Turjumaadda Barnaamijka Qalbi Idma'an Xalqadda 15aad: Bixinta Shaqada Khayriga ah


Qays waxa uu bilaabayaa barnaamijkii khayriga ahaa. Markan waxa uu ka fulinayaa dalka Ciraaq. Wuxuu bilaabayaa farxad iyo badhaadhe cusub. Isaga oo waddada maraya ayuu la kulmayaa nin meesha isna socday. Way isa salaamayaan. Ka dibna wuxuu leeyahay ' Magacaa?' Wuxuu u sheegayaa Ibraahin. Ka dibna sheekadan ayaa dhexmaraysa:
- Ma halkanaad ka shaqaysaa Ibraahiimoow?
- Maya, halkan kama shaqeeyo. Waan shaqeeyaa se halkan kama shaqeeyo.
- Halkee?
- Waxa aan ka shaqeeyaa meel u dhaw Isbaradaa oo ah Cisbitaalka la yidhaa Al Maajid, waxaanan ahay ilaaliye ama waardiye.
- Ma maalinta oodhan ayaad shaqaysaa?
- Haa, maalinkasta.
- Hadda halkeed tagaysaa?
- Guriga ayaan tegayaa.
- Guriga aa? Shaqadii ma dhammaysay?
- Maya, saaxiibkay baa iigu wacay inaan la kulmo.
- Ma waxa aad leedahay qof baa isoo wacay, iguna yidhi ila kulan.
- Haa.
- Immisa jir baad tahay?
- Waxa aan ahay 24 sano jir.
- Ma guursatay?
- Waan mehersaday, se weli ma aroosin.
- Sabab?
- Dee lacag ma haysto, Alle ayaan ka rejaynayaa.
- Lacagtu way iska imanaysaa.
- Haa, se mushaharkaygu wuu yaryahay.
- Waxa aad u jeeddaa lacagta aan qaataa igu ma filna si aan ugu arooso.
- Haa, waxa ay ku baxdaa 13 cisho. Ka dibna wax lacag ahi iima soo hadho.
- Shay'yadu way fududaanayaan.
- Aabbahay wuxuu ii sheegay in da'diisii waynaatay, uuna rabo inuu arko carruurtii uu awawga u ahaa.
- Hadalkaa ma hooyadaa baa kugu tidhi mise aabbahaa?
- Maya, aabbahay.
- Ma waxa ay kuu sheegeen inaad hadda waynaatay oo ayna arag carruurtii aad ay awawga u ahaayeen?
- Haa.
- Halkeed ku nooshahay?
- Dhammaadka magaalada.
- ma adigaa iska leh guriga?
- Maya, dayn baan galay.
Ka dib Qays waxa uu u sheegayaa inuu u sido hadiyad. Boorsadiisa ayuu gacanta gelinayaa, wuxuuna uga soo saarayaa bushqad ay wax ku jiraan. Qays baa ku odhanaya " Ibraahimoow, hadiyad baan kuu sidaa.' Ibraahin baa odhanaya ' Gurigayga imo hadiyad baan ku siin aniguna e.' Ka dibna Qays hadiyadda ayuu u dhiibayaa, wuxuuna ku leeyahay ' fur' Ibrahin baa odhanaya ' Waa maxay waxani' Qays waxa uu u sheegayaa in Lacagtaas uu ku guursan doono, gurina ku dhiso. Ibraahin baa odhanaya ' Waa hadiyad qaaliya.' Ka dibna Ibraahin wuu ilmaynayaa, ilmo farxadeed ayuu ooyayaa.
Ka dib wuu qooraqooraynayaa, wuuna dhunkanayaa isaga oo faraxsan.
443
People reached
16
Engagements
-1.9x lower
Distribution score
1 Share
Like
Comment
Share

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?