Dar Iyo Waadaan



Soomaalidii hore waxa ay u badnayd dad miyiga deggan oo xoolo ku dhaqda, beero yaryarna fasha. Caadooyin wacan oo lala ashqaraaro ayay lahaayeen. Hadda way sii guuraysaa caadooyinkaasi badankoogii, walow qaarkood meelo badan ka jiraan. Miyiga hadda waxbadan oo dhaqankii hore ku saabsan ayaa caado u ah oo ay adeegsadaan.
Xilliyo ayaa jira sannadka. Xilligu aad ayuu u saameeyaa xoolodhaqatada Miyiga ku nool. Guga roob ayaa u da’a oo waxbadan oo ay ubaahnaayeen ka haqabtira. Balse, xilliga Jiilaalka ayay hawshu ku badantahay oo baylah badani timaaddaa. Baylahda timaaddana waxaa ugu wayn; Waraabka iyo Dhaanka. Waraabka xoolaha ayaa la arooriyaa oo meel biyo leh ayaa loo daydayaa, maadaama ay dhammaateen Harihii la cabbi jiray. Haraha ayay tuulo walba ku nooshahay xilliga roobka; Hartuna inta badan lama sibidheeyo oo marka roobku muddo joogo way ka raagtaa. Waxaa Jiilaalkii loo arooraa Barkadaha, oo iyagu biyaha waxoogaa kaydiya iyo ceelasha Riigga lagu dhuftay oo iyagu aan hore u dhammaan.
Waxaa loo arooraa meel aan dhawayn mararka qaar, sida meel Kiiloomitirro badan jirta oo kale. Balliyada aan dheerayn xooluhu way duljoogsadaan oo iyaga ayaa afkooga ku cabba intay duljoogsadaan. Walow qaarkood sii dhexgalaan Harta sida Lo’da oo kale. Hadday galaan way ka bixi karayaan maadaama aynna Hartu dheerayn aadna usii qodnayn. Balse, markay Barkad ama Ceel Riig noqoto xoolaha waalla waraabiyaa oo qofbaa wax ‘ Dar’ la yidhaa ugu shushuba. Darku waa labo mid uun: In Barkaddu leedahay oo dhinaceega markii Barkadda la dhisayay lagu sameeyay. Iyo in uu noqdo weel weyn oo la soo qaato oo Barkadda agteeda la dhigo.
Darkaa biyaha lagu shubayo ee xooluhu ka cabbayaan, qofna ugu shubayo wuxuu leeyahay wax la yidhaa ‘ Waadaan’─oo ah waxa qofka xoolaha waraabinayaa uu Barkadda ama Ceelka Biyaha kaga soo darayo ee uu kaga soo qaadayo, kuna soo gaadhsiinayo Darka. Waadaan iyo Dar ma kala maarmaan. Midi waa weelkii wax lagu cabbayay midna waa mulqaacaddii ama Qaaddadii lagu cunayay.
Xoolaha la waraabinayo qofbaa waraabinaya, qofna wuu u horaaa. ‘Horis’─waa marka xoolaha la waraabinayo kolba in ku filan darka la soo daayo. Markay hormadaasi cabto, hormo kale oo dibadda taagan ayaa la soo daynayaa…. Sidaasaa loo wadayaa illaa la wada cabbinayo xoolaha. Marka la cabbinayo xoolaha haddii ay dhammeeyaan inta loogu shubay darka intii cabbaysayna weli ku jiraan darka, qofkiinna ugu shubayo, caadina uga gaadhsiin waayo, waxaa loo yaqaan ‘ Darleef’─macno ahaan, darka wixii biyo ahaa ee ku jiray ayay dhammaysay Darkii oo madhanbay leeftay. Qofka ugu subayana waxaa la yidhaa ‘ Hebel, xoolihii wuu darleefiyay.’

Cabdirasaaq Sandheere

Semtemper, 2018

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?