Turjumaadda Barnaamijka Qalbi Idma'an Xalqadda 18

 

Qays waxa uu bilaabayaa barnaamijkiisii khayriga ahaa. Markan waxa uu rabaa inuu caawiyo nin miskiina oo macallin ahaan jiray, se hadda shaqadii ka fadhiistay oo hawlgab noqday. Marka hore wuxuu ugu tegayaa gurigiisii, albaabka ayuu garaacayaa. Marka uu albaabka ka furo hadalladan ayaa dhexmaraya:
- Salaamu Calaykum.
- Wa calaykuma Salaam.
- Adigu ma Cumar Mukhtaar baad tahay?
- Haa.
- Waxa aan maqlay inaad macallin ahaan jirtay?
- Haa.
- Hadda maxaad qabataa?
- Hadda waxa aan ka shaqeeyaa Dugsi gaar loo leeyahay. Duruufuhuna way adagyihiin. Mushaharkaygu wuu yaryahay, guriga aan degganahay na waa kiro. Laba qof oo aan dhalayna Kooleej ayay ka qalinjebiyeen, balse shaqo may helin. Midi lugta ayuu ka dhaawacmay, waana inuu qaliin galo, balse lacagta lagu gelayo ayaa badan, annaguna ma awoodno. Alle ayaan k baryaynaa inuu ba caawiyo. Gurigaygii ayaad hortaagan tahee fadlan soo gal gudaha.
- Insha Allah waynu geli. Balse marka hore hadiyad ayaan ku siinayaa.
Ka dib Qays boorsadiisa ayuu gacanta gelinayaa. Wuxuuna uga soo saarayaa bushqad, wuuna u dhiibayaa. Waxaana ku jirta lacag. Wuu eegayaa wuuna u mahadcelinayaa. Qays waxa uu u sheegayaa in lacagtan uu inankiisa ku geeyo dhakhtar.
Ka dib wuu qooraqooraynayaa, wuuna u ducaynayaa. Ka dib farxad darteed ayuu la ilmaynayaa.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?