Helen keller: Gabadh Indhaha iyo Dhegahaba Naafo ka ahayd, Haddana Ph.D qaadatay!!

 





Maanta oo kale Juun 1, 1968kii, waxa ay ku beegantaytahay maalintii ay adduunyada ka guurtay qof muhiim ah oo sooyaal iyo taariikh lahaa. Waa maalintii ay dhimatay Helen keller oo gabadh indhaha iyo dhegahaba naafo ka ahayd! Maanta waxaa la xusayaa 54 Sannadguuradii ka soo wareegtay dhimashadii Helen. Waa maalin adduunka dad badan ku wayn. Sidoo kale Bishan maanta bilatay ee kowdeeda ay dhimatay Juun 27keeda waxa ay ku beegantahay maalintii ay dhalatay, oo loo aqoonsaday Helen Day, waxaanna ansixiyay madaxweynihii Maraykanka waqtigaa Jimmy Carter oo Degreeto Madaxweyne ku soo saaray in maalintaa maalin Qaran laga dhigo.

Helen Keller, waxaa lagu tiriyaa dadka adduunka soo maray kuwa ugu guulaha wanaagsan ee wax laga dheefo oo lagu xasuusto ka tagay. Helen iyada oo caafimaadqabta oo laxaadqabta ayay dhalanaysaa. 19 bilood markay barroosinka saarto ee ay buuxiso ayay xummadi ku dhacaysaa. Muddo ayay la ildarnaanaysaa. Waxay muddo la jiiftaba xummaddiibaa ka ba’aysa.

Xummaddii wax ka ba’day, se waxa ay kaga tagtay indhola’aan iyo dhegola’aan.Labadii laxaad ee lixda laxaad ee ugu mudnaa ayay waayaysaa! Cakuye ciilwaynnaa! Hooyadeed, iyo Aabbaheed ayaa dhakhtar u raadinaya. Hooyadeed qaabka ay u raadinayso waxaa ka mid ah inay la socoto Wargeysyada maalinlaha ah ee guud ahaan dalka, gaar ahaanna gobbollada jaarka ka soo baxa. Markaa maalin iyada oo akhriyaysa Wargeysa ‘ American Notes’ ayay ka helaysaa war ah inay jirtay gabadh la odhan jiray Luara Brigdman, oo waxbaratay. Sidoo kale, waxa ay ka akhriday inuu jiro dhakhtar xanuunnada noocan ah wax ka daweeya oo yaqannaa.

Helen Hooyadeed iyo Aabbaheed ayaa dhakhtarkii u tagaya. Dhaktarkii wax sidaa u sii buuran uma qaban, isna wuxuu ku xawilay oo kula taliyay inay u tagaan Alexander Graha Bell, oo markaa ka shaqaynayay Dugsi dhegoolayaal dhigtaan, Washintong na joogay. Bell, ayay u tageen, Helen ayuu wax wayddiiyay oo waraysi ayuu la yeeshay. Bell, wuxu kula taliyay inay Dugsiga ‘Perkins Institute for the Blind’ oo ku yaal Boston, Massachusetts ay tagaan…. Helen sida ay u socoto waxa ay noqon doontaa aqoonhanad Ph.D qaadatay. Sida ay ku qaatay iyo gabadhaasi labada Laxaad ee muhiimka ah naafada ka ahi waa su’aal iswayddiin mudan, cashirna laga baran karo...

Gabadh aad u neceb kibirka, iscaawinla’aanta iyo wixii la halmaala ayay ahayd. Dhinaca siyaasadda Xariifad lagu daalay oo rag badan xiniinyaha qabatay ayay ahayd, oo waxa ay ka mid ahayd Xisbiga Socialka, qoraallo badanna way ka qortay...

Odhaahyadeeda caanka ah waxaa ka mid ah ‘ Indhala’aantu maaha araga e waa hiraal la’aanta iyo qofka oo ayna meeli u muuqan.’ Qof inuu indhala’yahay aaminsanyan waxa aad ka filataa waa horumar aan baaxadlahayn.

Dhinaca qoraalka iyada oo indhala’ ayay qortay wax ka badan 18 buug oo dunbida daafaheega ka caan ah, waxaa ugu caansan buugteeda buugga la yidhaa ‘ Story of My Life’ oo in ka badan 50 luuqadood loo turjumay.

FG: Buug Af Soomaali ku qoran ayaan ka qoray sannadkii 2019kii. Wuu dhammaaday hadda; Mustaqbalka inaan daabacaa waa macquul.

Buuggaa ma akhriday? Maxaad ka baratay? 

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?