Posts

Showing posts from May 27, 2018

Aayadaha Allekoodka!

Image
                                       Judha horaba markaad indhaha qac ku siiso isma odhanaysid waxanaa Aayado ah. Jidhkaa markaaba isdiidsiinaya oo qabandhacyoonaya; wuxuuna isku qancinayaa in ayna hadal Rabbi ahayn. Xataa qofka aan Qu’raanka dhigan wuu fahmayaa in ayna Aayado dhaba ahayne ay hadal bini’aadan yihiin. Hadallada noocan ah waxaa sameeya Allekoodka iyo walaallahood. Waxaanna qaadhaan ku darsata cidkasta oo Diinta ka biyadiidda oo afka intay ka sheegato (bayna bayna noqda) oo Allekoodka iyo Muslimiinta dhabta ah wax-u-kala qaada- munaafiqiin. Aayadaha Qur’aanka iyo guud ahaan hadalka Rabbi waa mucjiso aan wax lagu dherariyaa aannu dhalan. Cidday doonto ha ahaado, ci weli keentay Aayad la mid ah kuwa Qur’aanka lama hayo mana jirto. Muu shahaadaduu doono haysto MBA, PhD! Muu circa tago! Xaashaa bay ka tahay. Kuwan Ayadaha ay ka dhigayaan ee gacan-ku-rimiska ahi waxay ka soo fadhataysteen Aayado Qur’aan ah kitaabkeenna sharafta leh ka diwaangashan. Aayadda 3

Caqliga Iyo Naqliga Fekraha Baraarugsan

Image
                                        1-     Waddamadeenna waxaa kanbadhuudha kuwa la dagaalamaya caqliga, illaa haddana kamay tanaasulin. Caqligu naqli la’aan wuu anbanayaa; Diintana wuu ka baxayaa. Wuxuuna u sii siqayaa Sanaadiqada. Sidaasay in badan kaga warrameen Kutubtooda. Waxayna isku khaldeen ra’yiga ka soo fulaya caadifadda, iyo ra’yiga ka soo fulaya caqliga manhajaysan. 2-    Waddamadeenna waxaa laga helaa cid dagaal ku dhawaaqday oo caqligii kula dagaalsan magac Diineed. Xigtadii fekerka iyo caqligana waxay ku sifeeyeen Caqlaaniyiin. Caqlibadnihiina waxay ka dhigeen shayddaan la fogeeyay. Sidaasayna qulqulka Diinta dhexdeeda uga soo muuqdeen faaruq [abaar] feker, iyo dhoohanaan siyaasadeed. Sabobtuna waxaa weeyi caqligii manhajaysnaa ayaa ka maqan [waqtiga] la baranayo culuunta Islaamka. 3-    Wadamadeenna waxaa la arkaa yeedhmooyin lagu xoorayo caqliga oo lagaga saarayo manhajka. Caqligu wuxuu ka soo horjeedaa naqliga. Naqliga kaliya ayaa ah dariiqa Allah