Safarkeygii Berbera Guud ahaan; Gaar ahaan Rugta Kutubta



Booqashadaydii Berbera
Waa xilli duhur ah, oo cadceeddu kulushahay. Hargeysa ayaan ka qadeeyay.Abbaaro 2:30 ayaan baxayaa oo Illaa Berbera u safrayaa. Waa Semtenber 07, 2019kii. Waqtigii markay gaadhay ayaan fuulay gaadhigii oo u baxay Berbera. Waa markii labaad ee aan gobollada bari u safrayo.
Degmada Dacarbudhuq oo u dhexaysa Hargeysa iyo Berbera ayaannu Salaaddii Casar ku tukannay. Degmo dhismaysa oo aad u wacan ayay ahayd. Dhinaca koboca way ballaadhatay oo dhaqaale ahaan iyo ganacsi ahaan waxa aad dareemaysay inay magaaladu soo korayso. Marhore oo 2017kii ahayd socdaal aanku marayna sidan ma ahayn Dacarbudhuq oo way ka yara hoosaysay. Qofka marmaray ee canjaladda dib u celinayaa wuxuu dareemayaa inay sidii hore dhaanto, oo aynna habeenna habeen ku darayn.

                                                            Waa Degmada Dacarbudhuq, Semtenber, 2019
Waddada ayaannu sii soconnay. Geedaha quruxda badan, beeraha, xoolaha iyo waxyaabaha indhaha u roon ayaan in muddo ah isha ka raacraacayay oo sheedda ka daawanayay. Deegaannada hore ee Hargeysa u dhawi doog wacan ayay lahaayeen, oo cagaar wacan wuu ka muuqday. Se Berbera iyo agagaarkeedu aad bay u kululaayeen cawlaan aan doog ka muuqanna ishaa qabanaysay.
In door ah markii aannu magaalada u jirnay waxa na soo gaadhay HANFI daran, oo kulaylkii Hargeysi lahayd ka duwan, ama wax dheerba. Hanfigaasi waa kulayl xad’dhaaf ah, oo inta badan dhidid keena. Markii aannu magaalada Berbera u dhawaannay caadi baannu iskaga galnay. Meesha laga soo galo magaalada ( Control) wax dhibaato ah malaha oo rag tababbaran oo asluuble ayaa jooga. Saaxiibbaday Farxaan Rakad, iyo Cabdinaasir Afrika, ayaa magaalada igu so dhaweeyay. Hoteel weyn oo kuwa Berbera ugu waawayn ee jiifka ah oo ALLOORE HOTEL la yidhaa ayaan galabtiiba degay oo Boorsadii dhigtay.

                                                                   Waa Dekadda Berbera, Semtenber, 2019

Magaaladu kulayl bay ahayd, se aniga shakhsiyan kulayl kaa badan ma dareemin, oo waxbadan iima dheerayn kii xagaaga ee lagu jiray. Sida caadada ahna kulaylka iyo qabawga shakhsiyan markasta KULAYL kaan doorbidaa. Habeenkii magaalada ayaan lug iskaga dhexmaray. Dhawr sekadood oo kaladuwan ayaan kolba mid ka daba laabay.
Magaaladu waa magaalo dhisan. Dhinaca waddooyinka aad bay ugu horreysaa, oo waddooyin qurxoon oo si wanaagsan loo dhisay ayaa buux ah. Inta suuqa ma jirto waddo aan laamay ahayni. Been ma sheegin haddii aan idhaa Berbera waa magaalada ugu waddooyin qurux badan, ugun laamay wacan Soomaalilaan. Ta kale, ee aad ka iisoo jiidatay wax ay ahayd:
1-     Waddooyinka badankoogu waxa ay leeyihiin laba HAAD, oo siisocod iyo soosocod ah. Labadaa HAAD dhexdooda waxaa ku beeran dhir aad u qurxoon oo u badan timir. Waddada aad bay dhirtaasi u sii qurxiyeen, oo marka aad laamayda marayso indhahaagu aad bay ugu doogsanayaan. Waa waxyaabaha reer BERBERA dadka kaga ilbaxsanyihiin in WADDADA dhir lagu beero. Magaalooyinka Soomaalilaan, ma sameeyaan sidan. Haddii ay sameeyaanna waa dhif, oo aad bay u yartahay.
2- Meelkasta oo laba waddo, ama afar waddo ku kulmaan oo halbawle ahi, waxa ay leedahay meel GOOLAD ah, oo dhis qurux badan ayaa afartaa waddo kala dhawra oo kala ilaaliya. Walow, magaaalooyinka kalaba ay ka jirto haddana BERBERA aad bay ugu badantahay.

Aroortii waxa aan booqday dhisme weyn oo aad u qurxoon, oo kuwii hore aad uga duwan. Dhismahaasi waa kuwa ummadda habfekerkooga iyo madaxbannaanida qofeed lagu dhiso. Waxaa la yidhaa ‘ RUGTA KUTUBTA BERBERA.’ Waa Matxaf, Maktabad, Shaxan IWM. Dhinaca debadda aad buu u qurxoonyahay, meel ballaadhan oo ku filanna wuu ku yaallaa. Dhinaca guduhuna waa ashqaraar, oo sidaa muuqaalka haddii aynna ka wacnayn kama liidato. Waxa aan odhan karaa RUGTAASI waa mid bilic ahaan, iyo badhtame ahaan ba soojiidasho leh.

                                       Rugta Kutubta Berbera, aniga iyo Gud. Cabdinaasir Afrika, 2019
Dhismuhu laba dabaq, iyo xagga sare oo bannaan ayuu ka koobanyahay. Dhinaca hoose marka aad sidaa u gasho waxa ku yaallaa qaybtii soodhawaynta. Dad aad u firfircoon, oo soodhawayn iyo qalbi wanaagsan oo ilbaxa ayaa fadhiya, oo dadka soo dhaweeya. Qofku meesha uu u baahanyahay, iyo ujeedadiisa ayay ka caawinayaan, oo waxa ay u darbanyihiin caawinta iyo soo dhawaynta qofkii soo booqda.

Sidoo kale, dhinaca hoose waxaa ku yaalla HOOL aad u wayn, una qurxoon, oo qaab ahaan, iyo qurux ahaan soo jiidasho leh. Wuu ballaadhanyahay oo waynyahay. Ballac ahaan aad buu u ballaadhanyahay, iskuna dheellitiranyahay. Kuraasi aad u wacan, oo haddii aynna ka badnayn aan ka yarayn ayaad dhextaalla. Qaboojiyayaal waaweyn ‘ AC’ xilliga kulaylaha la shito ayaa buux ah. sidoo kale, Marraawaxado ayaa ku xidhan. Intii loo hagarbixi karayay waa loo hagarbaxay.

Bandhigyada kala duwan ee dhallinyarada hal’abuurka leh, ayaa si bilaash ah loogu qabtaa. Wax lacag ah lagama qaado. Qofkii buug qora, ha’abuur ganacsi wata, farshaxan kale, ama suugaan soo bandhigaya, iyo wax kalaba si furan oo bilaash ah ayay ugu soo bandhigaan. Waxa kale, oo dheer in ay wax ku qabsan karaan dhallinyarada gobollada, ama magaalooyinka kale ka timaadda. Labadaa oo la iskugu daray qofkii hal’abuurleh ee raba inuu bulshada la wadaaga si wacan baa loogu qabtaa iyada oo aan wax lacag ah laga qaadin. Waa arrin aad loogu farxo.

Muddadii aynna jirin RUGTU dhallinyarada joogta magaaladu may heli jirin goob sida tan u bilaash ah oo ay wax ku soo bandhigi karaan, ama ku cawayn karaan oo ku kala faa’ideysan karaan. Oo haddii ay helaanna lacag aan tiro yarayn ayaa laga qaadi jiray. Guddoomiyaha Rugta Cabinaasir Afrika, oo ka mid ahaa, haddana ka mid ah dhallinyarada hal’abuurka leh ee bulshada la wadaaga hal’abuurkooga, waxa uu ii sheegay ka hor RUGTAN bilaashka ah in dhallinyarada ay ku adkayd inay soo bandhigaan ha’abuurkooga kaladuwan. Oo lacag aad u farabadan kaliya HOOLKA lagu xidhi jiray. Sidaa daraadeed, uu yaraa soobandhigidda iyo dhaqdhaqaaqa dhallinyaradu. Se hadda aad iyo aad looga raystay arrintaa oo goob bilaash ah la helay. Aad iyo aadna uu ku kobcay hal’abuurkii magaaladu. Runtii qaadhaan wacan ayay ku darsadeen dhiirrigelinta dhallinyarada.

                                                     Waa Hoolka bandhigyada lagu qabto

Waxa dhismaha oo  waxyaabo badan  ka kooban, ku dhextaalla MAKTABAD aad u wayn. Maktabaddu waa Hool ballaadhan oo qaab aad u wacan loo dhisay, loona diyaariyay in wax lagu akhrisan karo. Kuraasi aad u deggan, iyo miisas wacan ayaa yaallla. Maraawaxado iyo laydh Akhriska loogu talagalay oo ku habboon. Hoolka Maktabaddu aad buu u qaabaysanyahay, waxa yaallaana kama liitaan. Waxa aad iisoo jiidatay in ay buugaagta qaab isleh oo tiro ku socota loo dhigay. Qofku kuma wareerayo, oo kolba Maaddada uu rabo uun buu khaanadeeda tagayaa, toos buu uga helayaa. Maaddo kastaa khaanad u gaar ah ayay leedahay, oo Sheekafaneedda, Cilmigabulshada, cilmiga Sayniska, Culuumta Diiniga, iyo culuumta kalaba midba daaqad gaar ah ayay leedahay. Tusaale ahaan, haddii aan rabo inaan akhristo sheekofaneed, waxa aan tagayaa khaanadda Sheekafaneedd

Sida caadiga ah, qof hage ah oo qofkii caawimaad u baahda caawinaya ayaa jooga Maktbadda. Qofkaas ayaa fadhiya inta badan, adeegaanna qaabbilsan.
Maktabaddu koboca iyo wacyiga bulshada qaadhaan badan ayay ku darsatay. Waxa aan arkayay muddadii aan joogay dhallinyaro farabadan oo labada gallin iyo habeenkiiba fadhiya Maktabadda oo wax ku akhrisanaya. Waa arrin aad loogu farxo, in dhallinyaradii ay helaan goobo dheeraada oo waqti kasta u furan oo ay wax ku akhrisan karaan.

Maktabadda buugaag noockasta ah ayaa taalla. Buugta taallaa 15,000 buug ayay kor u dhaafayaan. Dhinaca kale, Rugtu Istoodh wayn ayay leedahay. Istoodhkaa buugta taalla waxa lagu caawiyaa, oo la isku dayaa in la geeyo maktabadaha cusub ee aan buugaagta haysan, lagana furayo deegaannada kale, sida guddoomiyaha Rugtu ii sheegay. Dhawr Maktabadood oo Hargeysa, Sheekh, Caynaba IWM ayay buuxiyeen oo Rugtu buug farabadan ugu deeqday, sida uu Guddoomiye Cabdinaasir Afrika ii sheegay. Waa horumar ballaadhan, mudanna in cidkasta oo ku luglahayd lagu bogaadiyo.
Waxa iyagana aan marnaba illaawayn dhallinyaro ku xidhan, oo ka ogdhaw Rugta. Magaca la yidhaa waa ‘ Wehelka Rugta.’ Guddoomiye Afrika ayaa magaca bixiyay, oo magacaa wanaagsan ku magacaabay. Guddoomiyaha Rugta  Ustaad cabdinaasir Afrika ayaa tababbaray, oo waxbadan ka dhisay. Wiilal iyo gabdhaba way iskugu jiraan. Dhallinyaradaasi kolba wixii loo baahanyahay ayay RUGTA u qabtaan. Waa dhallinyaro iskood isku abaabulay, oo arrimahan akhriska iyo qoraalka u heellan. Waan bogaadinayaa.
Aniga, Wehelka Rugta, iyo Guddoomiyaha Rugt Mudane Cabdinaasir.

Berbera dhinaca akhriska, qoraalka, bandhigga hibooyinka IWM aad bay u soo kobcayaan. Magaalooyin badan way kaga horreysaa. Inkasta oo ay tahay magaalo ganacsi iyo dhaqaale, oo dalka dakhliga ugu badan soo galiso, dhinacan koboca garaadkana saamayn wayn ayay ku leedahay, oo RUGTA ayaa wax ku soo kordhisay. Rugtana waxa dhisay, oo gacanta ku haya Dawladda Hoose ee Berbera.
Duhurkii waxa aan tagay badda. Waa markii 1aad ee noloshayda aan bad tago, kuna dabbaasho! Waayo, meel bad ku dhawdahay ma deign waligay, xooladhaqato beerallay ayaan ahaa. Waxa ila socday saaxiibkey Farxaan Rakad oo I raacay. Si wacan ayaan ugu dabbaashay, oo waan ku nafisay. Waxa se aan aad ula dhacay MILIXDA badda oo aan in badan maqli jiray inaan soo arkay. Iyo in aan hirarka la sheego markii koowaad arkay. Magaaladu waxa ay leedahay xeeb ballaadhan, oo badda ayaa dhinac marta. Badda khayraad badan ayaa ka buuxa, Reer Berberana nasiib bay u heleen inay ku agyaallaan. Waxase arrin aad loogu farxo ah in ay magaalada ku taallo Jaamacad la yidhaa ‘ Jaamacadda Culuumta Badda’ oo bixisa aqoon la xidhiidha cilmiyada Badda.
                                     Aniga oo Badda ku dabbaalanaya markii koowaad noloshayda

Galabnimadii waxa aan booqday meelo badan. Waxa ugu mudnayd‘ Moofadii Cilmi-Boodhari’ oo  ku taalla xaafadda caanka ah ee Daaroole. Moofadu way ku sawirantahay, waana albaab qufulan oo meel ah. Sida ka xaqiijiyayna waa goobtii Abwaan Cilmi inantii uu jeclaaday ee Hodan uu roodhida kaga iibin jiray. Sida hadda la qorsheeyay ee la taagayna, meel ISGOYS ah ayaa laga dhisayaa MOOFADII, oo waaba la bilaabay oo dhismihii waa la dhisay, qurxintii uun baa hadhay. Abwaan Cabdinaasir Afrika, ayaa I hagayay. Moofadaasi waa astaan ay magaaladu leedahay, oo lagu garan ogyahay. Moofadana waxa lagu xusaa Aabbihii Jaceylka Cilmi Boodhari, oo sida la sheego jaceyl ba u dhintay. Abwaan Cabdinaasir Afrika ayaa ii sheegay inuu isagu fekerka iyo naqshadda lahaa, oo uu u gudbiyay Dawladda Hoose ee Berbera, iyaduna ay hirgalisay walina qurxintii ay ku fooggantahay.
                                                               Aniga oo taagan Moofadii Cilmi-Boodhari

Magaalada waxa xoog ugu badan, oo aad looga cunaa Kalluunka. Qiimihiisu ma badna, aad buu u jabanyahay marka magaalooyinka kale la eego. Cuntooyinka kale laftooda waa la cunaa, oo magaalada kuma yara. Qaab wacan baa loo sameeyaa cuntooyinka, oo Berbera magaalooyinka cuntada macaan ayay ku jirtaa.

Sidoo kale, waxa aan booqday Dekedda Berbera, oo ah halka ay Soomaalilaan wax uga soo dagaan. Dekeddu waa waa meesha ay wax ka soo galaan, waxna laga dhoofiyo Soomaalilaan. Il aad u muhiima ayay u tahay dhaqaalaha, iyo kobociisa. Waxaanna la yidhaa Soomaalilaan dhaqaalaheegu aad buu ugu tiirsanyahay Dekedda Berbera. Dekedda oo igu cusbayd aad baan u dhexmaray, oo u marmaray. Aad baan ugu mahadcelinayaa saaxiibkey Rakad oo meelo badan oo muhiimada Dekedda I tusay.
                                                        Aniga oo Dekedda Berbera jooga.

Aasaar ama raadad duug ah, iyo dhismayaal qadiimi ah ayaa ka muuqda meelo badan oo magaalada ah. Waxa ku yaalla Masaajid wayn oo qadiimi ah, lana dhisay berigii ay Cusmaaniyiintu talin jireen. Magaca hadda loo yaqaan waa ‘ Masaajidka Turkida.’ Turkish ayaa dhistay muddo hore. Masaajidka agtiisa waxaa ku yaalla guri wayn oo ah kii Ingiriisku berigii uu Soomaalilaan haystay ka talin jiray. Aad buu u qurux badanyahay.  Waxa isaguna meesha ka ag muuqda Aqalkii ay dawladda Cusmaaniyiintu ka arrimin jirtay.

Dhinaca kale,waxaa ku yaalla guri caan ah oo la yidhaahdo ‘ Qaxweji’, dhawaanna loo diyaarinayo in laga dhigo Duugaaldhigga (Matxafka) ugu ballaadhan dalka.

Berbera maaha magaalo hal maqaal oo kooban lagu soo koobi karo. Way ka ballaadhantahay. Marar kale ayaan isku dayi inaan si guud u abbaaro. Hadda se intaa aan ku soo afmeero.


W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
Semtenber, 2019

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?