Turjumaadda Barnaamijka Qalbi Idma'an Xalqadda 17: Kafaalaqaadidda Dadka Xanuunsanaya

 


Qays waxa uu bilaabayaa barnaamijkii khayriga ahaa. Markan waxa uu ka fulinayaa dalka Masar. Marka hore waxa uu sii fadhiisanayaa meherad. Wuxuuna iska dhigayaa qof meesha ka shaqeeya. Waxa u soo galaysa haweenY. Magaceeda waxa la yidhaahdaa Jiihaan. Waa haweenay qoys dhan ka masuul ah, waxa ay haysaa laba ilmood oo xanuunsanaya, dayn badanna waa lagu leeyahay.

Wuu salaamayaa, Ka dib waraysigan ayaa dhexmaraya:
- Maxaad ka shaqaysaa?
- Warshad baan ka shaqayn jiray. Balse, markii ay inantaydu xanuunsatay ayaan iska joojiyay shaqadii.
- inantaada maxaa ku dhacay?
- Ma awoodo inay socoto hadda, oo muddo 6 sano ah ayay lugaha ka xanuunsanaysaa.
- Hadda wax shaqo ah ma haysid miyaa? Oo ma shaqaysid?
- Waxa aan kiraystay meel dharka lagu tolo, oo halkaas ayaan ka shaqaystaa.

Qays, maadaama uu rabo inay shaqayso waxa uu ka codsanayaa inuu u sharraxo sida loo shaqaynayo. Wuu istaagayaa, ka dibna wuu u sharraxayaa. Waxa uu u sheegayaa qaabka wax loo kala dabbarayo. Marka hore wuxuu ku leeyahay albaabka ayaa la furayaa marka dadka raba inay alaabta iibsada ay yimaaddaan. Wuxuuna u tilmaamayaa alaabtu sida ay u kala taaltaallo, ka dibna qiimayaasha ayuu u sheegayaa, shaykasta qiimihiisu wuu ku qoranyahay.

Ka dib wuu waraysanayaa. Duruufteeda nololeed ayay u sheegaysaa. Waxa ayna xusaysaa in ninkeedii ay muddo hore kala tageen. Sidoo kale waxa ay sheegaysaa in inanteedii Jaamacadda ka baxday lacagla'aan darteed, oo ayna hadda waxba dhigan. Duruufteeda darteed ayay la ilmaynaysaa.

Ka dib waxa uu iska saarayaa dharkii shaqada, gaad ahaanna koodhkii uu xidhnaa, wuxuuna u sheegayaa inuuna isagu halkan ka shaqayn. Se uu rabay inuu iyada caawiyo. Wuxuu wayddiinaya " Maxaad rejaynaysaa?" Waxa ay leedahay " Waxa aan rejaynayaa in aan daynta iska bixiyo. Inantaydana aan dawo u helo. Aanan u iibiyo dharka ay rabto. Waayo, inantayda 14 sano dhar uma iibin. Ka dibna ay gabadhaydu waxbarashada dhammayso. "

Boorsadiisa ayuu ka soo saarayaa Envelope. Envelope ka waxa ku jira farriin iyo lacag. Farriintu waxa ay tahay " Sayidat Jihaaneey, adigu farxad ayaad u qalantaa. Dayntaada waannu kaa bixin, waxaannu dammaanad qaadaynaa lacagta ku baxaysa dawada inantaada, waannu ku siini mashruuc aan kugu taageerayno. Dadku way isku tiirsanyihiin."

Ka dib wah ilmaynaysaa, ilmo farxadeed. Wayna u ducaynaysaa.

Halkan ka daawo: https://www.youtube.com/watch?v=qJtM4D045SI

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?