Posts

Showing posts from October 13, 2019

Safarkeygii Berbera Guud ahaan; Gaar ahaan Rugta Kutubta

Image
Booqashadaydii Berbera Waa xilli duhur ah, oo cadceeddu kulushahay. Hargeysa ayaan ka qadeeyay.Abbaaro 2:30 ayaan baxayaa oo Illaa Berbera u safrayaa. Waa Semtenber 07, 2019kii. Waqtigii markay gaadhay ayaan fuulay gaadhigii oo u baxay Berbera. Waa markii labaad ee aan gobollada bari u safrayo. Degmada Dacarbudhuq oo u dhexaysa Hargeysa iyo Berbera ayaannu Salaaddii Casar ku tukannay. Degmo dhismaysa oo aad u wacan ayay ahayd. Dhinaca koboca way ballaadhatay oo dhaqaale ahaan iyo ganacsi ahaan waxa aad dareemaysay inay magaaladu soo korayso. Marhore oo 2017kii ahayd socdaal aanku marayna sidan ma ahayn Dacarbudhuq oo way ka yara hoosaysay. Qofka marmaray ee canjaladda dib u celinayaa wuxuu dareemayaa inay sidii hore dhaanto, oo aynna habeenna habeen ku darayn.                                                             Waa Degmada Dacarbudhuq, Semtenber, 2019 Waddada ayaannu sii soconnay. Geedaha quruxda badan, beeraha, xoolaha iyo waxyaabaha indhaha u roon ayaan in m