Aale
Waa Aale gooray. Qarannimo ayuu ka soo gudbay oo goorid ayuu u gudbay. Hadhuudh madaxii leh, oo bisayl ku dhaw qabtiisii hoose ee uu ku taagnaa weeyi. Muddo badan ka dib ayaan afka taabsiiyay. Xasuustu waxa ay igu celinaysaa aniga oo yar markii aan intaan cararo hadhuudhka dhexgeli jiray ee dhexqaadi jiray, aniga oo raadinaya xabbad aan goosto oo macaan, misana aan QARAN ahayn! Qaran, ka beerallay Qodaal ahaan waxa aannu u isticmaalnaa laba shay: B) Aaluhu intuuna bislaan ee uuna dhuux isku xidhan oo la cuni karo yeelan. Haddi aad afka taabsiiso qac buu leeyahay oo waa caddaan. Markaas ayaa la yidhaa ' Weli waa QARAN. T) Beerta la qodo, inta gaar ahaan la beero ee jiran, sannadkasta Garaw ama arabikhi laga beero ayaa la yidhaa waa QARAN. Awowgay Sheekh Maxammed, isagu markuu sidaa u eego wuu garan jiray in Aalahaasi gooray (bislaaday), oo la cuni karo, iyo inuu weli qaranyahay, oo uuna weli goorin. Dhegta caleenta ayuu eegi jiray, oo wuxuu odhan jiray: " Haddii dhegtu do...