahay. Adigu ururkeed ka socotaa? - Waxa aan ka imid dalka Imaaraadka. - Soo dhawaw. Taageerradaada ayaan u baahanahay. Madar, Carabta ayuu ka cabanayaa, wuxuuna sheegayaa inay yihiin dad liita. Iyo sidoo kale inay waxyeello u gaysteen oo hantidoodii burburiyeen, carruurtoodiina dileen. Waxa kale oo Madar sheegayaa inuu ahaan jiray biroole. Waxa kale, oo uu sheegayaa in sannadkii 2014kii uu ku dhacay xanuunka la yidhaahdo Istarooggu. Madar carruur waxa uu haystaa kaliya hal wiil. Marka uu xaaladdiisa ka sheekaynayo Madar aad buu u murugoonayaa, wuuna ilmaynayaa. Qays baa ku odhanaya " Ka warran haddii aan gurigaagii kuu dhisno." Madar, waxa uu u sheegayaa inuu aad ugu baahanyahay. Qays baa ku odhanaya " Markaa maad iskaga tegi xeradan qaxootiga?" Madar baa leh " Haa, waan iskaga tegayaa. Waayo, halkan waxba kuma hayo." Ka dibna Qays baa ku odhanaya " Berri dad baa kuu iman doona, oo hawshaas dibucelintaada bilaabi doona." Madar wuu yaabayaa, wuxuuna u sheegayaa inuu aad ugu faraxsanyahay, waxa kale oo uu xusayaa in riyadan uu in badan lahaa, se maanta Alle u rumeeyay. Ka dibna Madar wuu farxayaa, wuxuuna leeyahay " Labada dal waa walaalo, hal mid baynu nahay, gurigaygii ayaan dib u dhisan doonaa, tukaankaygiina waan furan doonaa oo dib baan u soo ceshan." Wuu caawinayaa. Ka dibna wuu dhunkanayaa. Isaga oo faraxsan ayuu ka tegayaa. Muqaalka halkan ka daawo: https://www.youtube.com/watch?v=CvOd5gEZ9jI

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?