Posts

Showing posts from December 9, 2018

Dar Iyo Waadaan

Soomaalidii hore waxa ay u badnayd dad miyiga deggan oo xoolo ku dhaqda, beero yaryarna fasha. Caadooyin wacan oo lala ashqaraaro ayay lahaayeen. Hadda way sii guuraysaa caadooyinkaasi badankoogii, walow qaarkood meelo badan ka jiraan. Miyiga hadda waxbadan oo dhaqankii hore ku saabsan ayaa caado u ah oo ay adeegsadaan. Xilliyo ayaa jira sannadka. Xilligu aad ayuu u saameeyaa xoolodhaqatada Miyiga ku nool. Guga roob ayaa u da’a oo waxbadan oo ay ubaahnaayeen  ka haqabtira. Balse, xilliga Jiilaalka ayay hawshu ku badantahay oo baylah badani timaaddaa. Baylahda timaaddana waxaa ugu wayn; Waraabka iyo Dhaanka. Waraabka xoolaha ayaa la arooriyaa oo meel biyo leh ayaa loo daydayaa, maadaama ay dhammaateen Harihii la cabbi jiray. Haraha ayay tuulo walba ku nooshahay xilliga roobka; Hartuna inta badan lama sibidheeyo oo marka roobku muddo joogo way ka raagtaa. Waxaa Jiilaalkii loo arooraa Barkadaha, oo iyagu biyaha waxoogaa kaydiya iyo ceelasha Riigga lagu dhuftay oo iyagu aan hore u dh

Noloshu waa Halgan Joogto ah

Image
1- Waa muhiim in aad wax akhridaa. Balse, waxaa ka sii muhiimsan in aad dooratowaxa aad akhriyayso. Waa muhiim in aad la noolaato fekrad rasmi ah; balse, waxaa ka sii muhiimsan inaad doorato fekraddii rasmiga ahayd. 2- Waa muhiim in aad mabda ’ la noolaato; balse, waxaa ka sii muhiimsan in aad doorato mabda ’ ii aad la noolaan lahayd. Waa muhiim in aad u loollanto mabda ’ a aad rumeysantahay. Balse, waxaa ka muhiimsan in aad fekradaha mabda ’ aaga u   beddesho kuwa waaqica la joogo [ la jaanqaadi karaya]. 3- Waa muhiim in aad dooddaa ( ama wax gorfeysaa), oo aad asaaggaa wax isdhaafsataan ( sida sheeko, dood, ama iswaraysi). Balse, waxaa ka muhiimsan in aad si wanaagsan u sugto (barato) fanka wadasheekaysiga iyo doodda, oo aad soo wanaajiso mustawaha hadalkaaga, misana aad barato fanniyada xidhiidhka bulshada. 4- Waa muhiim in aad dadka dhegaysataa. Balse, waxaa ka muhiimsan in aad siiso kalsooni aad ku dhegaysato. Dhegaysigu waa fan. Ujeeddaduna (Xikmadduna) maaha kaliy