Turjumaadda Barnaamijka Qalbi Idma'an ee Qays Xalqaddii 8aad: Dadka Qaxootiga ah






Qays waxanuu bilaabayaa mashruucii Khayriga ahaa, wuxuuna markan ka fulinayaa dalka Urdun. Waxa uu tegayaa teendhooyin ay dadka qaxooti ahi degganyihiin. Waxa uu u tegayaa Haweenay wax dubaysa, inanteediina ag fadhido. Wuu salaamayaa. Hadalladan ayaa dhexmaraya:
- Iska warran?
- Alx.
- Waxa ay noo sheegeen inaad Qureec samaynaysid.
- Haa.
- Inantan ma adigaa dhalay?
- Haa, waa inantaydii oo anigaa dhalay.
- Magaceed?
- Islaam.
- Waa magac wanaagsan. Qureeca aad samaynaysaa waa maxay?
- Khubus baan dubayaa qureecda.
- Dadka oo dhan halkan ma waxbay dubaan?
- Dadka mooyaane, anigu waan dubaa. Dadka qaar waxa ay ii sheegeen in ayna daqiiq ba haysan, oo aniga ayay inyar iga qaataan. Halka Dadka qaar kalana aniga daqiiq ii keenaan.
- Inantaadan Islaam maalinkasta ma khubusta ayay cuntaa?

Ka dib Qays wuxuu hadda waraysanayaa inanta yar, hadalladan ayaa dhexmaraya:

- Islaameey runta ii sheeg oo khubusta ma cuntaa?
- Haa.
- Qadada maxaad cuntaa?
- Isla shaygaas hore uun.
- Cashadana?
- Isla shaygaas uun.
- Waxa aan rabaa inaan wayddiin ku wayddiiyo? Dadka oo dhan ma khubus bay cunaan aroortii?
- Haa.
- Mayna jirin dad aan haysan ba?
- Haa.
- Dadka aan haysan maxaan ka yeelnaa?
- Waxanaan siinaynaa daqiiq.

Ka dib, Qays wuxuu inanta yar u sheegayaa inuu hadiyad siin doono. Boorsadiisa ayuu gacanta gelinayaa, envelope ayuu ka soo saarayaa, wuxuuna ku leeyahay ' Hadiyaddan adigaa leh. Fur bal oo eeg.' Ka dib tayar baa waxay Leedahay ' Ma lacag baa ku jirta? Qays baa leh ' Adigu eeg, hooyadaa u dhiib.' Bac meesha taallay ayay dul dhigaysaa envelope kii. Qays baa u yeedhaya oo ku odhana wax kale oo ka muhiimsan baan kuu hayaaye ' Hoo.' Ka dib Qays wuxuu odhanayaa ' Umma Islaameey qofkasta oo Xeryaha deggan waxa uu heli doonaa daqiiq maalinkasta. Islaantii baa leh ' Alle ha kaa abaalmariyo.' Wuxuuna u sheegayaa inuu u samayn doono Bas maalinkasta xaafadda ugu keena.

Ka dibna wuu caawinayaa, wuuna ka tegayaa.

Halkan ka daawo: https://www.youtube.com/watch?v=uxtohFnvLkA

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?