QABANDHACYOOYIN KA AKHRISTAHA


   

1- Hala noolaan dadka fekerka laga xayuubiyey, waayo waxa ay ku dhibayaan intay ku anfacaan in ka badan.
 2- ku samir wax akhriska, ahow qof u ooman in uu wax kordhisto, wax raadi/ baadh. Ruug fekerrada. Dadka waaweyn la faq si dadaal iyo heersare ah.
3- Ha akhriyin buugta liidata, waqtiga uun bay kaa ridayaan. Ka digtoonoow oo ha akhriyin warqadaha quruxda badan ee aan xanbaarsanayn fekrado gundheer, iyo waxyaabaha aan wax cusub ku soo kordhinayn.
4- La nooloow buugta cusub markasta. Waxa aad joogtaysaa munaaqashaynta fekerrada duugoobey. Ha ka baqin fekerrada gadaasha laga soo tuuro.
5- Haka cabsan falsafadda, waa bad ka mid ah badaha. Ka dabbaasha baduhu wuu qarqoomaa! Balse, ka xariif ka ahi badhtan kuu ugalaa [ Muquurtaa]. Halkaa Xikmad baynnu ka dhandhansan karanaa ah; ha cabsan! Ha dhegaysan ciddii cabsanasa, adna kaa cabsiinasa.
6-Ogsoonow in aanad Jaamacadda cilmi ka helayn, aqoonna ka baraneyn, balse, ayku siinaso furaha aqoonta,  iyo  awood aad wax ku baadho. Immisaa shahaado sare sita, balse saqafadii wax ba la’aan ku noqdey. Sidaa wuxuunna ku dhammeystaa waxbarashada inteed muuqata (Cilmiga jahliga).

  W/Q: SH. CABDIRAXMAAN BASHIIIR
W/T: CABDIRASAAQ SANDHEERE

 31-12-2017, Habeen Axed ah.

Comments

Popular posts from this blog

Faallada Buugga “ Furaha Ganacsiga”

MAXAAN KU SOO ARKAY MAGAALADA HERAR?

Cashir nooceeya ayaan ka baran karnaa Sheekada Shammuuri?