Posts

Showing posts from June 14, 2020

Sookoobidda Buugga “ 21 Lessons for 21st Century – 21ka Cashir ee Qarnigan 21aad”

Image
Hordhac Buuggan la yidhaa “21 Lessons for 21 st   Century – 21ka Cashir ee Qarnigan 21aad” waxa qoray Yuval Noah Harari. Yuval, waa aqoonayahan ku takhasusay Taariikhda Caalamka. Waa Yuhuudi. Wuxuu Ph.D ka qaatay Jaamacadda Oxford. Hadda wuxuu taariikhda ka dhigaa Jaamacadda Hebrew. Laba buug oo kale ayuu qoray. Mid waxa la yidhaa “ Sapiens: A Brief History of Humankin” Wuxuu kaga warramayaa tagtadii inna dhaaftay. Ka kalana waxa la yidhaa “Homo Deus: A Brief History of Tomorrow ” Wuxuu kaga warramayaa timaaddada iyo sida ay dadku u ekaan karaan. Buugtaasi waxa ay ka midyihiin buugta Caalamka loogu iibsiga badanyahay. Waxaa laga daabacay in ka badan 12 Milyan oo Nushkhadood. Waxaanna lagu turjumay in ka badan 40 Luuqadood. Buugga qaybta hore waxa uu ku sheegayaa inuu u hibeeyay NINKIISA! Waa Khaniis nin kale qaba. Buuggan 21 Lessons for 21 st   Century’ labadaas ayuu u dhexeeyaa, oo waxa uu kaga warramayaa waqtigan aynu joogno, iyo qarnigan aynu ku jirno. Wuxuu ka kooban