Posts

Showing posts from May 29, 2022

Nolosha oo Laga Fahmo Dhinac Cusub

Image
Dadku waa laba jaad: Dad u nool si ay u noolaadaan nolol darteed, iyo dad u nool aragti darteed. Haddaba dadka aragtida u nooli waa waa laba nooc: Dad aragtida u nool se aan si dhammaystiran ugu qanacsanayn; iyo kuwo aragtida darteed la nool oo ay noloshooda oo dhan la wareegtay oo ay mulkiday. Kuwa hore aragtida ayay u noolyihiin, waayo way ka faa’idaysanayaan; kuwa labaadna aragtida ayay u noolyihiin, waayo aragtida ayuu ka dhex arkaa badhaadhaha, iyo waxkasta oo kale.  Dadku dhinaca habdhaqanka waa laba nooc: Qaar waa kuwo ka fekera maxaad hanti iyo magac ba kasban oo heli kartaa? Kuwa kalana waa qaar ka fekera maxaad kasban ee caqli, fekrad, iyo dadnimo ah? Kuwa hore waxa ay qiimaynayaan xidhiidhka aad adigu iyaga la yeelanaysid, waayo waxa aad muhiim u tahay jeebkooda. Kuwa kalana waxa ay qiimaynayaan xidhiidhka ay iyagu kula yeelanayaan; waayo waxa aad muhiim u tahay caalamka fekradahooda.   Hoggaamintu waa laba nooc: Waxa jirta hoggaamin ka fekerta uun awood, awoodduna

1 Sano Ka Dib Doorashadii Golaha Wakiillada Somaliland: Qiimayn Guud

Image
                                                        Hordhac           Waxa sannad buuro ah laga joogaa maalintii ay dhacday doorashii ay ku soo baxeen Golaha Wakiillada Soomaalilaan. Waxa ay dhacday 31kii May sannadkii 2021kii. Waxa ay ahayd maalin wayn oo Soomaalilaan taariikh ku leh. Maalintaas bulshada iyo musharraxiintuba si wayn ayay u sugayeen. Golahani waxa uu baddelay golihii ka horreeyay oo muddo badan kuraasida fadhiyay, muddo ku dhaw 11-12 sano oo aan sharci ahayn oo muddo kordhina ayay fadhiyeen golihii hore, oo sannadkii 2005tii ayaa la doortay. Shacabku way ka daaleen, oo inay ka daaleen waxa kuu caddaynaysa sida kuwa hadda la doortay loo yaqaanno looma aqoon, sida kuwa hadda la doortay kalfadhiyadooda loogu dhegtaado looguma dhegtaagi jirin. Cidiba iskuma mashquulin jirin. Haddaba golahan cusub rejo badan ayaa laga qabay, aad baana loogu hanwaynaa. Bulshaduna isbeddel ayay naawilaysay. Haddaba waa gar in la iswayddiiyo rejadii shacabka iyo wixii laga filaya

Helen keller: Gabadh Indhaha iyo Dhegahaba Naafo ka ahayd, Haddana Ph.D qaadatay!!

Image
  Maanta oo kale Juun 1, 1968kii, waxa ay ku beegantaytahay maalintii ay adduunyada ka guurtay qof muhiim ah oo sooyaal iyo taariikh lahaa. Waa maalintii ay dhimatay Helen keller oo gabadh indhaha iyo dhegahaba naafo ka ahayd! Maanta waxaa la xusayaa 54 Sannadguuradii ka soo wareegtay dhimashadii Helen. Waa maalin adduunka dad badan ku wayn. Sidoo kale Bishan maanta bilatay ee kowdeeda ay dhimatay Juun 27keeda waxa ay ku beegantahay maalintii ay dhalatay, oo loo aqoonsaday Helen Day, waxaanna ansixiyay madaxweynihii Maraykanka waqtigaa Jimmy Carter oo Degreeto Madaxweyne ku soo saaray in maalintaa maalin Qaran laga dhigo. Helen Keller, waxaa lagu tiriyaa dadka adduunka soo maray kuwa ugu guulaha wanaagsan ee wax laga dheefo oo lagu xasuusto ka tagay. Helen iyada oo caafimaadqabta oo laxaadqabta ayay dhalanaysaa. 19 bilood markay barroosinka saarto ee ay buuxiso ayay xummadi ku dhacaysaa. Muddo ayay la ildarnaanaysaa. Waxay muddo la jiiftaba xummaddiibaa ka ba’aysa. Xummaddii wax ka ba

Sideed u Kordhin Kartaa Aqoontaada Guud?

Image
Hordhac Qofku markasta noloshiisa wax ayuu bartaa oo waxbaa u kordha. Waxkasta oo qofka qaybaha kala duwan ee nolosha uga kordhaa faa’ido aan qiyaas lahayn ayay u leeyihiin. Marka aynu leennahay ‘ Aqoon Guud’ waxa aynu ka wadnaa waxkasta oo qofku taransado oo wacyigiisa, garaadkiisa, jidhkiisa, shaqadiisa, naftiisa, iyo guud ahaan noloshiisa wax ka taraya oo wax ku biirinaya haba yaratee. Kama hadlayno dhinac kaliya ama wax la xidhiidha mawduuc gaar ah oo qofku barto, waxa aan ka hadlayaa si guud waxa uu wax ka korodhsaday. Taas ayaan uga jeedaa ‘ Aqoonta Guud.’ Aqoonta guud waa xogta iyo ogaalka ugubka ah ee qofku ka helo deegaanka iyo dadka ku hareeraysan sida uu xusayo qoraa Bryce oo mawduucan wax ka qoray. In qofku aqoon guud helaa waxa ay bud’dhig, aasaas iyo barbilow ba u tahay guusha shakhsiyadeed ee qofka. Qoraalkan waxa aynu si kooban ugu sharraxi doonnaa sida qofku aqoontiisa guud ee wacyigiisa iyo waayihiisa dhisaysa u biirsan lahaa ama u kordhin lahaa. Marka aynu qodobbadaa