Maxaynu ka baran karnaa QISADII NEBI YUUSUF?

Waxa aan in badan iswayddiinayay sirtii ka danbaysay in Nebi Yuusuf wanaag sameeyo oo dadka u wanaajiyo iyada oo haddana isagu yaraantiisii dhibaato soo arkay oo nolosha dhinaceeda xun uun usoo dhadhamiyay? Sidee qof wanaagsan u noqday isaga oo duruuf adag soo maray? Jawaabta waxa aan ka helay dhammaadka Qisada Nebi Yuusuf, Quraanku isaga oo ka warramaya Nebi Yuusuf wuxuu yidhi: “ Alle wayne ayaa i wanaajiyay…” Nebi Yuusuf dhibaatadaas uu la kulmay iyo caqabadahaas ba wuxuu u arkaa wanaag iyo Ixsaan xagga Alle ka yimid iyo in Alle u naxariistay. Nebi Yuusuf ma odhan maxaa la ii xidhay iyada oo la i dulmiyay, balse taas baddelkeeda wuxuu yidhi sida Alle xusay “ Alle wuu i wanaajiyay markii uu jeelka iga soo saaray...” Nebi Yuusuf isma wayddiin oo ma odhan maxay ‘ Maxay walaalahay waxaa iigu sameeyeen?’ Balse, wuxuu yidhi sida Alle ka warramay ‘.. Markii aniga iyo walaalahay shaydaan isku kaaya dhuftay…’ Xataa markii gabadhii boqorku damacday ee fidnadu ka ...