Aayadaha Allekoodka!


                                      

Judha horaba markaad indhaha qac ku siiso isma odhanaysid waxanaa Aayado ah. Jidhkaa markaaba isdiidsiinaya oo qabandhacyoonaya; wuxuuna isku qancinayaa in ayna hadal Rabbi ahayn. Xataa qofka aan Qu’raanka dhigan wuu fahmayaa in ayna Aayado dhaba ahayne ay hadal bini’aadan yihiin.
Hadallada noocan ah waxaa sameeya Allekoodka iyo walaallahood. Waxaanna qaadhaan ku darsata cidkasta oo Diinta ka biyadiidda oo afka intay ka sheegato (bayna bayna noqda) oo Allekoodka iyo Muslimiinta dhabta ah wax-u-kala qaada- munaafiqiin.

Aayadaha Qur’aanka iyo guud ahaan hadalka Rabbi waa mucjiso aan wax lagu dherariyaa aannu dhalan. Cidday doonto ha ahaado, ci weli keentay Aayad la mid ah kuwa Qur’aanka lama hayo mana jirto. Muu shahaadaduu doono haysto MBA, PhD! Muu circa tago! Xaashaa bay ka tahay.

Kuwan Ayadaha ay ka dhigayaan ee gacan-ku-rimiska ahi waxay ka soo fadhataysteen Aayado Qur’aan ah kitaabkeenna sharafta leh ka diwaangashan. Aayadda 35 ee  Suuaratu Al-Axzaab, ee ah:
ان المسلمين والمسلمات والمؤمنين والمؤنات...............................اعد الله لهم مغفرة و اجرا عظيما
Iyaguna si ay daliil ugu helaan waxa ay aaminsanyihiin sidanay yidhaahdeen:
" ان الملحدين والملحدات والكافرين والكافرات........اعد الواق لهم حياة و علما مبينا"
Fiiri halkii “الله” ahayd waxa ay ku baddeleen “الواق” oo ah abuuraha ay aaminsayihiin. Kuwa kale oo ay Qur’aanka baddeleenna waan hayaa oo inta hu horraysa Suuratu Al-Mu’minuun ka mid tahay.
Halkan waxa ay i xasuusiyeen ninkii Nebinnimada sheegtay ee yidhi Qur’aan baa la igu soo dejiyay. Laye “ Maxaa lagugu soo dejiyay?” Kuye "الفيل* مالفيل* وما ادراك ما الفيل..." . Ninkan laftiisu muu keenin  wax cusube Aayado Qur’aan ah uun baa bedbeddelay, oo ah Aayada u horreeya Suuratu Al-Xaaqa.
Waxaa isaga waqtigii Nebigga hinaasay oo intuu jibbooday yidhi ‘ Waalla isoo diray” Ninkii Musaylamatal Kaddaab. “Oo yaa ku soo diray?” “ Allah baa isoo diray!” “ Maxaad ku caddaynaysaa in Allah ku soo diray?” I dhegaysta Aayadan ayuu igu soo dejiyeey:
 "يا ضفدع يا صفدع* نقي ما تنقين* لاالشراب تمنعين ولالماء تكدرين..." Wax kale iska daayoo gaaladii ayaa yaabtay wuxuu ku hadlay!
Waxa kale oo ay arrintani i xasuusinaysaa nin la yidhaa Cabiwaaxid oo  guguu galbaday 2017, ka soo baxay Dalka Suudaan oo Nebinnimo sheegtay. Isna wuxuu yidhi Nebi baan ahay la soo diray. Maxaa caddaynaya ayaa lagu yidhi: “ Qur’aan baa la igu soo dejiayay” ayuu yidhi. Dabadeed akhribaa la yidhi. Wuu bilaabay oo wuxuu yidhi: "طارفور*بلد جميل* فيه العبد الواحد وجعلناه من"
 المرسلين*...."Cabdiwaaxid laftiisu Aayada Qur’aana ayuu beddelay oo dhalanrogay lama iman wax cusub.

Nimankaasi iyo kuwa dhiggooda ahi waxa ay runnimadeeda sheegeen hadalka uu Rabbi ( 1439gu ka hor sheegay) ee uu yidhi markii uu Qur’aanka mucjisadiisa ka warramayay “ Haddii aad ka shikisantihiin waxa aan soo dejinnay, bal car suurad la mid ah uun keena, markhaatiyaashiinana u yeedha haddaad runsheegaysaan..” Suuradda Al-Baqara.

Maalmihii u danbaysay waxaan u dhugyeelanayay khuraafaadka ay hindisaan qolyahan aan kelida ahayn ee badani. Siro badanna way adeegsadaan oo niman sirtooda laga gundhaadhi karo maaha. Mararka qaar indhasarcaadkooda waabad dabadhaqaaqi haddaanad Diinta si fiican u aqoon.
Waxaan akhriyay maqaallo badan oo shaandhayn iiga baahday oo ciwaanno qurxoon intay u sameeyeen Aayadda saxa oo Kitaabka ku jirana soo daliishadeed ay kugu rogayaan oo adiga xataa si kale kula noqonaya haddaanad fahansanayn Aayadaha iyo tafsiirkooda. Waxayna ku soo koobaan: Kitaabkaaga ayay Aayadda noocaas ahi ku jiraan, waadigaa arkaya waxay sheegayso, haddaa tidhaa ma jirto waad gaaloobi sidayada; haddii kalana ma aayadda xukunkaa bini’aadannimada ka soo hojeeda  sheegaysa ayaad rumeynaysaa?! Waad kala hadli oo aad iskeebraaci haddaanad falsafaddooda fahansanayn.

Su’aalo falsafad u badan oo qiirojabbaan ah ayay kugu balfinayaan. Haddana way soo badanayaan oo degelkasta way joogaan, haba u badnaadaan Faysbuuggee.

Shaacsanahani Soomaalida wuu ku soo badanayaa oo sidii furuqa ayuu dhawaanahan u qarxay. xagga qurbaha ayuuna kaga soo fatahay isaga oo qorshaysan, dabadeed qolqolka ayuu ku waabbariistay oo wakaa imika marna bari ka hillaaca marna galbeed; mararka qaarna u kala goosha!
Aqoon maaddi iyo waxooggaa aqoondiineed way leeyihiin, inkasta oo qaar arday ahina ku jiraan. Waxayse ku jacdhigeen oo ay aad iyo aad u yaqaannaan dadka sida wax looga dhaadhiciyo, loo suuxiyo mararka qaarna qalbigooga loola wareego.

Kaliya waa baraarujin iyo in laga digtoonaado dhegaraha ay maleeggayaan iyo suntan ay laaqayaan ku hallaabiddeed iyo sumawgeeda.


W/Q: Cabdirasaaq Sandheere
 May 31, 2018 Ama Ramadaan 15, 1439

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?