Posts

Showing posts from April 24, 2022

Turjumaadda Barnaamijka Qalbi Idma'an Xalqadda 18

  Qays waxa uu bilaabayaa barnaamijkiisii khayriga ahaa. Markan waxa uu rabaa inuu caawiyo nin miskiina oo macallin ahaan jiray, se hadda shaqadii ka fadhiistay oo hawlgab noqday. Marka hore wuxuu ugu tegayaa gurigiisii, albaabka ayuu garaacayaa. Marka uu albaabka ka furo hadalladan ayaa dhexmaraya: - Salaamu Calaykum. - Wa calaykuma Salaam. - Adigu ma Cumar Mukhtaar baad tahay? - Haa. - Waxa aan maqlay inaad macallin ahaan jirtay? - Haa. - Hadda maxaad qabataa? - Hadda waxa aan ka shaqeeyaa Dugsi gaar loo leeyahay. Duruufuhuna way adagyihiin. Mushaharkaygu wuu yaryahay, guriga aan degganahay na waa kiro. Laba qof oo aan dhalayna Kooleej ayay ka qalinjebiyeen, balse shaqo may helin. Midi lugta ayuu ka dhaawacmay, waana inuu qaliin galo, balse lacagta lagu gelayo ayaa badan, annaguna ma awoodno. Alle ayaan k baryaynaa inuu ba caawiyo. Gurigaygii ayaad hortaagan tahee fadlan soo gal gudaha. - Insha Allah waynu geli. Balse marka hore hadiyad ayaan ku siinayaa. Ka dib Qays boorsadiisa ayuu

Turjumaadda Barnaamijka Qalbi Idma'an Xalqadda 17: Kafaalaqaadidda Dadka Xanuunsanaya

Image
  Qays waxa uu bilaabayaa barnaamijkii khayriga ahaa. Markan waxa uu ka fulinayaa dalka Masar. Marka hore waxa uu sii fadhiisanayaa meherad. Wuxuuna iska dhigayaa qof meesha ka shaqeeya. Waxa u soo galaysa haweenY. Magaceeda waxa la yidhaahdaa Jiihaan. Waa haweenay qoys dhan ka masuul ah, waxa ay haysaa laba ilmood oo xanuunsanaya, dayn badanna waa lagu leeyahay. Wuu salaamayaa, Ka dib waraysigan ayaa dhexmaraya: - Maxaad ka shaqaysaa? - Warshad baan ka shaqayn jiray. Balse, markii ay inantaydu xanuunsatay ayaan iska joojiyay shaqadii. - inantaada maxaa ku dhacay? - Ma awoodo inay socoto hadda, oo muddo 6 sano ah ayay lugaha ka xanuunsanaysaa. - Hadda wax shaqo ah ma haysid miyaa? Oo ma shaqaysid? - Waxa aan kiraystay meel dharka lagu tolo, oo halkaas ayaan ka shaqaystaa. Qays, maadaama uu rabo inay shaqayso waxa uu ka codsanayaa inuu u sharraxo sida loo shaqaynayo. Wuu istaagayaa, ka dibna wuu u sharraxayaa. Waxa uu u sheegayaa qaabka wax loo kala dabbarayo. Marka hore wuxuu ku leeyah

Turjumaadda Barnaamijka Qalbi Idma'an Xalqadda 16: Caafimaadka

Image
  Qays, waxa uu bilaabayaa barnaamijkii khayriga ahaa. Markan waxa uu ka fulinayaa dalka Ciraaq. Waxa uu u tegayaa nin da' dhexaad ah. Wuu salaamayaa. Waxa uu doonayaa inuu waraysto. Ninka magaciisa waxa la yidhaahdaa Saddaam. Saddaam waa bilaa shaqo, waana bilaa dakhli. Waxa uu ka masuulyahay qoys ka kooban 9 qof. 5 ka mid ah carruurtiisii wuxuu ku waayay sabab xanuun darteed. Waraysigan ayaa dhexmaraya: - Halkan shaqo ayaad joogtaa, sax? - Haa. - Waxa la ii sheegay in shaqadu tahay Najaar. - Haa, waxayna ii sheegeen inay u baahanyihiin Nijaar. - Waxba ma akhridaa, ama ma qortaa? - Maya, inyar baan akhriyaa, adeerkay iima oggolaan inaan dugsi dhigto. - Hadda ka hor ma waxaad ku shaqayn jirtay Nijaar? - Maya, weligay hore ugu ma shaqayn. - Wax ku saabsan nijaarnimada ma taqaannaa? - Maya, waxba kama aqaan. Waxaanse isku dayayaa inaan waqti badan geliyo oo barto. Ka dib Qays waxa uu u sharraxayaa habka loogu shaqeeyo qalabka, kuwa looxyada, iyo najaarku ku shaqeeyaba. Qa

Turjumaadda Barnaamijka Qalbi Idma'an Xalqadda 15aad: Bixinta Shaqada Khayriga ah

Image
Qays waxa uu bilaabayaa barnaamijkii khayriga ahaa. Markan waxa uu ka fulinayaa dalka Ciraaq. Wuxuu bilaabayaa farxad iyo badhaadhe cusub. Isaga oo waddada maraya ayuu la kulmayaa nin meesha isna socday. Way isa salaamayaan. Ka dibna wuxuu leeyahay ' Magacaa?' Wuxuu u sheegayaa Ibraahin. Ka dibna sheekadan ayaa dhexmaraysa: - Ma halkanaad ka shaqaysaa Ibraahiimoow? - Maya, halkan kama shaqeeyo. Waan shaqeeyaa se halkan kama shaqeeyo. - Halkee? - Waxa aan ka shaqeeyaa meel u dhaw Isbaradaa oo ah Cisbitaalka la yidhaa Al Maajid, waxaanan ahay ilaaliye ama waardiye. - Ma maalinta oodhan ayaad shaqaysaa? - Haa, maalinkasta. - Hadda halkeed tagaysaa? - Guriga ayaan tegayaa. - Guriga aa? Shaqadii ma dhammaysay? - Maya, saaxiibkay baa iigu wacay inaan la kulmo. - Ma waxa aad leedahay qof baa isoo wacay, iguna yidhi ila kulan. - Haa. - Immisa jir baad tahay? - Waxa aan ahay 24 sano jir. - Ma guursatay? - Waan mehersaday, se weli ma aroosin. - Sabab? - Dee lacag ma haysto, Alle ayaan ka